06/09/2025
Guddoomiyaha Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka Mudug Mudane Mahdi Maxamed Shirdoon Seefle ayaa maanta Sagootinayay Unug Ciidan ah oo laga soo qoray Magaalada Ceeldibir
Guddoomiye Mahdi Seefle ayaa Ciidamadaan oo ku biiriya Booliska Soomaaliyeed kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan hadafkooda ah inay u adeegaan Diinta ,Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed sidoo kalena ay u adeegaan shacabka Ceeldibir marka ay Tababarka soo dhameystaan
Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah Ciidamo Taliska Booliska Soomaaliyeed u qeybiyay Deegaanada iyo Degmooyinka Gobolka gaar ahaan Bariga iyo koonfurta kuwaas oo ay baahi weynnu qabeen shacabka Deegaanadaas
Guddoomiyaha ayaa Ciidamada ku wareejiyay Taliska Soomaaliyeed oo uu wakiil ka ahaa Gaashaanle Cali Xirsi Sahal Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo
Mahdi Maxamed Shirdoon Seefle Guddoomiyaha Ceeldibir ayaa ka dhabeeyay qaar ka mid ah balan-qaadkiisi ahaa u Adeegista bulshada gaar ahaan Amniga oo tiir dhaxaad u ah nolalsha iyo ilaalinta Nafta iyi maalka shacabka

04/09/2025