01/08/2023
Sharmarke Ali Elmi
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sharmarke Ali Elmi, Government Official, Garoowe.
01/08/2023
31/07/2023
Hambalyo dhammaan Hay'addaha Garsoorka Xarriga ka jarka xarunta dhexe ee
cusub ee Garsoorka Dawladda Puntland.
31/07/2023
Hambalyo dhammaan shacabka reer Puntland dhammeystirka nidaamka Xisbiyadda Siyaasadda ee Puntland.
Waa Guul taariikh ah 25 sanno kadib oo dadkeena iyo dalkeena qaaday.
27/07/2023
Waxaan Dhammaan shacabka reer Puntland ugu Hambalyeynayaa dhaqangalka Wax-ka-bedelka 1aad ee Dastuurka Dawladda Puntland oo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda maanta ku soo saaray Faafinta Rasmiga ah.
Mahadsanidiin,
Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Ahaana Guddoomiyaha Guddiga kasoo talo bixinta Wax-ka bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.
Xil. Sharmarke Ali Elmi
25/07/2023
Waxaa ka qeyb-galay fadhiga maanta oo qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland, waxaa goobjoog ahaa 60 Xildhibaan.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.
Muddo 30 cishe ah oo Guddigu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshadda, si toos ahna looga baahiyey Warbaahinta ayaa si rasmi ah loo gudo galay wax-ka-bedelkiisa.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland
Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin.
Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta rasmiga ah.
20/07/2023
Waxaan ka qeyb-galay Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin.
19/07/2023
Waxaan ka qeyb-galay Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo looga hadlay Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey
27/06/2023
27/06/2023
Waxaan hambalyo ku,aadan munaasabada ciidul adxa udiraya dhamman shacabka soomaliyed gaar ahaan shacabka reer puntland waxaan leeyahay faraxad kuciida.
19/06/2023
Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ayaa maanta Warbixin ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay aanu ku soo sameeyeen hay'addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeynahay, ka soo jeediyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Garoowe
