30/05/2026
Hambalyo iyo Duco Ardayda Puntland ๐น
Maanta oo ay taariikhdu tahay. 30/05/2026, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo u fadhiya imtixaannada shahaadiga ah ee Dowladda putland.
Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu idiin fududeeyo imtixaanka, idinkuna ku guulaysataan dadaalkii iyo wakhtigii aad geliseen waxbarashadiinna. Waxaan idiin rajaynayaa natiijooyin wanaagsan, guul iyo horumar mustaqbalka iftiimiya.
Hambalyo gaar ah ayaan u dirayaa ardayda Gobolka Mudug, kuwaas oo maanta muujinaya dadaal, karti iyo himilo sare. Waxaan idiin rajaynayaa in aad noqotaan jiilka horseeda horumarka, nabadda iyo barwaaqada bulshada Soomaaliyeed.
Guushu waxay raacdaa dadaalka, aqoontuna waa furaha horumarka.
Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwo guulaysta.
๐โ๏ธ Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.
Dhamaad..........
Xafiiska Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug
22/05/2026
Xafladda qalin jabinta ardayda dhamaysay fasalka 12aad ee dugsiga sare ee kuweyd dufcadii 1aad Ayaa lagu qabtay deegaanka kuweyd ee degmada Bursaalax gobolka Mudug .
waxaana Xafladdani ka soo qayb galay gudoonka waxbarashada degmada, Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka Maareynta Musiibooyinka gobolka Mudug,
Masuuliyiin ka socotay jaamacadda pust iyo red sea university, maamulka dugsiga sare ee Cumar Samatar,
Maamulayaasha dugsiyada Waxbarashada Degmada Bursaalax, qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Culimo Awdiin cuqaal, waxgarad iyo sidoo waalidiinta ardayda Dugsigani
Iyada oo xafladdani qayb ka ahaayeen ardayda ka qalin badalatay fasalka 8aad ee dugsiga dhexe dufcadii 6aad .
Ugu Dambayntii Xafladdan ayaa dardaaran iyo duco ka dib ku soo dhamaatay jawi farxadeed.
warfaafinta Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug
14/05/2026
๐๐๐-๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
Taariikh: 13-May-2026, Garoowe , Puntland , Somalia
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ iyo ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ waxay si wadajir ah u beeninayaan warqad digniin ah oo lagu faafiyey baraha bulshada kana soo baxday Hayโadda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (๐๐๐๐๐) taas oo lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku wajahan yihiin gobollo ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah deegaanada xeebaha muddada u dhaxaysa ๐๐-๐๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐.
Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna goโaan qaadan karo.
Waxaa sidoo kale nasiib daro ah in xog aan tixraac iyo raad lahayn lala wadaago bulshada reer Puntland.
Haddaba bahda-warbaahinta iyo bulsho weynta reer Puntland waxaa lagu wargelinayaa inay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin oo keeni kara cabsi iyo jahawareer bulsho.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland waxay bulshadooda ku wargelinaysaa in dhammaan digniinaha cimilada iyo xaaladaha Khataraha degdegga ah ay kala socdaan:
โข Mareegaha rasmiga ah ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โข Bogagga rasmiga ah ee baraha bulshada ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โข Warbaahinta dowladda iyo bahwadaagta la shaqeeya mareegohooda rasmiga ah.
Ugu dambeyn, Wasaaradda iyo Xaruntu waxay si joogta ah ula soconayaan xaaladaha cimilada iyo bixinta xogaha saxda ah waqtiga ku haboon.
โ DHAMMAAD โ
10/05/2026
๐ง๏ธ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐-๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐:
Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan roobabka laga filayo deegaanada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo dhexdhexaad ah.
๐Qaybo kamid ah deegaanada ๐๐๐๐ฅ๐ค๐๐๐ฒ๐จ, ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐ง๐ฅ๐, ๐๐๐ซ๐๐จ, ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐๐๐ง, ๐๐ฎ๐ซ๐ฌ๐๐๐ฅ๐๐ฑ, ๐๐๐ฅ๐๐จ๐ ๐จ๐, ๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐, ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐, ๐๐จ๐จ๐๐๐ฆ๐, ๐๐๐ง๐ ๐จ๐ซ๐๐ฒ๐จ, iyo ๐๐๐ค๐จ ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah inta lagu jiro muddadan.
