28/11/2025
Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!
Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanayaa Barnaamij Diini ah oo muhiim ah, laguna magacaabo:
*lβBarnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinkaβ
Waxaa soo jeedinaya: Sh. Mahamed Hasan Yusuf
Barnaamijku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa muhiimadda cibaadooyinka, sida loo guto iyo kaalinta ay ku leeyihiin nolosha Muslimka.
Fursad weyn oo aad ku baran karto:
- Sida saxda ah ee cibaadada loo gudanayo
- Sida nolosha looga dhigo mid cibaado ku dhisan
- Qorsheyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan xiriirka Alle
Waqtiga: 4:00 galabnimo
Maalinta: Khamiis, Nov 27, 2025
Goobta: Hotel Mumtaaz
Ha moogaan fursaddan! Ku casuum saaxiibadaa iyo qoyskaagaba.
.
09/11/2025
πππππ ππππππππππ ππ β ππππππππππ πππππππππππ & π
ππππππππ πππππππ ππππππππππ
Shalay, waxaa Maktabadda Guud ee Dadweynaha Garbahaarrey lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Naadiga Akhriska & Qoraalka iyo Maktabadda Guud ee Garbahaarrey.
Kulankan wuxuu ahaa mid loogu talagalay ardayda fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, iyadoo diiradda lagu saaray:
Doorashada kulliyadaha ku habboon ardayga
Helidda fursadaha deeqaha waxbarasho
Sida loo sameeyo qorshe waxbarasho oo mustaqbal fog
Iyo dhiirrigelinta in ardaydu qaataan goβaanno xog ogaal ah
Waxaana soo jeediyay khubaro iyo martigelin qiimo leh oo ay ka mid ahaayeen:
β’ Juweyriya Maxamuud Maxamed β Guddoomiyaha Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir
β’ Cabdullaahi Sh. Cabdi Maxamed β Agaasimaha Maktabadda Guud ee Baardheere
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka joogtada ah ee naadigu ku horumarinayo aqoonta, hufnaanta goβaan qaadashada ardayda, iyo kor u qaadidda aqriska & qoraalka bulshada Garbahaarrey.
Ujeedka guud wuxuu ahaa in ardayda lagu wacyigeliyo si ay mustaqbalkooda u qaabeystaan iyadoo laga caawinayo fahamka kulliyadaha, shuruudaha deeqaha waxbarasho, iyo sida loo helo fursado dibadeed.
Faaβiidada laga helay waxaa ka mid ahaa:
β’ Arday badan oo helay talo toos ah
β’ Fahan ballaaran oo ku saabsan sida loo doorto kuliyadda saxda ah
β’ Tusaalooyin ku saabsan sida loo diyaariyo codsiyada deeqaha
β’ Dhiirrigelin iyo kalsooni cusub oo ku saabsan hannaanka tacliinta sare
Naadiga Akhriska & Qoraalka wuxuu mar walba u taagan yahay kor u qaadidda aqoonta, hoggaaminta dhallinyarada, iyo dhisidda bulsho wax akhrisa oo wax qorta.