Hon Mohamed Baarri Shire

Hon Mohamed Baarri Shire

Share

This is the Official page of the First Deputy Speaker of the Puntland Parliament, Hon. Mohamed Baarri Shire

02/06/2026

Qofku inta nool yahay ayuu mudan yahay in lagu maamuuso wanaaggiisa, waxqabaskiisa, kartidiisa, dedaalkiisa, qiimihiisa & kaalinta uu ugu jiro bulshadiisa.

" Xaaladaha adag waa la kala miirmaa oo waa xilliyada la kala ogaado waxtarka dadka".

Hon Mohamed Baarri Shire

Photos from Hon Mohamed Baarri Shire's post 01/06/2026

Gaalkacyo, 01 Juun 2026, Waxaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Gen. Carays Godad ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaan hambalyo u diraya askarta qalin-jebisay, waxaana ku bogaadinaya dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday. Waxa uu sidoo kale ku boorrinaya inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka iyo dalka, isla markaana door muuqda ka qaataan sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo xoojinta nabadda Puntland.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo xirfadaha Ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan aqoon, anshax iyo karti u leh gudashada waajibaadkooda amni ee bulshada.

Hon Mohamed Baarri Shire

01/06/2026

" Inaan nabad & iskaashi kula noolaanno deriskeenna Dowladda Galmudug waa waajib waxaana uga digay Xasan Shiikh oo ah Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday si sharci darro ah-na ku jooga Xafiiska inuu ka wantoobo faragellinta uu ku hayo".

" Anigoo tixraacaya habraacyada Dastuurka Federaalka ee 2012 la ansixiyey waxaan Xasan Shiikh xasuusinayaa in Galmudug iyo Dowladaha kele ee xubnaha ka Federaalka inay Doorashooyinkooda xor u yihiin inay iyagu qabsadaan".

"Anigoo ka walaacsan in dhib soo gaaro nabadda, dowlad dhiska iyo midnimada aan ognahay duruufaha adag ee laga soo maray Madaxweynihii h**e ee Xasan Shiikh waxaan ugu baaqay inuu talada dhulka dhigo kana dheeraado in maamullada kele uu ku sameeyo dhibaatadii uu Baydhabo ka sameeyey".

" Waxaan bulshada reer Puntland ee Gobolka Mudug aan ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay nabadda & walaalnimada ay ugu wada nool yihiin walaaladooda Galmudug".

Hon Mohamed Baarri Shire

01/06/2026

Waxaan maanta ka qayb-galay munaasibadda xiritaanka Tababarka Ciidammada Booliiska loogu soo xiray Dugsiga Tababbarka Ciidammada Gen Carays ee Godod Mudug.

" Tababbarkan aan u soo xirnay Ciidamo 500 gaaraya oo horrayna uga mid ahaa Booliiska Puntland ayaan kula dardaarnay in shaqadooda ay ka muuqato tababarka iyo xirafadaha horta leh ee ay soo barteen".

Munaasibaddan ayaa inoogu soo dhammaatay guul iyadoo aniga & masuuliyiinta kele ee munaasibaddan ka hadlay ay Booliiska ku biiriyeen talooyin waxtar leh.

Hon Mohamed Baarri Shire

01/06/2026

Hadal Jeedintii maanta aan ka jeediyay tababarkii loo soo xirayay 500 oo Askar Booliiska Puntland oo tababar ugu socday Dugsiga Tababarka Gen. Carays ee Godod.

Hon Mohamed Baarri Shire

01/06/2026

Waxaan maanta tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidanka Gen:Carays ee Godod Gobolka Mudug 500 oo Askar Booliis ah oo tababar xirfaddooda kor loogu qaadayo soo dhamaystay. Waana dafcadii 10-aad Ciidanka Booliska PL.

" Ciidankan oo horrrey-ba uga mid ahaa Booliiska Puntland ayaan ku boorriyey inay ku shaqeyaan aqoonta & tababarka ku soo kordhay shaqadii wacnayd ee bulshadooda u hayeen".

" Ciidankan ayaan ku bogaadiyey siday uga faa'iidaysteen uguna dhabar adaygeen muddadii uu tababarkani uu u socday".

