MAQAALLADA KAKAN: SIDEE LOO AKHRIYAA LOONA FAHMAA WAKHTI KOOBAN GUDAHOOD?
Waxaan dareemi jiray lunsanaan buuxda markastoo aan furo buug kakan ama maqaal cilmiyeed. Qayb kamid ah wargays cilmiyeedku waxay noqon karaan kuwo akhrintooda iyo fahamkoodu walaac xanbaarsanyahay. Arrintaasi waxay igu ahayd culays ka qore akaadeemiya ahaan. Weeruhu waxay ahaayeen kuwo aad u dhaadheer, erey-bixintuna waxay ahayd mid xad dhaaf ah, waxay igu qaadataa dhawr jeer halkii tuduc in aan akhriyo. Waxay igu noqotay niyad-jab, dhab ahaantiina waxay igu sababtay in aan kabaqo akhriska maqaallada aan fududayn, arrintaasina igama caawinayn in aan horusocod sameeyo qoraa ahaan. Hase ahaatee muddo kadib waxaan bartay dhawr xeeladood taasoo gabi ahaanba baddashay sidaan u wajahayo qoraallada qallafsan. Haddii aan kula wadaago waxaa lagayaaba in ay adigana sidoo kale kuu fududayso.
1. SABABEE AKHRISKAAGA
Markastoo aan qoraal adag doorto waxa ugu horreeya ee aan naftayda weydiiyaa waa “Sababtee ayaan u akhrinayaa?”, Ma waxaan iskudayayaa in aan fahmo fikradda guud? Ma in aan xog gaar ah kahelaa? Ma imtixaan baan u diyaarinayaa?, in aad garawsatid ujeeddada aad u akhrinaysid waxay kuu caddaynaysaa hadafkaaga waxayna ku siinaysaa diirad saritaan. Tusaale ahaan mar aan baarayay mashhruuc, waxaan ogaaday in aanan u baahnayn in aan akhriyo erey kasta oo ku jira maqaal cilmiyeedka, hase ahaate waxaan diiradda saaray hordhaca maqaalka, qaybta lagu sookoobay qodobbada muhiimka ah, gunaanadka ciwaanka iyo halka lagu bandhigay jawaabaha cilmibaarista. Ugu dambaynna waxay noqdeen kuwo fudud.
2. INDHAHA LA RAAC INTAADAN DHEX MUQUURAN
Tani waxay ii badbaadisay wakhti badan. Intaanan erey-erey u akhrin waxaan halmar isha laraacaa cinwaannada guud iyo cinwaan hoosaadyada, meelaha sida gaarkaa loo calaamadiyay, fartamuujisan ama fartajiifta lagu qoray, waxaad mooddaa sidii dulmar guud. Kasoo qaad adoo akhiranaya dulucda filin inta aadan daawan filinka, waxay kusiinaysaa macnaha guud, si aadan ugu dhex lumin. Xitaa waxaan hubiyay jaantusyada, garaafyada, ama soo koobista qoraalka maxaayeelay waxay diiradda saaraan meelaha muhiimka ah.
3. U JAJABI QAYBO YARYAR
Iskudayga in aad akhrisid maqaal ama qoraal 20 bog ah halmar kaasoo ah mid aad u cufan waxay kugu abuuraysaa niyad jab. Sidaa darteed waxaad u kala jajabisaa dhawr qaybood, halkii marba qayb akhri, istaag oo ku dul feker. Isweydii waa maxay fikradda ama aragtida ay qaybtani ka hadlayso? Sidee bay iigu xiraysaa xogihii h**e ee aan hayay?, hab kani qoraalladii adkaa wuxuu ka dhigayaa kuwo fudud.
