: Taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Gobolka Bari G/sare Axmed Jaabiri Jaamac, ayaa xarunta xabsiga ku soo dhaweeyay Maxk**adda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
Taliyaha ayaa sheegay in maamulka xabsigu uu si buuxda ula shaqaynayo maxk**adda,
DHAMAAD.
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, Courthouse, Garowe, Garowe.
Gudoomiyaha Maxkamda Darajada 1aad Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. G/dhaxe Cabdixakiim Maxamed Saciid {Shakiib} ayaa ka warbixiyay kormeer. Maxk**adu ku tagtay Xabsiga wayn ee Magaalada Bosaso.
Maxk**adda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa soo gabagabeysay dhageysiga kiiska eedeysaneyaasha Cumar Caato Cali iyo Cabdimaalik Diiriye Jaamac, iyadoo ku dhawaaqday xukunnada ay maxk**addu gaartay.
Maxk**addu waxay Cumar Caato Cali ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dambiga dilka ah ee loo haystay.
Sidoo kale, Cabdimaalik Diiriye Jaamac ayaa lagu xukumay hal sano iyo lix bilood oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo dhan $1,500, kaddib markii maxk**addu ku heshay dambiga lagu soo oogay.
DHAMAAD.
Garowe: Maxk**adda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda loo haysto eedeysane Cumar Caato Cali, kaas oo lagu soo oogay inuu geystay dilka laba marxuum oo kala ah Marxuum Maxamed Cismaan Salaad (Bagaa-Bagaa) iyo Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Ciise.
Intii uu socday dhageysiga kiiska, dhinacyada dacwadda ayaa maxk**adda horgeeyay xogaha iyo caddeymaha la xiriira eedaha loo jeediyay eedeysanaha, iyadoo maxk**addu si dhow u dhegeysanaysay doodaha ay soo bandhigeen xeer ilaalinta iyo difaaca.
Dhanka kale, maxk**addu waxay sidoo kale dhageysatay dacwadda loo haysto eedeysane Cabdimaalik Diiriye Jaamac, oo lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah u qaatay qorigii uu lahaa Marxuum Maxamed Cismaan Salaad (Bagaa-Bagaa).
Maxk**adda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday dambiile Burhaan Faarax Aadan, kaddib markii lagu helay inuu si ula kac ah u dilay Marxuum Axmed Jaamac Takar.
Maxk**addu ayaa sheegtay in muddadii uu socday dhageysiga kiiska la hor keenay caddeymo iyo marqaatiyo ku filan oo muujinaya dambiga lagu soo oogay eedeysanaha, taasoo sababtay in lagu xukumo dil toogasho ah.
Guddoomiyaha maxk**adda ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo xusay in go’aanka maxk**addu uu waafaqsan yahay shareecada Islaamka iyo xeerarka ciqaabta ee dalka, si loo xaqiijiyo caddaaladda iyo ilaalinta amniga bulshada.
Burhaan Faarax Aadan ayaa lagu helay inuu dilka Marxuum Axmed Jaamac Takar u geystay si ula kac ah, waxaana maxk**addu ugu dambeyn ku ridday xukunka dilka toogashada ah.
Maxk**adda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska dilka Marxuum Cabdimahad Caabi Shire, iyadoo xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaashii loo haystay falkaasi.
Maxk**addu waxay xukun dil toogasho ah ku ridday danbiile Saleemaan Cabdi Jaamac, kadib markii lagu helay inuu si toos ah ugu lug lahaa dilka Marxuumka.
Sidoo kale, danbiile Cabdikariin Cabdullaahi Xasan (Salxan) ayaa lagu xukumay afar (4) sano oo xabsi ah, halka danbiile Cabdiraxmaan Yaasiin Xuseen (Tinigta) lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan $1,000 (Kun Doollar).
Maxk**addu waxay sheegtay in xukunnadan ay salka ku hayaan caddeymaha, markhaatiyaasha iyo qiraalladii lagu soo bandhigay muddadii uu socday dhageysiga dacwadda, kuwaas oo lagu xaqiijiyay doorka ay eedeysanayaashu ku lahaayeen kiiska dilka Marxuum Cabdimahad Caabi Shire.
Maxk**adda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun k**a dambays ah ka soo saartay kiiska eedeysane Nuur Caydaruus Cirro, iyadoo ku xukuntay Afar (4) sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $5,000 (shan kun oo doollar).
Eedeysanaha ayaa h**e loogu helay dambiga dilka Marxuum Mahad Cabdullaahi Cabdille, waxaana Maxk**adda Sare ee Racfaanka ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ahaa qisaasta marxuumka.
Hase yeeshee, intii uu kiisku socday, ayaa ehelada marxuumka iyo qoyska eedeysanaha ay gaareen heshiis nabadeed, iyagoo maxk**adda ka hor sheegay inay ka heshiiyeen dhacdadii dilka ahayd isla markaana ay kala qaateen magta marxuumka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale maxk**adda ka codsaday in la tixgeliyo heshiiska ay gaareen iyo ka tanaasulka qisaasta, si loo beddelo xukunkii h**e ee dilka ahaa.
Markii ay Maxk**addu qiimaysay heshiiska sharciyaysan ee ay wada gaareen labada dhinac, kana fiirsatay ka tanaasulka qisaasta ee ay sameeyeen ehelada marxuumka, waxay go’aamisay in Nuur Caydaruus Cirro lagu xukumo Afar sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $5,000.
Xukunkan ayaa ah go’aan k**a dambays ah oo ay soo saartay Maxk**adda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland.
Maxk**adda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun k**a danbays ah ku ridday Cabdikhadar Bedel Xaraare, iyadoo ku xukuntay saddex (3) sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,500 (Laba Kun iyo Shan Boqol oo Doollar).
Cabdikhadar Bedel Xaraare ayaa h**e loogu helay inuu dilay Marxuumad Duniyo Cabdulqaadir Xasan, waxaana Maxk**adda Sare ee Racfaanka ay horay ugu xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ahaa qisaasta marxuumadda.
Kadib, waxaa Maxk**adda Sare hor yimid ehelada Marxuumad Duniyo Cabdulqaadir Xasan iyo qoyska Cabdikhadar Bedel Xaraare, kuwaas oo maxk**adda ka hor sheegay inay ka heshiiyeen dhibkii dhacay, isla markaana ay kala qaateen magtii marxuumadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale maxk**adda ka codsaday in la tixgeliyo heshiiska ay gaareen, isla markaana Cabdikhadar Bedel Xaraare laga qaado xukunkii qisaasta ahaa.
Ugu dambayn, Maxk**adda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa, iyadoo tixraacaysa heshiiska labada dhinac iyo ka tanaasulka qisaasta, ku xukuntay Cabdikhadar Bedel Xaraare saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,500.
DHAMAAD,
Maxkamda Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. waxay u fariisatay kiiska Xukumane Nuur Caydaruus Cirro oo dilay Marxuun Mahad Abdullahi Abdille,
Maxk**ada Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. Waxay u fariisatay kiiska Xukumane Abdikhadar Badal Xaraare oo dilay. Marxuun Duniyo Abdiqadir Xasan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Garowe
