Africa Primary and secondary school

Africa Primary and secondary school

Share

Africa secondary school Galkio

26/04/2026

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay bulshada, gaar ahaan ardayda fasallada shahaadiga, la wadaagaysaa jadwalka rasmiga ah ee imtixaanaadka sannad-dugsiyeedka 2025–2026.

Waxaan ardayda ku boorrinaynaa inay si wanaagsan isu diyaariyaan, wakhtiga ilaaliyaan, ayna raacaan tilmaamaha Xafiiska Imtixaanaadka.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Dhammaad.

Photos from Africa Primary and secondary school's post 15/04/2026

πŸŽ“ Tababar β€œThe Road to Exam Success” oo si guul leh u soo dhamaaday!

Alxamdulillah, shalay waxaa si rasmi ah u soo gabagabeynay tababar muhiim ah oo loogu talagalay ardayda fasalka 8aad Ee isku diyaarinaya imtixaanka wasaarada ee dugsiga Ahmed guray oo Ustaad Kheyre Ahmed Abdulkadir uqabanayay ardayda. Dugsiga ayaa tababarkan ugu talagalay ardaydaas kaas oo diiradda saaray diyaarinta imtixaanka, xeeladaha saxda ah, iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin sare.

Ardaydu waxay ka faa’iideysteen talooyin wax ku ool ah, farsamooyin fudud, iyo dhiirigelin kor u qaadaysa kalsoonidooda kahor imtixaanka.

πŸ™mahadsanid Eng Kheyre
Mahadsanidiin dhammaan ardaydii ka qaybqaadaty
πŸ’‘ Mustaqbalkiinnu waa iftiin β€” sii wada dadaalka!

πŸ“Έ Hoos ka daawo sawirada tababarka

Photos from Africa Primary and secondary school's post 05/04/2026

Hambalyo diirran ayaan u diraynaa 3-da arday ee ugu sarreeya dugsiga imtixaankii bileedkii πŸŽ‰πŸ“š

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkiinna, kartidiinna iyo adkaysigiinna. Waxaan idin rajaynaynaa horumar iyo guulo ka sii waaweyn mustaqbalka. Sii wada dadaalka! πŸ’ͺ✨

22/03/2026

πŸ“’ Ogeysiis Muhiim ah – Africa Secondary School

πŸŽ“ Dhamaan waalidiinta iyo ardayda waxaa la ogeysiinayaa in
Dugsiga dib u furmayo Isniinta, 23-March-2026

πŸ“š Waxaa si rasmi ah u bilaabanaya casharrada iyo xiisadaha dugsiga.

πŸ™ Fadlan waqtiga ilaaliya.

🏫 Africa Secondary School πŸ“ž 0907986071

19/03/2026

Africa Secondary School waxay dhammaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta, iyo ummadda Muslimiinta u diraysaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fidriga.
Ciid Mubaarak!
Ilaahay ha inaga aqbalo acmaashii suubbanaa. πŸŒ™βœ¨

Photos from Africa Primary and secondary school's post 12/03/2026

RAMADAAN WANAAGSAN IYO FASAX WANAAGSAN πŸŽ“βœ¨

Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa dhammaan ardayda Dugsiga Afrika secondary school oo maanta si guul leh u soo afmeeray imtixaankii bilaha ahaa ee u socday. Dadaalkii aad muujiseen waa mid in la idinku bogaadiyo mudan. waxaana idiin rajaynaynaa natiijooyin aad ku faraxdaan.
Muddada uu imtixaanku socday waxaad muujiseen dhabar-adayg iyo akhlaaq wanaag, haddana waa markii aad heli lahaydeen nasasho mudan. 🌸

OGEYSIIS FASAX:
Dugsigu wuxuu geli doonaa fasax kooban, waxaana dib loo soo laaban doonaa haddii Alle idmo:
πŸ—“ Maalinta: Isniin
πŸ“… Taariikhda: 23-ka Bisha Maarso
πŸ“ Goobta: Xarunta Dugsiga
Ardayda qaaliga ah, ku raaxaysta fasaxa, waqtigana la qaata qoysaska idinkoo mar walba maskaxda ku haya muhiimadda aqoonta. Dib u soo laabasho wacan iyo firfircooni hor leh!
Dugsiga Afrika: "Halka ay ka bilaabato mustaqbalkaaga." πŸ“–πŸ†

Photos from Africa Primary and secondary school's post 01/03/2026

Waxaa si rasmi ah u dhammaaday tartankii aqooneed ee u dhexeeyay Form Four iyo Form One. Tartankaas oo ahaa mid xiiso leh ayaa ku soo gabagaboobay jawi qurux badan.

πŸŽ‰ Guusha waxay raacday Form Four.

Waxaan hambalyo u diraynaa Form Four oo muujiyay dadaal iyo karti sare. Sidoo kale bogaadin gaar ah ayaan u jeedinaynaa Form One oo iyaguna muujiyay dadaal, geesinimo iyo tartan wanaag.

πŸ‘ Guul iyo horumar dhammaan ardayda!

23/02/2026

Daawo samsam oo dugsiga ku amaanaysa buraanbur

22/02/2026

Daawo raxmo oo soo jeedinaysa gabay ka hadlaya heerarka nolosha

21/02/2026

Daawo clqani oo ku luuqaynaya heesta nacasow gumaystaha.

Photos from Africa Primary and secondary school's post 20/02/2026

🏫✨Africa secondary – Hoyga Aqoonta iyo Hibada ✨🏫

Waxaa si heer sare ah noogu qabsoomay tartan aqooneedkii u dhaxeeyay Form One iyo Form Three. πŸ“šπŸ†

Tartanku wuxuu ku soo dhammaaday bareejo, taas oo muujinaysa in labada dhinacba si siman oo heer sare ah u soo diyaargaroobeen. 🀝

Sidoo kale ardaydu waxay soo bandhigeen barnaamijyo iyo activities muujinaya karti, hal-abuurnimo iyo kalsooni. 🌟

Waxaan ku faaneynaa ardaydeena iyo macallimiinteena dadaalka badan.
Mustaqbal ifaya ayaa halkan ka bilaabmay.

Want your business to be the top-listed Government Service in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Gaalkacyo