4. HAKA CABSAN IN AAD DIB U AKHRISO
Mararka qaar waxaa dhici jirtay in aan akhriyo jumlad kadibna aan si fudud u fahmo halkii aan ku wareeri jiray, waxaan bartay in aan ku dul hakado, dib ugu noqdo, oo aan si tartiib ah u akhriyo. Mararka qaarkood u jajabinta tuduca weero ama dib u qorista jumladda anigoo isticmaalaya ereyo ka fudud ayaa iga caawiyay fahamka. Xalku degdeg ma aha hase ahaatee waa fahamka. Fahamku wuxuu qaadan karaa wakhti mararka qaarkood, adigu naftaada culays ha saarin. Xikmaddan ayaan jeclahay isticmaalaana “Hal tallaabo ayaa ka fiican tallaabooyin la’aan.”
5. RAADI WIXII AADAN FAHMIN
Qoraallada kakan waxaa badanaa ka buuxa ereyo farsamo ama ereyo aanan inta badan la isticmaalin. Waan ka boodi jiray, anigoo u haysta inaysan muhiim ahayn, qoraalladuna way sii adkaan jireen . Hadda, waxaan isticmaalaa qaamuus ama Google si aan si degdeg ah u eego wax kasta oo jahwareer leh. Markastoo aan saa sameeyay, waxaa ii fududaaday in aan fahmo ereyada cusub.
6. LA FALGAL QORAALKA
Markaad wax akhrinaysid xusuusqor samayso , hana hilmaamin in aad calaamadsato oo sidoo kalena aad sharraxato . Waxaana hoosta ka xarriiqdaa oraahyada muhiimka ah, su'aalaha ayaan ku qortaa dhinacyada waraaqda ama xitaa qaybaha qaar aniga ayaa kooba. La falgalka qoraalku waxay si heersare ah iigu deeqdaa diirad saaritaanka, waxayna iga caawisaa in aanan hilmaamin macluumaadka. Mararka qaarkood, waxaan u sharaxaa macluumaadkii aan akhriyey qof kale -waxaa yaab leh sida ay wax bariddu u xoojiso fahamka.
7. XOOGAA YARA BIRIRIF QAADO
Akhrinta maqaallada kakan waxay noqon kartaa mid maskaxda wareerisa. Markaan dareemo daal ama culays badan, waxaan qaata xoogaa fasax ah, xitaa haddaan daqiiqado yar maqnaado waxay iga caawinaysaa in aan firfircooni maskaxeed soo helo, tani kuma saabsana tartan waa fahamkaaga, waxaad isticmaali kartaa xeeladda Bomadooro markaad wax akhrinayso. Qabso 25 daqiiqo, iska fogee wax kastoo akhriska kaa carqaladaynaya, markaad dhammaysidna akhriskaaga qaado 5 daqiiqo oo nasasho ah, waana wax aad kuu anfacaya.
8. HA IS-DHIIBIN!
Markastoo aan wax badan akhriyo, waa markastoo uu fududaado . Marka ugu horraysa maqaallada kakan waxaad u malaynaysaa in aysan suurtagal ahayn hase ahaatee ku celceli oo joogtee. Markaan joogteeyey akhriska waxaan is arkay anigoo si fudud u fahmaya, waxay lamid tahay jimicsiga murqaha, markastoo aad badisid jimicsiga muruqu wuu sii waynaanayaaa.
GUNAANAD
Haddaad waligaa dareentay in aad ku go’doonsantahay akhrinta maqaal kakan, kaligaa ma tihid. Waxaan rajaynayaa adigoo isticmaalaya xeeladahaas in aad si kalsooni leh u wajihi doontid maqaal kastoo adag. Muhiimaddu waa in aad marwalba hormar samaysid markastoo aad wax akhridid. Fadlan iskuday tilaabooyinkaas.
Qalinkii: Samantha Lazaru
Turjumistii: Luqmaan Maxamed
Maktabadda akhriska Heebaan
"Aqoontu waa isha iyo iftiinka ilbaxnimo kasta" Maktabadda Heebaan
Ma akhriday buugga: NINKII BAABILA UGU HANTIDA BADNAA?
Maktabadda akhriska Heebaan
05/06/2025
Maktabadda akhriska Heebaan waxay bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa munaasabadda Ciidul-Adxaa.
