Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug

Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug

Share

Innovation is premised on experimentation, or โ€œthe action or process of trying out new ideas,method.

Photos from Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug's post 30/05/2026

Hambalyo iyo Duco Ardayda Puntland ๐ŸŒน
Maanta oo ay taariikhdu tahay. 30/05/2026, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo u fadhiya imtixaannada shahaadiga ah ee Dowladda putland.
Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu idiin fududeeyo imtixaanka, idinkuna ku guulaysataan dadaalkii iyo wakhtigii aad geliseen waxbarashadiinna. Waxaan idiin rajaynayaa natiijooyin wanaagsan, guul iyo horumar mustaqbalka iftiimiya.
Hambalyo gaar ah ayaan u dirayaa ardayda Gobolka Mudug, kuwaas oo maanta muujinaya dadaal, karti iyo himilo sare. Waxaan idiin rajaynayaa in aad noqotaan jiilka horseeda horumarka, nabadda iyo barwaaqada bulshada Soomaaliyeed.
Guushu waxay raacdaa dadaalka, aqoontuna waa furaha horumarka.
Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwo guulaysta.
๐Ÿ“šโœ๏ธ Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.
Dhamaad..........
Xafiiska Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug

Photos from Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug's post 22/05/2026

Xafladda qalin jabinta ardayda dhamaysay fasalka 12aad ee dugsiga sare ee kuweyd dufcadii 1aad Ayaa lagu qabtay deegaanka kuweyd ee degmada Bursaalax gobolka Mudug .
waxaana Xafladdani ka soo qayb galay gudoonka waxbarashada degmada, Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka Maareynta Musiibooyinka gobolka Mudug,
Masuuliyiin ka socotay jaamacadda pust iyo red sea university, maamulka dugsiga sare ee Cumar Samatar,
Maamulayaasha dugsiyada Waxbarashada Degmada Bursaalax, qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Culimo Awdiin cuqaal, waxgarad iyo sidoo waalidiinta ardayda Dugsigani
Iyada oo xafladdani qayb ka ahaayeen ardayda ka qalin badalatay fasalka 8aad ee dugsiga dhexe dufcadii 6aad .

Ugu Dambayntii Xafladdan ayaa dardaaran iyo duco ka dib ku soo dhamaatay jawi farxadeed.
warfaafinta Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug

14/05/2026

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Taariikh: 13-May-2026, Garoowe , Puntland , Somalia

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ซ๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š iyo ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐ ๐š๐ก๐š ๐Š๐ก๐š๐ฒ๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ waxay si wadajir ah u beeninayaan warqad digniin ah oo lagu faafiyey baraha bulshada kana soo baxday Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (๐’๐Ž๐ƒ๐Œ๐€) taas oo lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku wajahan yihiin gobollo ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah deegaanada xeebaha muddada u dhaxaysa ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐Ÿ• ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna goโ€™aan qaadan karo.

Waxaa sidoo kale nasiib daro ah in xog aan tixraac iyo raad lahayn lala wadaago bulshada reer Puntland.

Haddaba bahda-warbaahinta iyo bulsho weynta reer Puntland waxaa lagu wargelinayaa inay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin oo keeni kara cabsi iyo jahawareer bulsho.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland waxay bulshadooda ku wargelinaysaa in dhammaan digniinaha cimilada iyo xaaladaha Khataraha degdegga ah ay kala socdaan:
โ€ข Mareegaha rasmiga ah ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โ€ข Bogagga rasmiga ah ee baraha bulshada ee Wasaaradda iyo Xarunta.
โ€ข Warbaahinta dowladda iyo bahwadaagta la shaqeeya mareegohooda rasmiga ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda iyo Xaruntu waxay si joogta ah ula soconayaan xaaladaha cimilada iyo bixinta xogaha saxda ah waqtiga ku haboon.

โ€” DHAMMAAD โ€”

10/05/2026

๐ŸŒง๏ธ ๐’๐€๐€๐ƒ๐€๐€๐’๐‡๐€ ๐‘๐Ž๐Ž๐๐Š๐€ ๐„๐„ ๐“๐Ž๐ƒ๐ƒ๐Ž๐๐€๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐Ÿ๐ŸŽ-๐Ÿ๐Ÿ” ๐Œ๐€๐˜ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”:

Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan roobabka laga filayo deegaanada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo dhexdhexaad ah.

๐Ÿ“Qaybo kamid ah deegaanada ๐†๐š๐š๐ฅ๐ค๐š๐œ๐ฒ๐จ, ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐ง๐ฅ๐ž, ๐—๐š๐ซ๐Ÿ๐จ, ๐‰๐š๐ซ๐ข๐ข๐›๐š๐ง, ๐๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ, ๐†๐š๐ฅ๐๐จ๐ ๐จ๐›, ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐, ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐ž, ๐๐จ๐จ๐œ๐š๐ฆ๐ž, ๐ƒ๐š๐ง๐ ๐จ๐ซ๐š๐ฒ๐จ, iyo ๐‘๐š๐ค๐จ ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah inta lagu jiro muddadan.

โš ๏ธ Bulshada ku nool meelaha la saadaaliyay roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan ๐Ÿ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ ๐ง๐š๐š๐ง ๐๐ก๐ž๐ž๐ซ๐š๐š๐ ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si looga hortago khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.

Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐Š๐ก๐š๐ฒ๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.

Photos from Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug's post 10/05/2026

Deganka Godad: 08/05/2026.

Waxaa sharaf wayn noo ahayd in aan ka qayb Galo Xarig jarka Qolalka Hooyada iyo dhalaanka ee lagu siyaadiyey Godad MCH.

Qolalkan oo loogu tala galay in ay ku umulaan hooyooyinka deegaanka ayaa waxaa si toos ah xariga uga jaray Wasiir kuxigeenka Amniga Dow. Puntland Mr. yusuf Dujana , oo mudooyinkan Gobolka ujoogay hawlo shaqo, sidoo kale xaflada waxaa kasoo qayb galay bahda caafimaadka heer Gobol iyo Heer Dagmo, isuduwayaal, maamulka deegaanka Godad , waxgarad, ururka haweenka iyo dhalinyaro.

Mashrucan waxaa hirgaliyey Ururka Talo iyo Tabar Wadaag (TTW). Oo uu hogaamiyo Ahmed Ali Bixi

Ugu dambayn waxan u mahadciln ururka iyo cid kasta oo gacan kagaysatay,

Waxaan rajayn in meternity roomskan lagu daray MCH-ka ay dabooli doonan baahida Hooyada iyo dhalaanka .

.

03/05/2026

๐ŸŒง๏ธ SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA 03โ€“09 MAY 2026

Saadaasha roobka ee maalmaha 03-09 may ayaa ah mid dhexdhexaad ah.

๐Ÿ“Qaybo kamid ah deegaanada hoos taga Ceerigaabo, Burtinle, Godobjiiraan, Galdogob, iyo Carmo ayaa la filayaa inay helaan roobab dhexdhexaad ah oo xaddigoodu gaari karo 50โ€“100 mm.
Sidoo kale, deegaanada Garoowe, Laascaanood, Xarfo, Bursaalax, Laasqoray, Badhan, Dhahar, Rako, Iskushuban, Eyl, Ufayn, Taleex, Buuhoodle, Jariiban, iyo Gaalkacyo ayaa laga filayaa roobab u dhexeeya 10โ€“40 mm.

โš ๏ธ Bulshada ku nool deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan inay ka fogaadaan biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha dhulka hooseeya, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qulqulka biyaha.

Saadaashan roobka waxay isbeddeli kartaa waqti kasta, iyadoo ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah ula socotaa isbeddelada cimilada si loo helo xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.

01/05/2026

GAROOWE: 1- MAY 2026:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka PuntlandAbdinasir Yusuf Haji-Green ayaa munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed, hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan shaqaalaha Puntland, gaar ahaan hawl-wadeennada madaalayaasha ah ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland.

1-da May waa fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee shaqaaluhu u leeyihiin bulshada, gaar ahaan dhanka adeegga iyo wax-soo-saarka.

Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21

Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐†๐€๐‘๐†๐€๐€๐‘๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐Œ๐€๐€๐‘๐„๐˜๐๐“๐€ ๐Œ๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐๐”๐๐“๐‹๐€๐๐ƒ.

01/05/2026

Xil-wareejinta Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Kenya

Jaaliyadda Puntland ee Kenya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa qabsoomidda munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha, taas oo astaan u ah hannaanka hoggaamineed, isbeddelka nidaamsan, iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Waxaan si xushmad leh u casumaynaa aqoonyahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ka soo qeyb galaan munaasabaddan qiimaha leh Guddoomiyaha Saed Ya'kub

๐Ÿ“ Diamond Plaza 2, Parklands โ€“ Nairobi
๐Ÿ—“ 01 May 2026 (Friday) | โฐ 6:00pm

๐Ÿค Midnimo, Wadajir, iyo Horumar

Photos from Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug's post 30/04/2026

:- Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland ayaa 30-ka April 2026 ku qabatay Gaalkacyo shir dib-u-eegis iyo wada-tashi ah oo ku saabsan xeerka maalgashiga Puntland, diyaarinta xeerka shirkadaha, iyo habraaca PPP iyo siyaasadahooda.

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Mudug, ganacsato iyo bulshada rayidka ah, iyadoo ujeedku ahaa in la helo talooyin lagu horumarinayo sharciyadaas.

30/04/2026

Roobab Wata Fatahaado oo laga Cabsi Qabo inay ka Daโ€™aan Qaybo ka mid ah Deegaannada Puntland- (Nugaal, Mudug & Karkaar) 30 April โ€“ 12 May 2026

Saddexda maalmood Ee soo socda, deegaannada Puntland waxaa la filayaa inay ka daโ€™aan roobab mahiigaan ah oo sababi kara fatahaado;

Sida ka cad khariidadda jaantuska (Map)ka -Ee hoose.

Fiiro- Gaara

waxaa lagu wargelinayaa shacabka ku nool deegaannada Puntland inay muujiyaan taxaddar dheeri ah, isla markaana ka fogaadaan meelaha biyo-mareennada ah iyo goobaha u nugul fatahaadaha.

Want your business to be the top-listed Government Service in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Gobalka Mudug
Gaalkacyo