Bankiga Dowladda Puntland

Bankiga Dowladda Puntland

Share

Official page State Bank of Puntland.

26/05/2026

Fariinta Hambalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ee Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland Mudane Mohamed M. Abdillahi

Photos from Bankiga Dowladda Puntland's post 06/05/2026

QARDHO: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo) ayaa kulan shaqo la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha Laanta Qardho ee Bangiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha Bangiga, kor u qaadista tayada adeegyada, iyo xoojinta wada-shaqeynta, Agaasimaha Guud ayaana si gaar ah u dhegeystay aragtiyaha iyo talooyinka Maamulka iyo shaqaalaha, isaga oo ku dhiirrigeliyay in la laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo waxqabadka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Agaasimaha Guud uu ku xoojinayo xiriirka shaqo iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa maamulka iyo shaqaalaha laamaha Bangiga.

XAFIISKA WARFAFINTA IYO WACYIGELINTA BANGIGA DPL

05/05/2026

BOOSAASO: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland, Mudane Feysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo), ayaa maanta hawlo shaqo oo farsamo ku tegay faracyada Bangiga ee ku yaalla Dekedda Boosaaso, Garoonka Diyaaradaha, iyo xarumaha Furdo iyo Kastamka ee Garoonka, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey madaxda faracyada iyo howlwadeennada goobahaas.

Photos from Bankiga Dowladda Puntland's post 05/05/2026

BOOSAASO: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland, Mudane Feysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo), ayaa maanta hawlo shaqo oo farsamo ku tegay faracyada Bangiga ee ku yaalla Dekedda Boosaaso iyo Garoonka Diyaaradaha isaga oo sidoo kale booqday Xafiiska Furdada ee Dekedda iyo Kastamka Garoonka, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey madaxda faracyada iyo howlwadeennada goobahaas.

Agaasimaha Guud ayaa intii uu joogay faraca Dekedda si dhow ugu kuurgalay habsami u socodka adeegyada Bangiga iyo doorka uu ku leeyahay dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dekedda. Waxa uuna warbixin ka dhageystay Madaxa Faraca, isaga oo diiradda saaray xoojinta hufnaanta, dardargelinta adeegyada, iyo sare u qaadidda wada shaqaynta hay’adaha la xiriira dakhliga dowladda.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa booqday faraca Garoonka Diyaaradaha, halkaas oo uu ku eegay heerka dib-u-habaynta iyo diyaarinta adeegyada Bangiga. Waxa uu warbixin ka dhageystay Madaxa Faraca Garoonka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in adeegyada si buuxda oo tayo leh dib loogu hawlgeliyo si ay uga jawaabaan baahiyaha socdaalka iyo ganacsiga.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ayaa kulan gaar ah la qaatay masuuliyiinta Furdo iyo Kastamka ee Garoonka, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta, isku xirka nidaamyada, iyo fududeynta habraacyada la xiriira dakhliga dowladda. Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn dhow oo wax ku ool ah si loo hubiyo hufnaan iyo dardar ku yimaada adeegyada.

Booqashooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Agaasimaha Guud ee Bangiga ee cusub uu ku xaqiijinayo hufnaanta shaqo, kor u qaadidda adeegyada, iyo la socodka xaaladaha shaqo ee Xafiisyada Faracyada Bangiga.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa dardaaran u jeediyey madaxda iyo shaqaalaha faracyada iyo xarumaha uu booqday, isagoo ku boorriyey in la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo dadaalka lagu horumarinayo adeegyada Bangiga.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA
EE BANGIGA DOWLADDA PUNTLAND

04/05/2026

BOOSAASO: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland, Mudane Feysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo) ayaa maanta hawlo shaqo oo farsamo ku tegay Laanta Boosaaso ee Bangiga Dowladda Puntland Waxa uuna warbixinno ka dhageystay maamulka laanta.

Photos from Bankiga Dowladda Puntland's post 04/05/2026

BOOSAASO: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland, Mudane Feysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo) ayaa maanta hawlo shaqo oo farsamo ku tegay Laanta Boosaaso ee Bangiga Dowladda Puntland waxana si diirran ugu soo dhaweeyey Maamulaha Laanta Boosaaso Mudane Muuse Aw Xuseen Ducaale iyo howlwadeennada laanta.
Agaasimaha ayaa intii uu Joogay Xarunta si dhow ugu kuurgalay arrimo farsamo oo la xiriira habsami u socodka adeegyada, nidaamyada shaqo, iyo xaaladaha u baahan dib-u-eegis iyo hagaajin. Waxa uuna warbixinno ka dhageystay maamulka laanta, isaga oo diiradda saaray habraacyada shaqo iyo sidii loo sii xoojin lahaa tayada adeegyada Bangiga.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Agaasimaha Guud ee Bangiga ee cusub uu ku xaqiijinayo hufnaanta shaqo, kor u qaadidda adeegyada, iyo la socodka xaaladaha shaqo ee laamaha Bangiga.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa horay u soo arkay dhismaha laanta Qardho oo maraya heer gebo-gebo ah si loo dardargeliyo hirgelinta mashruuca dhismaha loona hubiyo in uu u socdo si waafaqsan qorshaha iyo tayada la doonayo looguna dhameystiro waqti ku habboon.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa dardaaran u jeediyey maamulka iyo shaqaalaha laanta Boosaaso, isagoo ku boorriyey in la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo dadaalka lagu horumarinayo adeegyada Bangiga.
DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA
EE BANGIGA DOWLADDA PUNTLAND

02/05/2026

Agaasimaha Guud ee Bangiga Mudane Faysal Abdullahi Warsame ( Murcanyo) ayaa Kormeeray Laanta Qardho ee Bangiga DPL.

Photos from Bankiga Dowladda Puntland's post 02/05/2026

QARDHO : Agaasimaha Guud Ee Bangiga Dowladda Puntland Mudane Faysal Abdullahi Warsame ( Murcanyo) ayaa Hawlo shaqo oo farsamo ku tegey Laanta Qardho ee Bangiga waxana halkaas ku soo dhaweeyay Maamulaha laanta qardho ee Bangiga Xaawo Abshir Xuseen iyo Howlwadeenada laanta isagoona Warbxino ka dhageystay.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa indho indhayn ku sameeyay Dhismaha cusub ee Laanta oo heer gebogebo ah ku dhow waxa uuna warbixin ka dhegaystay Engineerada Bangiga iyo shirkada gacanta kuhaysa dhismaha, si loo dardargeliyo hirgelinta mashruuca dhismaha loona hubiyo in uu u socdo si waafaqsan qorshaha iyo tayada la doonayo looguna dhameystiro waqti ku habboon.

Agaasimaha waxa safarka shaqo ku weheliyay qaar kamid ah saraakisha Bangiga , safarkan shaqo ayaana qayb ka ah Hawlo shaqo oo farsamo uu agaasimuhu ku tagayo qaar kamid ah Laamaha Bangiga.

XAFIISKA WARFAFINTA IYO WACYIGELINTA BANGIGA DOWLADDA PUNTLAND

01/05/2026

Fariinta Hambalyada maalinta shaqaalaha ee Gudoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA BANGIGA DOWLADDA PUNTLAND

27/04/2026

Kelmedda Maayarka Degmada Badhan Mudane Cawad Cali Xiiray Ee Munaasabada Dhagax Dhigga Laanta Badhan ee Bangiga DPL.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Main Road
Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Friday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00