13/05/2025
Maktabadda Heebaan waxaa soo gaaray nuqullo ka mid ah buugga HANTIILE ee uu afnaqay qoraa Cabdikariin Maxye, horay waxaa uu soo gaarsiiyey buuggiisii h**e ee uu turjumay ee HAGE -kaas oo ay bulshadu aad uga faa'iidaysatay, si gaar ah bahda jaamacadaha isu diyaarinaysay in ay galaan. Waxaan u mahad celinaynaa annaga oo isku duuban Heebaan iyo akhristayaasheeda qoraa Cabdikariin Maxye oo turjumay labad buug ee kala ah; 1. Hage 2. Iyo Hantiile.
fans
Maktabadda Heebaan
13/05/2025
Maktabadda akhriska Heebaan (MaH) waxaa soo gaaray nuqullo ka mid ah buugtii qoraa Cabdirisaaq Baraag, bahda Heebaan iyo akhristayaasha ku xiran waxay uga mahad celinayaan qoraaga buugaagta uu ugu deeqay maktabadda Heebaan ee Garoowe.
1. Buugga SOOC 2. Iyo buugga AFBAR.
fans
Maktabadda Heebaan
Maktabadda Heebaan
10/05/2025
𝐎𝐠𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐬:- Wasaaradda Warfaafinta Puntland Waxay Furtay Tartanka Gabayga Sanadlaha Ah ee Todobaadka Dhaqanka 2025
Sidoo Kalena Shaacisay Sharuudaha Tartanka.
Maktabadda Heebaan
Wasaaradda Warfaafinta Puntland
08/05/2025
Waxaan aad ugu faraxsannahay in aan ku soo dhowayno Maktabadda Heebaan Amb.Sureer Abshir Muuse (Haamaan), Uga war bixinno hawlaha baaxadda leh ee maktabaddu u hayso bulshada iyada oo bogaadisay shaqada ay maktabaddu ka hayso magaalada.
Kulanka waxaa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah hawlwadeennada maktabadda ay u horreeyaan xoghayaha guud ee maktabadda iyo agaasimaha.
kulanka oo la isku waydaarsaday aqoon iyo arrimaha horumarinta akhriska ee dhallinyarada iyo sidii wacyiga bulshada kor loogu qaadi lahaa loona abuuri lahaa bandhigyo hormarineed.
.
.
Tacsi
Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Geeri Naxdin Leh - Awoowe Cali Xasan Ibraahim, oo ahaa awoowaha Guddoomiyaha Maktabadda Heebaan Mudane Ibraahim Maxamuud Cali.
Dhammaan maamulka iyo Hawl-wadeenada, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Cali Xasan Ibraahim, oo caawa ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Waxaanu Eebbe uga baryaynaa in uu marxuum Cali Xasan Ibraahim naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamina.
01/05/2025
FARRIIMAHA_AKHRISKA
"Aqoon kororso maalin walba oo wax ku akhriso jawi deggen oo imow maktabadda akhriska Heebaan"
Maktabadda Heebaan
15/04/2025
AQOONTU AFQALAAD MIYAA?
Barashada aqoon hor leh oo aad barataa kaliya ma aha ogaal cusub ee waxa ay xanbaarsan tahay dhaqan iyo qaab-arag nololeed oo cusub, sidoo kale af walbaa waxa uu wataa dhaqanka dadkiisa oo bulshada aad taqaan afkooda sidaa oo kale waxaa aad taqaan dhaqankooda, haddaba ma oran karnaa wareerka iyo walaahowga ka jira bulshadeenna waxaa qayb wayn ka ah amase tiir dhexaad u ah dhaqammada aan la kala miirin ee aan loo meel dayin ee dibedaha laga soo raro in ay u dhimanayaan dhammaan dhibka aqooneed ee jira?
Aan isla eegno gabaygan oo uu tiriyey gabayaagii cuslaa ee dalmareenka ahaa, waa Xaaji. Aadan Axmed oo ku magac dheeraa Xaaji. Aadan (Afqalooc), waxaa uu ku suntanaa in la mariyey 1972-dii.
