13/01/2026
Suaasha maanta !
Hibadu ma dhalataa mise waa ladhisaa ?
Kadhiibo aragtidaada 💬
Madasha Hibo Kaab waa madal u taagan kobcinta hibada, aqoonta iyo kartida dhalinyarada Soomaaliyeed, kuna jihaysan horumar iyo mustaqbal ifaya.
13/01/2026
Suaasha maanta !
Hibadu ma dhalataa mise waa ladhisaa ?
Kadhiibo aragtidaada 💬
KUSOO DHAWOOW MADASHA HIBO-KAAB
Madasha Hibo-Kaab waa urur dhalinyaro (Youth Organization) oo loo aasaasay kobcinta hibada, aqoonta iyo kartida dhalinyarada Soomaaliyeed. Madashan waxay u taagan tahay in ay noqoto meel dhalinyaradu ka helaan dhiirigelin, hagid iyo fursado ay ku horumariyaan naftooda iyo mustaqbalkooda.
Waxa ay madashu qabanayso :
- Kobcinta iyo horumarinta hibada dhalinyarada.
- Bixinta wacyigelin iyo waxbarasho faa’iido leh.
- Dhiirigelinta horumarinta iyo maskax kobcinta da'yarta.
- Abuurista dood, aqoon-wadaag iyo talo is-dhaafsi.
- Taageeridda dhalinyarada leh karti iyo hal-abuur.
Ujeedka Madasha:
- In dhalinyaradu ogaadaan hibadooda.
- In la xoojiyo kalsoonida nafta.
- In la abuuro mustaqbal rajo leh oo ku dhisan aqoon iyo karti.
In la dhiso jiil dhalinyaro leh aqoon, karti, anshax iyo himilo cad, kana qeyb qaata horumarka naftooda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Ku soo biir madasha Hibo-Kaab, haddii aad tahay qof dhalinyaro ah oo jecel horumar, aqoon iyo isbeddel togan, madashani waa goobtii aad kusoo bandhigi lahayd ee rukumo oo kusii biir bogga madasha Hibo-Kaab.
Mahadsanidiin.