28/11/2025
Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!
Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanayaa Barnaamij Diini ah oo muhiim ah, laguna magacaabo:
*lโBarnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinkaโ
Waxaa soo jeedinaya: Sh. Mahamed Hasan Yusuf
Barnaamijku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa muhiimadda cibaadooyinka, sida loo guto iyo kaalinta ay ku leeyihiin nolosha Muslimka.
Fursad weyn oo aad ku baran karto:
- Sida saxda ah ee cibaadada loo gudanayo
- Sida nolosha looga dhigo mid cibaado ku dhisan
- Qorsheyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan xiriirka Alle
Waqtiga: 4:00 galabnimo
Maalinta: Khamiis, Nov 27, 2025
Goobta: Hotel Mumtaaz
Ha moogaan fursaddan! Ku casuum saaxiibadaa iyo qoyskaagaba.
.
28/11/2025
Warbixin: Barnaamij Diini Ah oo Laga Faaโiiday Badan Shalay Galab
Shalay galab oo ahayd Khamiis, 27-ka November 2025, waxaa gudaha Maktabadda lagu qabtay barnaamij diini ah oo la magac baxay:
"Barnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinka"
Barnaamijkan oo ay soo agaasimeen"Naadiga Aqriska & Qoraalka Ee Iqra", waxa jeediyay Sh. Mahamed Hasan Yusuf.
Qodobbada muhiimka ah ee laga faaโiiday:
- Muhiimadda cibaadada ee nolosha Muslimka
- Qaabka saxda ah ee loo guto salaadda, soonka, zakaatka iyo cibaadooyinka kale
- Sida loo qorsheeyo nolol diini ah oo joogto ah
- Isku-xirka qalbiga iyo Alle (SWT)
Sheekh Mahamed Hasan wuxuu si qiiro leh u sharraxay sida qofka Muslimka ah uu uga dhigi karo cibaadada tiirka ugu weyn ee noloshiisa. Wuxuu ku boorriyay dhallinyarada in ay yeeshaan nidaam nololeed diini ah.
Ka qaybgalayaashii madasha ayaa si weyn u mahadceliyay, waxaana dareenkoodii ka muuqatay inuu ahaa barnaamij guuleystay oo laga dhaxlay wax weyn.
๐ท Hoos ka daawo sawirradii barnaamijka.
* *
27/11/2025
Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!
Naadiga Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanayaa Barnaamij Diini ah oo muhiim ah, laguna magacaabo:
*lโBarnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinkaโ
Waxaa soo jeedinaya: Sh. Mahamed Hasan Yusuf
Barnaamijku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa muhiimadda cibaadooyinka, sida loo guto iyo kaalinta ay ku leeyihiin nolosha Muslimka.
Fursad weyn oo aad ku baran karto:
- Sida saxda ah ee cibaadada loo gudanayo
- Sida nolosha looga dhigo mid cibaado ku dhisan
- Qorsheyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan xiriirka Alle
Waqtiga: 4:00 galabnimo
Maalinta: Khamiis, Nov 27, 2025
Goobta: Hotel Mumtaaz
Ha moogaan fursaddan! Ku casuum saaxiibadaa iyo qoyskaagaba.
.
26/11/2025
NAADIGA AKHRISKA &QORAALKA Garbahaaray Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo dhawayno Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Dhagawayne) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah, kuna caan ah faafinta aqoonta, wacyigelinta dhalinyarada iyo dhiirrigelinta bulshada. Kulanka maanta wuxuu ka dhacay gudaha Maktabadda Dadweynaha ee Garbahaaray, waxaana kasoo qeyb galay xubno kamid ah Naadiga Akhriska & Qoraalka.
Kulanku wuxuu ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, waxaana sheekhu nala wadaagay:
Waano muhiim ah,Talooyin nololeed,
Tusaalooyin waaya-aragnimo oo dhaxal-gal ah,Dhiirrigelin ku saabsan akhriska, waqtiga iyo horumarinta nafta.
Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan bulshada ugu sheegno in inta uu sheekhu joogo magaalada Garbahaaray uu qaban doono:
Muxaadirooyin aqooneed,Barnaamijyo wacyigelin iyo wax-tar leh,Booqasho dhammaan iskuullada degmada si uu ardayda ula wadaago wacdi, dhiirrigelin iyo talooyin waxtar leh.
Naadiga Akhriska & Qoraalka ayaa ku faraxsan inuu martigeliyo culumada, qorayaasha, iyo aqoonyahannada bulshada wax kusoo kordhinaya. Kulankii maanta wuxuu qeyb ka yahay waajibaadka naadiga ee kor u qaadidda akhriska, aqoonta iyo hogaaminta dhalinyarada.
Soo dhawoow Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Dhagawayne),
Kusoo dhawoow magaalada aqoonta iyo xadaaradda ee Garbahaaray.
