12/02/2026
Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal C/fataax Cismaan Aaden oo uu wehliyo taliye ku xigeenka Qaybta booliska G/Nugaal, ayaa maanta meel fagaare ah ku burburiyey mukhaadaraad isugu jira khamri iyo xashiishad, kuwaas oo lagu soo qabtay hawlaglo amni.
eedaysanayaashii lagu soo qabtayna sharciga ayaa la horgayn doonaa sida ugu dhakhsaha badan.
31/12/2025
Garoowe 31-12-2025 Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ayaa kormeer shaqo ku tagay Qayb kamida saldhigyada magaalada Garoowe wuxuuna u kuurgalay shaqada saldhigayada iyo maxabiista ku xiran.
wuxuuna Xeerilaalliyuhu bogaadiyey Shaqada hufan ee ka socota saldhigyada iyo habdhaqanka wangsan ee ciidanka Wuxuuna kula dardaarmay ilaalina xuquuqda maxaabiista.
29/11/2025
Sawirada Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal C/fataax Cismaan Aadan oo booliska interpol kala wareegay eedaysane Axmed Aadan Cilmi
19/11/2025
GAROOWE:- 19-Nov-2025 Xeer-ilaaliyaha gobolka Nugaal, Cabdifataax Cismaan Aadan ayaa ayaa kormeer ku tagay Saldhigga Dhexe ee degmada Garoowe.
isagoo u kuurgelayay xaaladda maxaabiista ku xiran saldhigga iyo sida loo dardar-gelinayo shaqada iyo gaarsiinta cadaaladda.
18/11/2025
Garoowe 18-Nov-2025 Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlada Puntland Axmed Maxamed yuusuf ( Taaraan) ayaa kulan la qaatay xeer-ilaaliyaha gobolka Nugaal ,taliye ku-xigeenka qaybta boliska Nugaal , Taliyayaasha saldhgyada Garoowe iyo xoghayaha dawlada hoose garowe.
Kulankaas oo ka dhacay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha goblka Nugaal. Waxa looga hadlay wada shaqaynta Xeer-ilaalinta iyo booliiska, dardar gelinta shaqada iyo xalinta caqabadaha ka jira xaga maxaabiista saldhigyada ku xiran.
12/11/2025
Garoowe-12-NOv-2025: Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlada Puntland Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaraan) Ayaa tababar u furay Saraakiisha cusub qaybtii Sharciga baratay, kuwaas oo soo dhamaystay Tababarkii Ciidanka loona qaatay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida.
Tababarka oo soconaya mudo 3 bari ah
Xeer-ilaaliyaha ayaa u qaybiyay dhamaan Xeerarkii iyo buugtii ay u baahnaayeen Saraakiisha cusub, sida Xeerarka kala ah
1: Xeerka la dagaalanka argagixisada
2: Xeerka Kufsiga
3: Xeerka ka hortagga daabulka iyo ka ganacsiga dadka
4: Xeerka Ciqaabta