24/03/2026
Koob shaax ama bakeeri geed laga qoray waa farsamooyinka inaka lumay oo Soomalidu lahyd
Xigasho :Xerowga ciideed
"I'm social worker and peace activist; I shall advocate justice, peace and social welfare campaigns throughout Somalia."
24/03/2026
Koob shaax ama bakeeri geed laga qoray waa farsamooyinka inaka lumay oo Soomalidu lahyd
Xigasho :Xerowga ciideed
22/03/2026
Roobka Gu'ga maanta meelaha uu ka da'ay lana Saadalinayo inuu ka di'idoono waxaa ka mid ah ;
Gobolka Bari
Gobolka Sanaag
Gobolka Galgaduud
Gobolka Hiiraan
Gu'gu illahay gu' barwaaqo ha inooga yeelo
Roobkii gu'ga oo Qardho iyo meelo karkaar ka mid ka da'ay maanta
I.a Gu'gu waa gu' barwaaqo
Dadka la nool Xanuunada dhimmirka waxay ay wajahaan Dayac iyo in dadka laga dhex saaro oo fartu la isugu fiiqo .
Bilashada Bisha Soonfureed Falaki Ahaan
Bismillaah, barri subax oo Arbaco ah bishu waxay noqon badku-jiif, oo qorraxda ayay xoogaa ka soo hooraynaysaa, ishana laguma arki karo.
Subaxda Khamiista haddaan eegno waxay noqonaysaa dubbad,oo qorraxda ayaa daqiiqado ka soo horraynaysa.
Haddaba galabta Jimcadu soo galayso Khamiistuna baxayso bishu qorraxda waxay ka danbaynaysaa gayiga Soomaaliyeed inta ugu badan 24 daqiiqo, oo u dhiganta 6 darajo.
Waxaan ognahay wakhtiga ugu yar ee kolka cirku saafiga yahay il qura bisha lagu arki karo in uu yahay 28 daqiiqo in ay qorraxda ka danbayso, oo u dhiganta 7 darajo.
Waxaan kaloo ognahay in wakhtiga ugu yar ee telescope-yada lagu arki karo bisha uu yahay 20 daqiiqo in ay qorraxda ka danbayso,oo u dhiganta 5 darajo.
Haddaba bisha galabnimada Jimcadu soo galayso, Khamiistuna baxayso isha oo qura laguma arki karo, waxaase lagu arki karaa telescope-ka ama qalabka wax soo dhaweeya.
Galabta Sabtidu soo galayso, Jimcaduna baxayso ayaa isha lagu arki karaa bisha; waxayna ku bilandoontaa godka Meecaad/Farangaag, oo ka tirsan rugta/mooro Nimiriga.
Telescope-ahaanna bisha waxay bilanaysaa galabnimada Khamiistu baxayso Jimcaduna soogalayso; waxayna ku bilan godka Raba-danbe/Duugato.
Culimadu maxay ka yiraahdeen telescope-ka?
Culimada qaybi waxay leedahay waa la cuskan karaa marka laga reebo kan sawirrada qaada ee isku ragrakiba; oo waxay leeyihiin waa la kaalmaystay uune isha ayaa wax lagu arkay, wuxuuna soo galayaa mafhuumkq xadiiska aragti ku afura aragtina ku sooma.
Qaybta kalena waxay leeyihiin ma bannaana,oo waa in isha oo qura lagu arkaa; sababtoo ah iyada ayaa xilligii nabiga NNKH la adeegsanayay, xadiiska ah aragti ku sooma aragtina ku afurana ku qotomaa.
Xidaarkan cilmigiisa intee ka fahamtay
03/03/2026
Maxamed Ordaaye waa nin dhalinyaro ah oo Miyiga Magalada Burco ku nool waxa ay muuqaldiisa gaagaaban ee Tiktok uu kusoo gudbiyo ay soo jiiteen indhaha Malaayiin qof oo daafaha caalamka ku kala nool .Maxamed
Sida la ii xaqiijiyey waa nin dadka baahiyaha gaarka la nool gaar ahaan maqalka balse Ilaahay qofka mansabka iyo maalka Eebbe ayaa bixiya .
Dalka Soomaaliya dadka la nool xanuunada dhimirka waxay ay wajahaan tacdiyo iyo dayac ay bulshada kala kulmaan oo tira-beel ah
Afurka madaxdu qabsanayaan iyo Casumadaha hotelada waxaan ka mudan in dhaqaalahas loo leexiyo gurmadka abaaraha iyo afruinta masaakiinta iyo agoomaha .
26/02/2026
Qardho, Bari,Somalia
Magaaladii Boqoradda
Cabdullahi Firminho waa nin dhalinyar ah oo dadka baahiyaha gaarka ah la nool ka mid ah balse bahda ciyaaraha Gobolka Bari gaar ahaan Bosaaso aad looga yaqaan kubbadiisana aad loo xiiseeyo runtii waa talaabo fiican in dadka disabilities la nool ay dhiirigelin helaan oo ay bulshada qeyb ka noqdaan.
24/02/2026
Dahabshiil group waxay mudantahy ku dayasho iyo inay qeyb ka noqdeen Emergency aid (Macaawanada deg-deg ah ) ee Dadka ay Abaarahu saameeyen .