Waxqabadka Naadiga waa socda โ Aqoon kororsi & horumar bulsheed.
09/11/2025
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ โ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ & ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Shalay, waxaa Maktabadda Guud ee Dadweynaha Garbahaarrey lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Naadiga Akhriska & Qoraalka iyo Maktabadda Guud ee Garbahaarrey.
Kulankan wuxuu ahaa mid loogu talagalay ardayda fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, iyadoo diiradda lagu saaray:
Doorashada kulliyadaha ku habboon ardayga
Helidda fursadaha deeqaha waxbarasho
Sida loo sameeyo qorshe waxbarasho oo mustaqbal fog
Iyo dhiirrigelinta in ardaydu qaataan goโaanno xog ogaal ah
Waxaana soo jeediyay khubaro iyo martigelin qiimo leh oo ay ka mid ahaayeen:
โข Juweyriya Maxamuud Maxamed โ Guddoomiyaha Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir
โข Cabdullaahi Sh. Cabdi Maxamed โ Agaasimaha Maktabadda Guud ee Baardheere
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka joogtada ah ee naadigu ku horumarinayo aqoonta, hufnaanta goโaan qaadashada ardayda, iyo kor u qaadidda aqriska & qoraalka bulshada Garbahaarrey.
Ujeedka guud wuxuu ahaa in ardayda lagu wacyigeliyo si ay mustaqbalkooda u qaabeystaan iyadoo laga caawinayo fahamka kulliyadaha, shuruudaha deeqaha waxbarasho, iyo sida loo helo fursado dibadeed.
Faaโiidada laga helay waxaa ka mid ahaa:
โข Arday badan oo helay talo toos ah
โข Fahan ballaaran oo ku saabsan sida loo doorto kuliyadda saxda ah
โข Tusaalooyin ku saabsan sida loo diyaariyo codsiyada deeqaha
โข Dhiirrigelin iyo kalsooni cusub oo ku saabsan hannaanka tacliinta sare
Naadiga Akhriska & Qoraalka wuxuu mar walba u taagan yahay kor u qaadidda aqoonta, hoggaaminta dhallinyarada, iyo dhisidda bulsho wax akhrisa oo wax qorta.
08/11/2025
Kulankii Isbarasho & Soo-dhaweynta โ
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Iqra โ Garbaharrey ayaa 7-da Nofeembar 2025 ku qabtay hoolka Mumtaas kulan isbarasho iyo soo-dhaweyn ah oo lagu casuumay Guddiga Maktabadda Dadweynaha Baardheere oo uu hoggaaminayay Mudane Cabdullaahi Cabdi Maxamuud.
Sidoo kale, waxaa kulanka ka soo qayb-gashay Marwo Juweyriya Maxamuud Mohamed, guddoomiyaha Naadiga Akhriska ee Banaadir.
Kulanka waxaa lagu lafa-guray qodobo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:
โข Horumarinta maktabadaha dalka,
โข Xoojinta dhaqanka akhriska iyo qoraalka,
โข Dhisidda xiriir iskaashi oo joogto ah oo u dhexeeya naadiyada iyo maktabadaha.
Waxaana la isku afgartay in la dardargeliyo wada-shaqeynta si loo abuuro bulsho ku dhisan aqoon, akhris iyo cilmi. Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday isfaham, dhiirrigelin iyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo hidaha akhriska iyo maktabad-dhiska.
07/11/2025
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waxaa galabta ka dhici doona Hotel Mumtaz kulan aqooneed iyo isbarasho oo ay isugu imanayaan Naadiga Akhriska & Qoraalka Garbaharrey iyo Guddoomiyaha Naadiga Akhriska & Qoraalka Gobolka Banaadir, Juweyriya Mohamud Mohamed, oo ay weheliyaan guddiga aas-aasay maktabadda cusub ee degmada Baardheere.
Kulanka ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid lagu xoojiyo xiriirka aqoonyahannada, lana isdhaafsado waayo-aragnimo, fikrado, iyo aqoon kor u qaadaysa heerka akhriska iyo qoraalka gobolka.
Taariikhda: 07/11/2025
Waqtiga: 4:00 PM
Goobta: Hotel Mumtaz
Maktabadda Akhriska & Qoraalka Garbaharrey waxay u mahadcelinaysaa martida sharafka leh iyo dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar laโaanta ah uga qeyb qaadanaya horumarinta akhriska iyo qoraalka bulshada.
# Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo. .
22/10/2025
Tacsi & Duco Tiiraanyo Leh
ุฅููููุง ูููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, geerida ku timid haldoor, gabyaa, taariikh-yahan, waaya-arag iyo shaqsi qiimo weyn ku lahaa dalka, gobollada iyo degmada uu ka tirsanaa โ Marxuum Siraad Nuur.
