29/11/2025
OGAYSIS
Maxkamadda 1aad ee Garoowe waxay wargelinaysaa Muxiyadiin Yuusuf Xirsi (Sheekh-Doon) in ay ka socoto dacwad madani ah oo ay gudbisay Shirkadda SomGas.
ولا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ
And don't let de hatred of a ppl...
29/11/2025
OGAYSIS
Maxkamadda 1aad ee Garoowe waxay wargelinaysaa Muxiyadiin Yuusuf Xirsi (Sheekh-Doon) in ay ka socoto dacwad madani ah oo ay gudbisay Shirkadda SomGas.
Maxkamadda D1aad ee Garowe waxay xukun ka soo saartay kiiskii uu eedaysane ka yahay Cabdullaahi Muuse Fidaar Ina Ruqiyo Ciise Cumar 30 sanno jir ah, kaas oo Garowe ku dilay Marxuumad Kowsar Maxamed Axmed, iyadoona ku xukuntay dil toogasho ah ahna qisaasta marxuumadda.
Maxkamadda D1aad ee Garowe waxay gabagabaysay xukunna ka soo saartay kiiskii uu eedaysanaha ka ahaa eedaysane Sharmaarke Xuseen Yuusuf ina Ubax Cismaan Jaaji 31 sanno jir ah, waxayna ku xukuntay 25 sanno oo xabsi, $5000 kun oo Ganaax ah iyo Magdhowga dhibanayaasha ay u xukuntay oo dhan 25,500,
Maxkamadda D1aad ee Garowe waxay xukun ka soo saartay kiiskii uu eedaysanaha ka ahaa eedaysane Sharmaarke Xuseen Yuusuf ina Ubax Cismaan Jaaji 31 sanno jir ah, waxayna ku xukuntay 25 sanno oo xabsi, $5000 kun oo Ganaax ah iyo Magdhowga dhibanayaasha ay u xukuntay oo dhan 25,500.
04/10/2025
Maxkamadda Daraja Koowaad Ee Caasimadda Dawladda Puntland, waxay soo saartay Amar Fulin, Oggaysiin iyo Xaraash Guri ay leedahay Lagu Fuliye Fardows Maxamed Xasan, waa haddii ay san bixin lacagta ay ku leedahay Loo Fuliye Maryan Jaamac Dirir, lacataas oo dhan 25,336 dollar.
11/09/2025
TACSI
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal, Abdikarin Mohamed Nur (Garwayne), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray geerida ku timid Sheikh Daahir Aadan Buraale (Daahir Oday) oo ku geeriyooday magaalada Burtinle.
Marxuumku wuxuu ahaa asaasaha iyo buddhigaha garsoorka degmada Burtinle, isaga oo in ka badan rubuc qarni hayay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Burtinle, kuna suntanaa gar aqoonnimo iyo eex la’aan.
Sheikh Daahir wuxuu ahaa Sheikh caalim ah oo bulshada uga faa’iideeyay diinta Alle baray, kuna suntanaa faafinta diinta Islaamka, diidista dulmiga iyo u difaaca kuwa aan codka lahayn.
Guddoomiyuhu wuxuu tacsi u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta, culimada, umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan saaxiibkiis Burhan Sheikh Daahir (RQ) iyo dhammaan ilma Sheikh Daahir (RC).
Waxaan leeyahay: Samirkiinna Allah ha wayneeyo, Sheikhana Janatul Firdaws ha ka waraabiyo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
maxkamada d/1 deg garowe gobolka nugaal
Maxkamadda Darajada 1aad ayaa dhagaysatay kiis ciqaabeed kufsi ah oo eedaysanayaal ka yihiin Afar eedaysane, oo mid ka mid ah baxsad yahay. Maxkamadda ayaana soo gabagabaysay dhagaysigan iyadoona xukun u dirtay
09/08/2025
Ogaysiis iib guri Naado lagu gadayo.
Haddii aad danaynayso akhri warqaddan
01/08/2025
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaadee Gobolka Nugaal Abdikarin Mohamed Nur Garwayne ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda sannad-guurada 27-aad ee aas-aaska iyo midnimada Puntland ee 1-da Ogosto
Hambalyo dhammaan shacabka Puntland!
Maxkamadda D1aad ee degmada Garowe waxay dhagaysatay fadhigii 3aad iyo 4aad ee eedaysane Sharmaarke Xuseen Yuusuf oo lagu eedayey kufsiga labo gabdhood oo yaryar oo 11/05/2025 ka dhacay magaalada Garowe iyo kiis kufsi kale, iyadoona fadhiyadan ku dhagaysatay difaaca qareenka iyo eedaysanaha si waafaqsan qod. 116 XCS
– Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Karkaar ayaa maanta xukun dil ah ku riday eedeysane Cismaan Maxamuud Cismaan, ka dib markii lagu helay dambiga ah inuu si ula kac ah u dilay Marxuum Sakariiye Ciise Himbool, ina Hodan Axmed.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Degmada Garowe waxay dhageysatay fadhiyadii 1-aad iyo 2-aad, iyadoo xafiiska Xeer Ilaalintu uu soo jeediyay eedeyntiisa si waafaqsan qodobka 114 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XHCS). Eedeyntu waxay ku saabsan tahay kiis kufsi ah oo ciqaabeed, eedeysane ka yahay Sharmaarke Xuseen Yuusuf, kaasoo loo haysto falal kufsi ah oo lagula kacay laba (2) gabdhood oo caruur ah, iyo walaalkood oo jirdil loo geystay. Dhacdadani waxay ka dhacday magaalada Garowe, taariikhdu markay ahayd 11/05/2025.
Sidoo kale, waxaa jirta dhibbane saddexaad oo ah haweeney kale oo lagu eedeeyay in eedeysanuhu kufsi u geystay.
Maxkamaddu waxay haatan ku jirtaa dhageysiga difaaca eedeysanaha Sharmaarke, si waafaqsan qodobka 116 ee XHCS. Weli waxaa socda dooddii qareenka difaaca, Abdirisaaq Maxamed Faarax.
Maxkamaddu waxay dib u mudeysay dhageysiga kiiskan 14-ka Luulyo 2025, oo ku beegan maalinta Isniin, saacadda 9:00 subaxnimo.