โ ๏ธ Bulshada ku nool meelaha la saadaaliyay roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan ๐๐๐๐ฃ๐ข๐ ๐ง๐๐๐ง ๐๐ก๐๐๐ซ๐๐๐ ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si looga hortago khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.
Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.
10/05/2026
Deganka Godad: 08/05/2026.
Waxaa sharaf wayn noo ahayd in aan ka qayb Galo Xarig jarka Qolalka Hooyada iyo dhalaanka ee lagu siyaadiyey Godad MCH.
Qolalkan oo loogu tala galay in ay ku umulaan hooyooyinka deegaanka ayaa waxaa si toos ah xariga uga jaray Wasiir kuxigeenka Amniga Dow. Puntland Mr. yusuf Dujana , oo mudooyinkan Gobolka ujoogay hawlo shaqo, sidoo kale xaflada waxaa kasoo qayb galay bahda caafimaadka heer Gobol iyo Heer Dagmo, isuduwayaal, maamulka deegaanka Godad , waxgarad, ururka haweenka iyo dhalinyaro.
Mashrucan waxaa hirgaliyey Ururka Talo iyo Tabar Wadaag (TTW). Oo uu hogaamiyo Ahmed Ali Bixi
Ugu dambayn waxan u mahadciln ururka iyo cid kasta oo gacan kagaysatay,
Waxaan rajayn in meternity roomskan lagu daray MCH-ka ay dabooli doonan baahida Hooyada iyo dhalaanka .
.
03/05/2026
๐ง๏ธ SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA 03โ09 MAY 2026
Saadaasha roobka ee maalmaha 03-09 may ayaa ah mid dhexdhexaad ah.
๐Qaybo kamid ah deegaanada hoos taga Ceerigaabo, Burtinle, Godobjiiraan, Galdogob, iyo Carmo ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah oo xaddigoodu gaari karo 50โ100 mm.
Sidoo kale, deegaanada Garoowe, Laascaanood, Xarfo, Bursaalax, Laasqoray, Badhan, Dhahar, Rako, Iskushuban, Eyl, Ufayn, Taleex, Buuhoodle, Jariiban, iyo Gaalkacyo ayaa laga filayaa roobab u dhexeeya 10โ40 mm.
โ ๏ธ Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.
Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.
01/05/2026
GAROOWE: 1- MAY 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka PuntlandAbdinasir Yusuf Haji-Green ayaa munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed, hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan shaqaalaha Puntland, gaar ahaan hawl-wadeennada madaalayaasha ah ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland.
1-da May waa fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee shaqaaluhu u leeyihiin bulshada, gaar ahaan dhanka adeegga iyo wax-soo-saarka.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐.
01/05/2026
Xil-wareejinta Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Kenya
Jaaliyadda Puntland ee Kenya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa qabsoomidda munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha, taas oo astaan u ah hannaanka hoggaamineed, isbeddelka nidaamsan, iyo xoojinta wadajirka bulshada.
Waxaan si xushmad leh u casumaynaa aqoonyahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ka soo qeyb galaan munaasabaddan qiimaha leh Guddoomiyaha Saed Ya'kub
๐ Diamond Plaza 2, Parklands โ Nairobi
๐ 01 May 2026 (Friday) | โฐ 6:00pm
๐ค Midnimo, Wadajir, iyo Horumar
30/04/2026
:- Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland ayaa 30-ka April 2026 ku qabatay Gaalkacyo shir dib-u-eegis iyo wada-tashi ah oo ku saabsan xeerka maalgashiga Puntland, diyaarinta xeerka shirkadaha, iyo habraaca PPP iyo siyaasadahooda.
Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Mudug, ganacsato iyo bulshada rayidka ah, iyadoo ujeedku ahaa in la helo talooyin lagu horumarinayo sharciyadaas.
30/04/2026
Roobab Wata Fatahaado oo laga Cabsi Qabo inay ka Daโaan Qaybo ka mid ah Deegaannada Puntland- (Nugaal, Mudug & Karkaar) 30 April โ 12 May 2026
Saddexda maalmood Ee soo socda, deegaannada Puntland waxaa la filayaa inay ka daโaan roobab mahiigaan ah oo sababi kara fatahaado;
Sida ka cad khariidadda jaantuska (Map)ka -Ee hoose.
Fiiro- Gaara
waxaa lagu wargelinayaa shacabka ku nool deegaannada Puntland inay muujiyaan taxaddar dheeri ah, isla markaana ka fogaadaan meelaha biyo-mareennada ah iyo goobaha u nugul fatahaadaha.