Col. Fatima Abdulkader Ali

Col. Fatima Abdulkader Ali

Share

Commander | Environmental Protection Unit- Puntland Police Force

Photos from Puntland Ministry of Environment and Climate Change's post 14/07/2026
09/07/2026

Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka ee Ciidanka Booliska Puntland, isagoo tixraacaya amarka ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, wuxuu bulshada ku wargelinayaa inay u hoggaansamaan amarkan, isla markaana qaataan masuuliyadda ilaalinta deegaanka iyo ka fogaanshaha fal kasta oo sababi kara xaalufka dhirta.

Hoggaanka ilaalinta deegaanka ee ciidanka wuxu u taaganayhy yahay xaqiijinta hirgelinta shuruucda iyo awaamiirta Dowladda Puntland ee ku aaddan ilaalinta deegaanka.

Garoowe, July 9, 2026: Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale ka digay soo gelinta iyo ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga soo saaro deegaannada Puntland, isagoo xusay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka sii kordhaya ee dhirta.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in amarkani ku saleysan yahay Qodobbada 8-aad iyo 16-aad ee Xeerka Ilaalinta Deegaanka Dawladda Puntland, isla markaana uu daba socdo cabashooyin la xiriira xaalufka ka socda qaar ka mid ah deegaannada Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa faray dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka inay adkeeyaan kormeerka gaadiidka lagu qaado xaabada iyo dhuxusha, isla markaana ay qabtaan cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa uga digaya dadka ku lugta leh arrimahan inay jebiyaan amarkan, isagoo caddeeyay in cid kasta oo lagu qabto soo gelinta ama ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

- DHAMMAAD -

07/07/2026

Waxaan maanta ka qayb galay kulan ay yeesheen Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland, Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada, wasaarada arimaha gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha ee ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka dembiyada deegaanka. Waxaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta hawlgallada wadajirka ah, is-weydaarsiga xogaha, iyo doorka maamulka degmooyinka ee ka hortagga dembiyada waxyeellada u geysta deegaanka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland, Mudane Caydaruus Axmed Faarax (Oday), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale.

30/06/2026

Hambalyo sannad-guurada 1-da Luulyo.🇸🇴

30/06/2026

Fariinta Wacyigelinta Ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta ee Ciidanka Booliska Puntland.

World Environment Day 16/06/2026

Cimilada sii kululaanaysa Waa calaamad Digniin ah oo soo dirayo Dhegaankeenu.

KA DIGTOONOW FICILADA XAALUFINTA IYO BAABIN DEEGAN AH, KUNA WARGELI POLICE PUNTLAND NOOCKASTA OO XAALUFIN WASAKHAYN IYO WAXYEELAYN DEGAAN AH, ADIGOO GARAACAYA 999. Waad wici kartaa 24/7

World Environment Day World Environment Day is the United Nations day for encouraging worldwide awareness and action to protect our environment.

09/06/2026

Waxaan maanta ka qayb galay Kulan sadex Geesood ah oo u dhexeeyay Booliiska, Wasaarada deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland iyo Maamulka Gobolka Nugaal waxana kawada Hadalnay ilaalinta deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Kulanka ayaa si gaara diiradda loogu saaray xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo deegaanada Gobolka Nugaal , kor u qaadista wacyigelinta bulshada, iyo muhiimadda iskaashiga Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo Maamulka Gobolka si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Foodcade), Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Nugaal, Mudane Mukhtaar Faarax Jeer, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, Mudane Shaafici Maxamuud Ismaaciil, iyo Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Nugaal.

-DHAMMAAD-


22/05/2026

Waa wax laga xumaado in xoolihi waxay cunan wayaan Abaartu soo noqnoqoto Geedaha laqaliyo la gubo dadkiina Nabaad Guur ka shaqaynayo

20/05/2026

Maanta waxaanu kormeer shaqo ku tagnay duleedka deegaanka Suunijiif, Waxaa Howlgalka fuliyey Qaybta Boliiska G. Nugaal oo hogaaminayo Taliyaha Howlgelinta waxaana nagu weheliyey gudomiyaha deeganka iyo
ku xigeenkiisa. deegaaanada aan tagnay waxa kasocotay xaalufin ba an oo iskugu jirtay gubid jarid iyo dhuxul shidis.

Waxaan sidoo kale booqannay goobaha lagu gubo dhuxusha,
oo ciidanku kusoo qabqabtay eedeysanayaal ku guda jiray falkalalkaas. Kuwaas oo wajihi doona Baaris.

Waxaan uga digeynaa cid kasta oo ku lug yeelanaysa xaalufinta deegaanka iyo gubista dhuxusha in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga, si loo ilaaliyo deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee bulshada ka dhexeeya.

Hadii aad hesho xog ama la kulanto xaalufin iyo ugaarsi sharci daro ah fadlan laso xirir lambarka degdega 999

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Garowe