Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL

Share

Wasaaradda Duulidta Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland. Ministry of Civil Aviation and Airports of Puntland .

01/05/2026

BOSAASO, 1- MAY 2026:- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, ayaa si diirran ugu hambalyeeyay dhammaan shaqaalaha ka hawlgala garoomada diyaaradaha Puntland iyo Ciidamada Amniga, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed (International Workers’ Day).

Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintani ay tahay munaasabad muhiim ah oo lagu maamuuso laguna xuso doorka muuqda ee shaqaalaha, kuwaas oo si joogto ah oo hagar la’aan ah uga qayb qaata horumarinta, sugidda badqabka, iyo sare u qaadidda tayada adeegyada garoomada dalka.

β€œMaalintaano kale waa fursad lagu muujiyo qadarin iyo mahadnaq ballaaran oo loo jeedinayo shaqaalaha sida hagar la’aanta ah ugu adeegaya horumarinta iyo badqabka garoomada Puntland.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdifataax Ugaas Yaasiin ayaa u rajeeyay dhammaan shaqaalaha caafimaad, horumar iyo guulo waara, isaga oo ku boorriyay in la sii laba jibbaaro dadaalka lagu hormarinayo adeegyada duulista hawada ee Puntland.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

Photos from Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL's post 29/04/2026

CARMO:-29 APRIL 2026: Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdifatax Ugaas Yaasiin, ayaa ka qayb-galay xiritaanka tababarka Ciidamada Birmadka Booliska Puntland oo maanta uu si rasmi ah ugu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni, oo u waheeliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Barri Shire Kulliyadda Ciidamada ee Degmada Carmo, Gobolka Bari.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

27/04/2026

BADHAN, 27 Abriil 2026:- Madaxweynaha Puntland, Mudane Said Abdullahi Deni, ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Badhan, halkaas u kusoo dhaweeyay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin.

Maareeyaha Garoonka Badhan Abdirahman Abdi Shire ayaa Madaxweynaha ka siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda garoonka, adeegyada iyo horumarrada socda.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey shaqada socda, isagoo ku dhiirrigeliyay dardargelinta horumarinta shaqada Wasaaradda.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

Photos from Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL's post 27/04/2026

BADHAN:- 27 APRIL 2026: Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, ayaa Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdilaahi Deni, kala qayb galay xarig-jarka xarunta dhismaha cusub ee taliska qaybta Booliiska ee Gobolka Sanaag, isla markaana dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Bangiga Dowladda iyo Furitanka tababarka qeyb ka mida cidamada Darawishta Puntland

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

Photos from Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL's post 24/04/2026

GAROOWE : 24-APRIL 2026:- Mas’uuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa maanta kulan qado sagootin ah u qabtay Wasiirkii h**e ee Wasaaradda, Mudane Cabdilaahi Bile Nuur, si loogu maamuuso doorkiisii hoggaamineed iyo adeeggiisii mudada uu xilka hayay.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Mudane Cabdirashiid Sheikh Cali, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Lacle, Agaasimaha Guud Mudane Maax Axmed Gabobe, Mareeyeyaasha garoomada Puntland iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, waxaa la is dhaafsaday mahadcelin iyo dardaaran ku aaddan horumarinta howlaha duulista hawada iyo adeegyada garoomada, iyadoo si gaar ah loo bogaadiyay kaalintii Wasiirkii h**e ku lahaa kobcinta iyo horumarinta Wasaaradda.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintu waxay u rajeeyeen Wasiirkii h**e guul iyo horumar mustaqbalkiisa, halka Wasiirka cusubna lagu dhiirrigeliyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed ee Wasaaradda.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

22/04/2026

Bosaso International Airport.

Photos from Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL's post 21/04/2026

GAROOWE : 21-APRIL 2026:- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Axmed Gabobe, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Maareeyeyaasha Garoomada Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta hawlaha garoomada, horumarinta adeegyada duulista, iyo sidii loo adkeyn lahaa hufnaanta iyo tayada maamulka garoomada Puntland.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed ee muuqda, iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu kobcinayo waxqabadka garoomada, si ay u waafaqaan heerarka iyo shuruudaha duulista rayidka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta qorshayaasha horumarineed, iyo sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo garoomada Puntland.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

19/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Lacle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Gabobe, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

Photos from Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL's post 19/04/2026

GAROOWE : 19-APRIL 2026:- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Lacle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Gabobe ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa markii ay gaareen Garoonka waxaa si rasmi ah ugu soo dhoweeyey Maareeyaha Garoonka Gen. Maxamed Abshir, iyo Ku-xigeenkiisa, kuwaas oo warbixin guud ka siiyey xaaladda garoonka, howlaha socda, adeegyada la bixiyo, iyo baahiyaha jira ee u baahan mudnaan iyo horumarin.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qeybaha kala duwan ee Garoonku ka kooban yahay, iyadoo masuuliyiintu mid mid u kormeereen xarumaha muhiimka ah ee laf-dhabarta u ah shaqada garoonka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Terminal-ka Garoonka, Runway-ga,qeybta Arrival-ka, Control Tower-ka, Dab-damiska, keydka shidaalka (Gaas) qeybaha ammaanka, iyo adeegyada farsamo.

Masuuliyiinta ayaa warbixino ka dhageystay madaxda iyo shaqaalaha qeybahaasi, iyagoo si gaar ah u qiimeeyey habsami u socodka shaqooyinka, heerka adeegyada la bixiyo, diyaar-garowga badbaadada, iyo baahiyaha horumarineed ee mudnaanta leh.

Kormeerka kadib, Madaxda cusub Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa shir la yeeshay madaxda Garoonka Diyaaradaha, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee Garoonka, dardargelinta howlaha shaqo, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee lagu tayeynayo adeegyada iyo kaabeyaasha Garoonka.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

19/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Lacle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Axmed Gabobe, ayaa maanta kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.

Link Official X/ TWITTER
https://x.com/mocaapl?s=21

Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/.pl

πŸ“§ (Xafiiska Warfaafinta):
[email protected]

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA DUULISTA HAAWADA IYO GAROOMADA DPL.

Photos from Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL's post 19/04/2026

GAROOWE : 19-APRIL 2026:- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Lacle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Axmed Gabobe, ayaa maanta kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.

Masuuliyiinta ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, iyagoo warbixino ka dhageystay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiisyadaasi, kuwaas oo la xiriiray shaqooyinka socda iyo waajibaadka shaqo ee ka socda waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka, dardargelinta shaqooyinka Wasaaradda, iyo u kuurgelidda habsami u socodka adeegyada iyo howlaha shaqo ee ka socda xarunta dhexe.

πŸ“§ Email: [email protected]
🌐 Website: http://mocaa.pl.so
πŸ“˜ Facebook: https://www.facebook.com
🐦 Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
🎡 Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π–π€π‘π…π€π€π…πˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 π†π€π‘πŽπŽπŒπ€πƒπ€ 𝐃𝐏𝐋.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garoe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Garoe