Siraad Nuur wuxuu ahaa tusaale nololeed oo ku dayasho mudan, wuxuu door muuqda ka qaatay kobcinta aqoonta, suugaanta, iyo wacyigelinta bulshada, wuxuuna ahaa qof lagu xusuusan doono daacadnimadii, hal-abuurkii, iyo wadaniyaddii uu bulshada ku hoggaamin jiray.
Alla ha u naxariisto Siraad Nuur, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo, qabrigiisana nuur iyo degenaansho ha u bixin, innagana Eebbe ha inna siiyo samir iyo iimaan.
Marxuumku wuxuu reebay taariikh iyo dhaxal suugaaneed oo aan la ilaawi doonin, waana haldoor uu dalku ku faani doono mar kasta oo la xuso halyeyadii h**e.
Naf walba geeri waa dhadhamin, balse nafaha qiimaha leh waxay ku noolaadaan xusuusta iyo falalkooda wanaagsan.
16/10/2025
๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก!
Waxaa nooqabsoomayo maanta,baal-furka buugga ๐
๐๐ฅ๐ฌ๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฌ๐ก๐โ ee ay qortay ๐๐ข๐ฌ๐ค๐ข ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ซ.
๐
๐๐๐๐ง๐ญ๐: ๐๐ก๐๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ, ๐๐-๐ค๐ ๐๐ค๐ญ๐จ๐จ๐๐๐ซ ๐๐๐๐
๐ ๐๐๐ช๐ญ๐ข๐ ๐: ๐:๐๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ
๐ ๐๐จ๐จ๐๐ญ๐: ๐๐จ๐ญ๐๐ฅ ๐๐ฎ๐ฆ๐ญ๐๐ณ, ๐๐๐ซ๐๐๐ก๐๐๐ซ๐๐ฒ
Ha seegin fursaddan qiimaha leh ee lagu daahfurayo buug xiiso badan oo taabanaya falsafadda iyo nolosha dhabta ah.
Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.
13/10/2025
KULAN SOO DHAWAYN IYO IS-XOG WARAYSI AH.
Akhriska & Qoraalka ee Garbahaarrey waxa uu idinku casuumayaa kulan sharaf leh oo aan ku soo dhaweynayno Dr. Axmed Farah Ducale, aqoonyahan sumcad iyo khibrad dheer leh oo ku xeel dheer waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta akhriska.
Goobta: Maktabadda Dadweynaha Garbahaarrey (Hotel Mumtaas)
Waqtiga:4:00 galabnimo
Taariikhda: 12/10/2025
Loogu talagalay:
Xubnaha naadiga.
Aqoonyahannada deegaanka.
Dhalinyarada cilmi-doonka ah.
Dhamaan bulshada Garbahaarrey.
Ka soo qaybgalkaaga waa astaan qiimo siinta aqoonta iyo martida sharafka leh.
Ku soo dhowaada!
akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.
06/10/2025
๐ข *๐๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐จ๐ฐ ๐๐ฎ๐ฑ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ #๐๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ก๐๐๐ซ๐๐ฒ ee iqra Iyo Garbaharey public Libarary !*
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee iqra wuxuu ku martiqaadayaa dhammaan bulshada muxaadarada muhiimka ah ee cinwaankeedu yahay:
*"The Unstoppable Teams: Essential actions of high-performance leadership"*
๐ *Taariikh:* 06 October 2025
๐ *Waqtiga:* 4:00 galabnimo
๐ *Goobta:* Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee iqra
๐ Waxaa soo jeedinaya: *ENG. Mohamed Hassan Fitig*
03/10/2025
๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซsho.
Akhriska iyo Qoraalka ee IQRA ayaa si xushmad leh u casuumaya dhammaan akhristayaasha iyo bulshada xiiseysa horumarinta deegaanka kulan muhiim ah oo berri ka dhici doona Hotel Mumtaas.
๐๐๐๐๐ง๐ช๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐: Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.
๐๐๐ซ๐ญ๐ข๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก: Mohamed Abdi Aafi
๐๐จ๐ฐ๐๐ฎ๐ฎ๐๐: Doorka Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ee Horumarinta Deegaanka.
๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐: Sabti, 04/10/2025 - Saacadda 4:00 galabnimo. ๐
๐๐จ๐จ๐๐ญ๐: Hotel Mumtaas.
Kulankan wuxuu fursad weyn u yahay in lagu barto kaalinta muhiimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada ka qaataan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka, taas oo faaโiido u leh bulshada iyo jiilalka soo socda.
Kaalay oo qayb ka noqo fadhigan aqooneed ee berri, kuna biir doodda iyo fahamka ku saabsan doorka dhallinyarada iyo aqoonyahanka.