21/12/2023
Puntland ma kusii socon doontaa haadaanta weyn ee ay maalinba kusii durkaysay 24kii sano ee la soo dhaafay, mise waa la badbaadin doonaa 2024, oo jid iyo jiho cusub ayay u socdaali doontaa?!
Abshir Cumar Huruuse wuxuu olole xooggan ugu jiraa sidii uu jidkii reer Puntland ku kala irdhoobeen halkiisii ugasii ambaqaadi lahaa.
30/12/2022
BAYAAN
Ugu horrayn, Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024 waxa ay ka tacsiyaynaysaa xasuuqa maamulka Soomaalidiidka ah uu ku hayo Shacabka Laascaanood iyo guud ahaan SSC.
Intaas kadib, waxaa nasiib darro ah in ninka hoggaamiya maamulka talada Puntland gacanta ku haya maanta uu dhiiggii Shacabkiisa ee daadanayay ee isagu uu dayacay uu caawa kagasoo jawaabo:
(Waxaan maamulka Somaliland ka codsanaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.)
Waxaan ugu baaqaynaa odayaal dhaqameedka, culimada, ganacsatada iyo cid walba oo dareen damqada leh in ay qayb ka noqdaan halganka Xoraynta SSC.
- Xarbaa lagu kasbaa gobonnimiyo hawl xanuun badane.
X. Aadan Af-qallooc AHU.
10/12/2022
WAR-SAXAAFADEED:
Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland – 2024, waa madal ay midaysan waxgarad iyo aqoonyahan ka mid ah dadka reer Puntland. Madashaan ayaa fadhigeeda 1aad yahay magaalada Garoowe, ee caasimadda Dowladda Puntland.
Madasha waxaa lagu asaasay talo iyo turaale ku aaddan badbaadinta Puntland kadib marka ay lasoo derseen Dowladda Puntland:
1. Waaqac siyaasadeed ee cakirnaa: Tan iyo markii xukuumadda hadda joogta ee Deni hoggaaminayo ay ku fashilantay astaamaha aasaaska u ah ku dhaqanka dowlad wanaagga, dhiigna ay daadisay bilowgii xukunkeeda.
2. Baqdin laga qabo burbur iyo colaado sokeeye oo Puntland ka qarxa: Dad badan ayaa qaba in soo laabashada waxa loogu yeeray taraha mar kale aysan ifafaalo wanaagsan sheegayn. Iyada oo la eegaayo siyaasaddiisii ku dhisnayd adigu hangool hay, aniguna haruubka ayaan ag joogayaa.
3. Xiisadda qabiil oo sii kordheysa: Intii uu talada dalka hayay Deni, waxaa sii xoogeystay isqabqabsiga beelaha iyo xurgufta, gaar ahaan kuwa deggan Nugaal iyo Mudug. Ka dib markii isu dheelli tirnaan la’aani ay ragaadisay hannaankii awood qaybsiga.
4. Faragelinta iyo dhul-boobka maamulka Somaliland: Waxgaradka Puntland waxay u arkaan faragelinta lagu hayo dhulkii Dastuuriga ahaa ee reer puntland mid ay raalli ka ahaayeen xukuumadihii isdaba-joogga ahaa ee Puntland ka curtay dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay. Waxay walaac xooggan ka qabaan waxgaradku; kala dhantaalmidda midnimadii dadkii walaalaha ahaa ee reer Puntland ee dadka iyo dhulka isku darsaday.
5. Jaahwareerka xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland: lagasoo bilaabo (2009) waxaa Puntland ay ka leexatay majarihii aasaaskeeda, waxayna qaadday waddo mugdi ah oo dano shaqsiyaad ku dhammaata. Sidoo kale, waxaa cirka isku sii shareeray khilaafyada u dhaxeeya dowladda Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo ka dhalatay maslaxad raadinta qoyska iyo qofka ku dhisan ee Deni ku hoggaaminayo Puntland.
Ugu dambayn, Madasha, oo ka duulaysa qodobbada aan kor ku soo xusnay iyo sababo isbiirsaday ayaa ka qeyb qaatay aasaaska madashaan. Madasha ayaa u taagan midowga dadka reer Puntland ee lexejecladu ka hayso jiritaanka Puntland iyo badbaadadeeda.
Dhammaad…