Garoowe: 20 May-2026; WARBIXINTA Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta DPL ayaa gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ay ka qeyb galeen madaxda amniga Puntland.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland
This is the page of the Ministry of Security of Puntland State of Somalia.
Garoowe; 17 May-2026: Hadal Jeedinta Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana), oo ka Qaybgalay tababar Loo soo xiray cutub si gaar ah loo carbiyay oo ka tirsan Ciidamada Asluubta Puntland.
Wasiir Cabdiraxman Yusuf Dujaana ayaa dardaaran iyo bogaadin u jeediyay ciidanka isagoo kula dardaarmay inay si hufan u fuliyaan shaqo walbo loo diro, Cutubkaan ayaa si gaar ah loogu tababaray ka jawaabidda xaaladaha deg-dega ah, dejinta kacdoonka maxaabiista, ka hortagga Falalka Ammaan xumada, ilaalinta maxaabiista, sugidda amniga madaxda iyo ka hawlgelidda goob kasta oo ay uga baahato dowladda Puntland.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
-----XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND-----.
17/05/2026
Garoowe; 17 May-2026: Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa ka Qaybgalay tababar Loo soo xiray cutub ka tirsan Ciidamada Asluubta Dawladda Puntland.
Wasiir Cabdiraxman Yusuf Dujaana ayaa dardaaran iyo bogaadin u jeediyay ciidanka isagoo kula dardaarmay inay si hufan u fuliyaan shaqo walbo loo diro, Cutubkaan ayaa si gaar ah loogu tababaray ka jawaabidda xaaladaha deg-dega ah, dejinta kacdoonka maxaabiista, ka hortagga Falalka Ammaan xumada, ilaalinta maxaabiista, sugidda amniga madaxda iyo ka hawlgelidda goob kasta oo ay uga baahato dowladda Puntland.
Munasibada tababarka loogu sooxiryay Cutub kamid ah Ciidamada Asluubta Dawladda Puntland, oo ka dhacday kuliyadda general Cali Nuur Garoowe, oo goob joog uu ka ahaa wasiir Ku-xigeenka Amniga Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana Waxaa ka qayb-gaalay Wasiirka Cadaalada Puntland, Ku-xigeenka Cadaalada Puntland, Xildhibaan kamid ah Gollaha Wakiiladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland , saraakiisha kuliyadda General Calinuur iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Asluubta puntland.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
-----XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND-----.
Garoowe: 15 May-2026; Hadal Jeedinta Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Kayse Cabdi Yuusuf oo soo xiray Tababarka horumarinta xirfadaha garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
09/05/2026
Boosaaso: 09 May-2026: Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin) ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb-galay kulanka Guddiyada Amniga iyo Horumarinta ee magaalada Boosaaso, si loo dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan ee dhinacyada Adkeynta amniga iyo horumarinta magaalada Boosaaso oo isbedel weyn oo wanaagsan uu ka muuqdo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Gen, Muumin Cabdi Shire, Wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda, Guddoonka gobolka Bari iyo Guddoomiyaha degmada Boosaaso, La-taliyeyaal iyo xubnaha Guddiyada Amniga iyo Horumarinta Magaalada Boosaaso.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
GALDOGOB: 06 May-2026; Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana), ayaa degmada Goldogob ee gobolka Mudug kaga qayb galay kulan Amni oo muhiim ah, kaas oo la xiriiray heshiis ay odayaasha dhaqanku ka gaareen dhacdo dil ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacday degmadaas.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo garsoorka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xasillinta xaaladda iyo sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada, kadib dhacdadii dilka ahayd ee dhex martay laba beelood oo deegaanka ah.
Wasiir ku-xigeenka Amniga, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa si gaar ah u bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka ee nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka, isagoo xusay in ay laf-dhabar u yihiin ilaalinta xasilloonida bulshada. Wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan nabadda, wada noolaanshaha, iyo ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara colaad hor leh.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in ay gaaraan heshiis hordhac ah, kaas oo lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo aaso marxuumka, C/nuur Cumar Aw-Muuse, iyadoo eedeysanaha falkaasi uu weli maqan yahay. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dejinta xaaladda iyo ka hortagga xiisad hor leh oo ka dhalata dhacdada.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha amniga, garsoorka, iyo bulshada si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta gobolka.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
03/05/2026
Boosaaso: 3 May-2026; Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin) iyo Wasiir dawlaha Wasaarada Amniga ee dhanka difaaca Fu'aad Warsame Seed (Fu'aad-Xanaano) oo ka qayb-galay xarig jarka garoonka shuhadada Boosaaso oo xariga uu ka jaray Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani.
Wasiir Ibrahim Cartan iyo Wasiir fu'aad xanaano oo goob jooga ka ahaa xarig jarka garoonka shuhadada magaaladda Boosaaso, oo loogu magacdaray shuhadadii ku shahiiday hawlgalka Hilaac ee buuraha Calmiskad gobolka Bari, labada Wasiir yaa kaalin muuqata ka qaatay hawlgalka Hilaac.
Boqolaal shacab ah oo si Nabad ah usoo gaaray waa guulo waawayn oo laga gaaray horumarinta iyo kor u qaadista Amniga, iyadoo ay garoonka soogaareen madax badan oo Kala duwan iyo boqolaal bulshada Puntland kamid ah.
Alla ha u naxariisto dhamaan Halyeeyada naftooda u hibeeyay sidii Shacabka Puntland ay ugu noolaan lahaayeen nabad buuxda, Sido kale halyeeyada ku dhaawacmay alla ha u booga dhayo kuwa ku jira gabagabada hawlgalka Hilaac waxaan u rajaynayaa inay si nabad ah usoo afjaraan Haraadiga firxadka Argagixisada.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
Boosaaso, 2 May-2026: Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin) oo uu weheliyo Wasiir dawlaha Amniga ee dhanka difaaca Fu'aad Warsame Seed (Fu'aad-Xanaano) ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay munaasabadda bandhigga Maalinta Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ee CITYCOT Tech Summit.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
02/05/2026
02/05/2026
Boosaaso, 2 May-2026: Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin) oo uu weheliyo Wasiir dawlaha Amniga ee dhanka difaaca Fu'aad Warsame Seed (Fu'aad-Xanaano) ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay munaasabadda bandhigga Maalinta Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ee CITYCOT Tech Summit.
Madaxweynaha iyo masuulinta ayaa kormeeray qeybta Carwada lagu soo bandhigay hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee ay hindiseen ardayda Jaamacadda Citycot, iyagoo warbixin ka dhegaystay ardayda oo soo bandhigay hal-abuur casri ah oo u badan adeegyada danabeysan, Robots shaqeynaya, sida korontada looga faa’ideysto wax soo saarka Beeraha iyo qeybo ka mid ah Dalaga dhulkeenna kasoo baxay iyo kheyraadka baddeenna kujira, Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray kobcinta hal-abuurka, horumarinta tiknoolajiyadda, iyo dhiirrigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee leh fikradaha cusub, si ay door muuqda uga qaataan horumar waara iyo shaqo-abuur.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda , La-taliyeyaal, Guddiga Tacliinta Sarre ee Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo Kan degmada Boosaaso, Ganacsato, Haween , Maamulka Jaamacadda Citycot iyo ardayda Jaamacadda.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.
Click here to claim your Sponsored Listing.
