Dhigaal Bookshop

Dhigaal Bookshop

Share

Dhigaal waa dukaan ka shaqeeya iibka iyo kiraynta buugta. sidoo kale, Dhigaal waa goob akhris.

Photos from Dhigaal Bookshop's post 17/12/2024

𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝟓𝟎%
Inta sannadka ka dhima dalbo buugtan oo hel qiimadhimistan ballaaran.

Halka aad joogto ayaan kuugu keenaynaa.

📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

03/12/2024

Beri subax, Insha Allaah, waxaa bilaaban doona Puntland Book Fair, Dhigaal Bookshopna waxay bixinaysaa qiimadhimis ilaa 50%.

Ma ka mid tahay akhyaarta ku xisaabtamaysa si ay qiimajaban ugu helaan quudkii maskaxdooda ee sannadka soo socda.

02/12/2024

Dhigaal Bookshop waxay Puntland Book Fair kaga qaybgelaysaa qiimadhimis 50%.

Ka faa'iidayso jaaniskaas oo adeego quudkii maskaxdaada ee sannadka cusub.

Photos from Dhigaal Bookshop's post 19/11/2024

𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚!
𝐇𝐞𝐥 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬 𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟒𝟎%.
📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

Photos from Dhigaal Bookshop's post 18/11/2024

𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐀𝐟 𝐜𝐚𝐫𝐚𝐛𝐢𝐠𝐚!
𝑮𝒂𝒅𝒐 𝒃𝒖𝒖𝒈 𝒐𝒐 𝒉𝒆𝒍 𝒃𝒖𝒖𝒈 𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒐𝒐 𝑭𝒓𝒆𝒆 𝒂𝒉.
HADDA SOO DALBO OO HADDA HEL MEEL KASTOO AAD JOOGTO.
📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

Photos from Dhigaal Bookshop's post 17/11/2024

𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚!
𝑮𝒂𝒅𝒐 𝒃𝒖𝒖𝒈 𝒐𝒐 𝒉𝒆𝒍 𝒃𝒖𝒖𝒈 𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒐𝒐 𝑭𝒓𝒆𝒆 𝒂𝒉.
HADDA SOO DALBO OO HADDA HEL MEEL KASTOO AAD JOOGTO.
📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

Photos from Dhigaal Bookshop's post 16/11/2024

𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬 𝟒𝟎% 𝐚𝐡
Hadda dalbo oo hadda hel. Waxaa laguugu keenayaa meel kasta oo Soomaaliya ah.

📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

08/11/2024

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:Futuux Al-xabsha
𝐓𝐮𝐫𝐣𝐮𝐦𝐚h𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:Aadan Xasan Aadan

..............Xilligan oo la joogo bilawgii qarniga 21aad, ummadaha adduunkuna ay higsanayaan deggenaan iyo nabad ku wada noolaansho ayuu gobolkan Geeska Afrika ku jiraa qalaanqul iyo hardan aan joogsi lahayn oo soo bilawday qarniyaal aad u fog, kaas oo ka dhex oognaa dadkii kala haystay labada diinood ee Geeskan ugu xooggan waa diinta Islaama iyo tan Kiristaanka ama Masiixiga-labadaas dhinac ayay Soomaalidu midkood ka soo jeeday.

Taariikhdaas qoraallada lagu diiwaan galiyey waxaa safka h**e kaga jira buugga caanka ah ee lagu magacaabo Futuux Al-Xabashah ee uu qarnigii 16aad afka Carabiga ku qoray aqoonyahankii la odhan jiray Shihaabudiin Axmed Cabdulqaadir (Fiqi Carab).

Imaam Axmed waa ninkii Xabasha furtay, waa ninkii u soo celiyay xuquuqda dadkii laga dhacay ee itaalka yaraa. Waa hoggaamiye ay taariikhdu waarisay. Hadduu ku noolaan lahaa meel aan Geeska Afrika ahaynna magaciisa waxaa loo xafidsanaan lahaa sida ragga ay maanta Orobba ku faanto, ama Aasiya iyo Ameerika ka caanka ah.

Buuggan oo h**ena loogu tarjumay afaf aad u badan, waxa nasiib-wanaag ah in markii ugu horresey dhawaan lagu tarjumay afka Soomaaliga. Dadaalkaas waxaa sameeyey oo buuggan af Soomaaliyeeyey labada aqoonyahan ee kala ah: Aadan Xasan Aadan (Beleloo) iyo Macallin Maxamed Cabdillaahi Riiraash oo ah laba nin oo suugaanta iyo dhaqanka ka sokow ku caan baxay raadraaca taariikhda iyo ururinta dhaqanka Ummadda, si waynna looga yaqaan Dalka Jabuuti gaar ahaan iyo dhulka Soomaalida guud ahaanba.

📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

06/11/2024

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:Aaya-Reeb 2
𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:Ibraahim Axned Cali

𝑩𝑰𝑿𝑰𝑵-𝑻𝑨𝑹𝑨

Ereyga "𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧" waxa loo yaqaan xoolaha oo ka cabba ceel biyo wanaagan oo ka fayow dhammaan cudurada wax yeela tayada xoolaha, sida cashiga iyo xaliibka, erayga lidkisuna waa "𝐱𝐚𝐧𝐟𝐚𝐥𝐚𝐲" oo ah xanuun ku dhaca biyaha oo xoolaha iyo dadkaba sumeeya, ereyga "𝐭𝐚𝐫𝐚" waxa loo yaqaan wixii kow ka bilaabma ee fircama isaga oo ka fayow xanuun iyo dhib oo dhan, marka la is ku daro labada eray ee kala ah 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧 iyo 𝐭𝐚𝐫𝐚,
waxaaa looga jeedaa dhammaan qaybaha dhaqaalaha iyo wixii nolosha wanaagan quseeya iyo habka loo darso ama wax looga soo saaro, isla markaasna looga fogaado wixii keena xumaan iyo dhib ku dhacda dad iyo duunyaba, erayga lidka ku ahna waxaa la yidhaahdaa 𝐭𝐢𝐫𝐚𝐧".

📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

Photos from Dhigaal Bookshop's post 30/10/2024

TAARIIKHDA IYO SIYAAASADDA
•••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
Buugtaan Dhamaantood Waxaad ka Helaysaa Dhigaal Bookshop

📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

28/10/2024

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:KACAA- KUFKII SIYAASADDA DOOMAALIDA
𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:CABDI ABOKOR YUUSUF
𝐍𝐨𝐨𝐜𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚:TAARIIKH

................Buugga Kacaa-kufka Siyaasadda waxa uu xog faahfaahsan ka bixinayaa waayihii Soomaaliya/Somaliland soo mareen 70-kii sano ee u danbeeyey. Waxa uu ka warbixinayaa waayihii xorriyada iyo dareenkii isku-darka labadii gobol ee Soomaaliyeed ee midoobay 1dii Luulyo 1960-kii. Waxa uu iftiiminayaa siday ku abuurmeen ciidamadii awooda iyo haybada badnaa ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo jiritaankoodu ahaa haybadii ummadda Soomaaliyeed. Isla markaana dhismahoodu sabab u noqday af-gembigii Maxamed Siyaad talada dalka ku qabsaday oo taariikhda Soomaalida raad weyn ku yeeshay. Waxa uu xog dhab ka sheegayaa sidii ciidamadu u dhismeen iyo sidii af-gembigu u dhacay.

Waxa uu buuggu soo tebinayaa xaqiiqada sababtay burburka qarankii Soomaaliyeed ee haybada lahaa, iyo halka ay sartu ka qudhuntay, si cashar looga barto oo aan dariiqaas oo kale mar danbe loo marin. Waxa uu buuggu tilmaan cad ka bixinayaa sababaha burburka keenay sida colladii dhex martay Soomaaliya iyo Itoobiya, abuurritaanka Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo talada mulkisiiyey Maxamed Siyaad Barre, diktaatooriyadna dalka ka abuuray, khilaafkii dhexmaray shakhsiyaadkii Guddiga fulinta ee Golaha Sare ee Kacaanka. Sooyaalkaas waxa ka unkamay jabhadihii la dirriray maamulkii Maxamed Siyaad.

Buuggu waxa uu warbixin ka soo tebinayaa waxqabadkii xukuumaddii kacaanka oo 10 kii sano ee u horreeyey ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo Soomaalida kor u qaaday. Waxa uu buuggani xog ka bixinayaa sidii ay ku aasaasmeen jabhadihii riday xukunkii Maxamed Siyaad Barre iyo siday ku unkameen iyo tabashooyinka keenay samaysankooda iyo in wax laga qaban karayey ama in la baajin karayey samaysankooda iyo in kale

Buuggani waxa uu xog ka soo gudbinayaa qaabka nidaamka dawladeed ee Soomaaliya/Somaliland ka jira wakhtigan, faa'iidooyinkiisa iyo dhaliishiisa. Waxa uu ka bixinayaa talooyin ku saabsan sidii Soomaaliya iyo Soomaaliland arrimaha dhexyaala xal looga gaadhi lahaa iyo dariiqa ay tahay in loo maro. sifooyinka laga doonayo hoggaamiyaha wanaagsan ee mustaqbalka, iyo weliba talooyin ku saabsan sidii isbeddel macne lihi uu uga dhici karo guud ahaanba dhulka Soomaalida.

📞 905 297 166
📍 Garoowe, Target Center.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garoowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Garoowe, Target Centre, Aagga Masjidka Saxaaba
Garoowe