" Hoggaanka Booliiska PL, & xukuumadda ayaan ku ammaanay dedaallada, juhdiga & dhaqaalaha ay gelisay tababarrada & aqoon kororsiyada Ciidammada Booliiska".

Hon Mohamed Baarri Shire

31/05/2026

انا لله وإنا إليه راجعون اللهم ارحمه واغفر له واجعل قبره روضة من رياض الجنة ولا تجعله حفرة من حفر النار اللهم امين يارب العالمين :

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo guud ahaan ehelkii uu ka baxay Alle ha u naxariiste Eng Axmed Bare Muse Samatar, wuxuu ahaa nin halyeey Qaran ah oo Bulshada Soomaaliyeed ku leh magac iyo taariikh dheer dhinac walba..

Waxaan u tacsiyeenaya dhamaan Reer Bare Muuse gaar aha'aan Reer Axmed Bare Muuse iyo intaay dhaleen waxaan ilaahay u waaydiin samir iyo iimaan ka siyo. Isagana janatul Fardowsa Eebbe geeyo.

Hon Mohamed Baarri Shire

30/05/2026

Waxaan guul u rajeenayaa Ardayda Imtixaanka shahaadiga ah ee 2025-2026 uga fariisanaya Puntland maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2026".

" In ka badan 25,000 oo Ardday ayaa sannadkan u fariisanaya Imtixaanka fasallada ee 8-aad & 12-naad waxaan la jeclahay farxad iyo nasiib wacan".

" Wasaaradda Waxbarashada guud ahaan si gaara Waaxda Imtixaannada iyagana waxaan u rajaynayaa guul iyo in Rabbi u fududeeyo shaqada culus ee ay sannad walba haddeero oo kele ay u qabtaan ummadooda".

" Ugu danbbayn waxaan ku boorinayaa Ardayda Imtixaanka galaysa inay ilaaliyaan jadwalka, habraacyada iyo shuruudaha loo jideeyey si waafaqsan shuruucda Imtixaannada"

Hon Mohamed Baarri Shire

29/05/2026

Bismillaah:- Waa dardaaran iyo baraarujin aan bulshada Reer Bosaaso ku booriyey inay ilashadaan nabadda & midnimada sababtay in magaalladooda lagu soo hirto sidii ay horrayba caanka ay ugu ahayd.

" Waxaan xasuusiyey sida ay sannado ka hor ay ahayd iyo sida ay maanta tahay ee ay horumarka deg-dega u gaartay tasoo uu ugu horreeyo maalgashiyada ay Somali oo dhan ay ka samaysannayso markii amaanka la adkeeyey".

Waxaan sidoo kele hoga-tusaaleeyey sida ay muhiim u tahay inaan mar kele loo soo dhuuman oo ay iska ilaaliyaan cid kasta oo dhib ku ah nabadgelyada, midnnimada, dowladnnimada iyo sarraynta sharciga..
Hon Mohamed Baarri Shire

27/05/2026

"Waxaan bogaadinayaa Ganacsata hal-abuuray ee hirgeliyey Ganacsigan waxtarka weyn leh".

"Mashaariic-da noocan oo kele ah waa kuwo hoos u dhigaya shaqo la'aanta, tahriibta waxaana faa'iideeda caddayn u ah dadka tirada badan ee isla markiiba ka shaqo bilaabay".

" Muddooyinkii u danbbeeyey waxaa sii kordhaya Ganacsata Dalka ee maalgashanaya Dalka, waana talaabo guula oo mudan amaan & dhiirigellin".

"Siyaasadda Dowladda Puntland ee dhanka Ganacsigu waa xor sida ku cad xeerrarka & Siyaasadda Ganacsiga tasoo ay bilawgii dowladdii dhiska DPL ay meel-mariyeen Golaha sharci dejinta & Golaha fulinta".

Ugu danbbayn Guul & inay noqoto mid Ganacsata hirgelisay Doog Business Center ay iyaga iyo Dalkuba ku najaxo ayaan u rajaynayaa idanka Rabbi.

Hon Mohamed Baarri Shire

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Garowe