GABAYGII WAANO – XAAJI AADAN AFQALLOOC – 1972
– Ninna kuma aflaxo hadal dad kale u akhriyayaane
– Afhayeen ka kuu sheegayaa waa adoo kale e
– In yar buu fahmaye ma’ahan kii aabihii yiriye
– Aayaha dhulkaaga iyo dantaa lagu illaawaaye
– Kuwii uurka kula jiifsadaad arag collowdaane
– Haddaan dhaqanka laysaga ekaan laysma aamino e
– Waa kala ajnabi laba kastoo ehel wadaagaaye
– Mid waliba afkaar gooniyuu ku isticmaalaaye
– Afar qofoo walaalaa haddii ruuxba beled aado
– Mid waliba akhlaaq gooniyuu kala yimaadaaye
– Arrinna kuma heshiiyaane way kala irdhoobaane
– Mid waliba adaa toosan bay ula ekaataaye
– Sidaasay barkood u eg yihiin inamadeenniiye
– Waa waxay isu af dhaafayaan odayadoodiiye
– Qaarbaa inkiray qoysaskey ka isirraayeene
– Barashada hiddadu ku ambataa waa indho la’aane
– Asalka iyo caaddooyinkii idinka oo haysta
– Aqoontana badsada waa tacliin waxaad u aydaane
– Labadaba afkii hooyadaad aad u garanayso
– Oo aad ku aflaxdaan baa iskuul eegga loo furaye
– Edebta iyo dhaqankii lumay baad ururinaysaane
– Ishtihaada taariikh horlaad u ambaqaadeene.
Haddii aad u fiirfiirsato qabaygan waxaad is waydiin dhibka kala haysta bulshada iyo siyaasiga toloow xididka dhibku ma u noqonayaa qodobka uu sheegay gabaygu ee kala duwanaanta manhajka siiba kala duwananta afka iyo dhaqanka aan loo meeldayin ee la iska soo xanbaarto. Haddii bulsho ka mid ah bulshooyinka dunida ku dhaqan ay meel kaaga fiican tahay – waaba lagu kala fiican yahay ee – si ka fiirsi leh in aad wax uga barato oo aad ka faa’iidaysataa waa shay la majeerto, asii haddii aad iska rarato oo aadan kala hufin dhib in ay keento ayaa la arkaa.
F.G: Waxaan ka soo kala raray labo meelood, Gabayadii Xaaji Aadan Afqallooc qaybtiisa 2aad oo ay wax ku qoreen dhowr qoraa, waxaase gabaygan qoray Idaajaa, iyo buug waxbarashadii dugsiyada.
Gabayadii afqallooc qaybta 2aad waxaad ka heli kartaa arkiifiyada Arkadiya;https://arcadia.sba.uniroma3.it/bitstream/2307/2560/1/Gabayadii%20-%20Xaaji%20Aadan%20%27Afqallooc%27.pdf
- Sawirku waa AI, ChatGPT
14/04/2025
MAKTABADDA AKHRISKA HEEBAAN - GAROOWE - PL - SO
Maktabadda Akhriska Heebaan waa maktabad bulsho oo aad si bilaash ah wax ugu akhrisan karto, waxaa hawlaha maktabadda lagu bilaabay qaybta cilmibaarista 2021-ka/03-aad/05-da, waxaa ku xigtay qaybta barnaamijyada oo la bilaabay 2021-ka/09-aad/17-da, waxaa ku xigtay qaybta warbaahinta 2022-ka/02-aad/15-da, waxaa ku xigtay qaybta akhriska oo la furay 2023-ka/07-aad/01-da, waxaa ku xigtay qaybta turjumidda oo la bilaabay 2025-ka/02aad/12-da. Wadajir - Garoowe - PL -SO
Maktabadda Heebaan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Jidka Bartahama
Garowe
Opening Hours
| Monday | 08:30 - 20:30 |
| Tuesday | 08:30 - 20:30 |
| Wednesday | 08:30 - 20:30 |
| Thursday | 08:30 - 23:30 |
| Saturday | 08:30 - 20:30 |
| Sunday | 08:30 - 20:30 |
