Community Aid Network- CAN.
CUMMUNITY AID NETWORK (CAN). DALLADDA DARYEELKA BULSHADA ----
FOUNDATION YEAR : 2007
formerly known: AED (Asso. of Educational Dev)
12/03/2025
Maxaa waddankeenna ay dib ugu hulaaqayaan colaadihii sokeeye 33 sano kadib ayada oo aan ognahay silica iyo dhibta soomaali kasoo gaartay colaadaha sokeeye?
Fadlan aragtidaada wanaagsan nalawadaag.
Dental ethics and professionalism
Jugsii lifaaqa hoose si aad u dhageysato casharka oo dhammeystiran.
https://youtu.be/A9AN3Nu1DqU
Khudbadii jumcaha ee maantay September 16, 2022, Masjidka Abu-bakar , Boosaaso.
Dr Saabir A. Omar Takar
# الأمانة
24/07/2021
Dalladda CAN ayaa shahaado sharaf gudoonsiisay masuuliyiin iyo aqoon yahan dawr wayn ku lahaa hirgalinta Galdogob Library.
06/07/2021
Dalladda CAN oo u wareegtay xafiis cusub oo ay ayadu leedahay
Dalladda oo waayadaan ku mashquulsanayd dhisidda xafiis cusub ayaa ugu danbayn soo gaba gabaysay
Xafiiskaan oo kharash badani ku baxay waxaa gacan wayn ka gaystay dhismihiisa wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee DFS mudane Duran Farah
Sidoo kale waxaa asna ka qaybaatay dhismaha xafiiska Sh. Abdirizak Ali (Abuu Cubayda)
Allah miisaankooda xasanaadka ha ugu daro.
07/06/2021
Dalladda CAN ayaa ardaydii kabaxay form 4ka sannadkaan waxay u qabatay siminaar ay ku tusaalaynayaan habka ay u dooranayaan kulliyadaha ay rabaan inay diyaariyaan
Siminaar waxaa soo jeedinaya aqoonyahano ka kala yimid jaamacadaha dibadda iyo dalkaba.
29/05/2021
Dalladda CAN ayaa caawa kulan xasaasi la qaadatay aqoonyahan Sh. Abdirizak Ali (Abuu Cubayda) oo kamid ah ganacsatada deegaanka
Shaykha iyo Dalladdu waxay ka wada hadleen sidii ay wada shaqayn u yeelan lahaayeen isuna kaashan lahaayeen mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
05/04/2021
Dalladda CAN waxay hambalyo u dirayaan gudoomiyaha iyo ku xigeenka cusub ee ururka GYDO.
Waxaan wakhti badan ku bixinay in degmada ururada ka jira ay hogaamiyaan dhallinta jaamacadaha ka yimid ee wakhtiga galiyay aqoonta si ay u helaan meel ay aqoontaas ugu faaiideeyaan bulshada, degmaduna u hesho dad dhallinyar, aqoon leh oo daacadnimadooda ugu adeega.
Aad iyo aad baan usoo dhawaynaynaa gudooomiye Yuusuf Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cumar Macalin Siciid, waxaana ballan qaadaynaa inaan noqon doono garabkooda midig.
Waa mahadsantihiin.
Waxaan caddaynaynaa in aysan jirin wax faragalin ah oo CAN ku hayso doorashada GYDO.
GYDO waa urur dawli ah oo go'aanadeeda iyo arimaheeda ayaga u khaas ah iyo hay'adaha ay hoostagaan ee dawladda Puntland, nooma furna waddo aan ku faragalin karno arimahooda gaarka ah.
Haddii nalooga baahdo dawr dhexdhexaadin ah ee dhinacyada muransan ee GYDO waan qaadanaynaa kaalinta nooga aaddami karta, maadaama aan nahay dallad u taagan badbaadinta ummadeena.
01/01/2021
Xadaanada Mishkaat oo ah xarun lagu tababaro ilmaha yar yar, sidoo kalana ah madarasa soo saarta arday tayo leh ayaa dalladda CAN u aqoonsatay hormuudkii degaanka ee sanadkii tagay ee 2020
Waa mahadsantihiin Mishkaat.
01/01/2021
Mahad ballaaran ayaan ujeedinaynaa Xannaanad carruurta oo abaalmarinta sannadka ee guddoonsiisay Dalladda Community Aid Network- CAN.
Nabaadiino #2020.
Guul iyo gobonimo #2021
Click here to claim your Sponsored Listing.
TAHNIYAD AROOS
Labo hanbalyo oo wada socda.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka AED oo loo magacaabay mudane Abdiwali Mohamed Adan (Abdiwali dari) 9-feb 2018 maanta oo jumco ah iyo masuulka oo xafladda guurkiisu ka dhacday Hotel Tawakal isla maanta, mudane Masuul/caruus dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha ururka hormarinta waxbarashada waxay hawada kuu marinayaan tahniyad waxaana idin leennahay adi iyo xaaskaaga Xaawo Cabdi diiriye ducadii rasuulka SCW ee Baarakallaahu lakumaa wa baaraka calaykumaa.
