Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment

Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment

Share

Official page Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL.

Photos from Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment's post 23/05/2026

BOOSAASO: 23 MAY 2026: WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL AYAA KU QABATAY HOTEL JAABIR PLAZA, BOOSAASO SHIRKA WADA TASHIGA DIB-U-EEGISTA XEERKA MAALGASHIGA PUNTLAND IYO DIYAARINTA XEERKA SHIRKADAHA, HABRAACA PPP IYO SIYAASADAHOODA.

Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Dr Ahmed Shire waxaana shirka ku weheliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Eng: Cabdisamad Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Qorsheynta WGWM Maxamed C/xakiin, Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari Faarax Maxamed C/llahi, Gudoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Waaberi, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boosaso, ganacsatada iyo bulshada rayidka.

Shirka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa wada tashiga dib-u-eegista xeerka maalgashiga Puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca PPP iyo siyaasadahooda.

Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL waxa ay u mahadcelinaysaa Hayadda EU-TAPF (Technical assistance and partnership facility) oo shirka farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba u taageertay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

Photos from Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment's post 20/05/2026

WASIIRKA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL OO KA QAYBGALAY QAABILAADDA WAFDI KA SOCDA DOWLADDA MARAYKANKA.

GAROOWE – 20 MAY 2026: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL ayaa ka qaybgalay kulan uu Madaxwaynaha dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Kuxigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga amni iyo guulaha Dowladda Puntland ka gaartay la dagaallanka argagixisada Daacish.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland sida macdanta, kalluumeysiga, iyo shidaalka. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xusay muhiimmadda marxaladda kala guurka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, ku simaha Safiirka Maraykanka ayaa bogaadiyey howlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray ciribtirka argagixisada, isagoo sidoo kale ammaanay horumarka dhinacyada nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee ka jira Puntland.

Ugu danbeen Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Puntland, gaar ahaan dhinacyada adkeynta amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

Photos from Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment's post 30/04/2026

GAALKACAYO: 30, April 2026: WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL AYAA KU QABATAY HOTEL CADDUUN, GAALKACYO SHIRKA WADA TASHIGA DIB-U-EEGISTA XEERKA MAALGASHIGA PUNTLAND IYO DIYAARINTA XEERKA SHIRKADAHA, HABRAACA PPP IYO SIYAASADAHOODA.

Shirka waxaa goobjoog Ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DPL, Cumar Cabdisamed, Xildhibaan Cabdikaaki Cabdi Abshir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng. Cabdisamed Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Qorsheynta WGWM, Guddoomiye ku-Xigeenada Gobolka Mudug, isudiwayaasha Wasaaraddaha, Maamulka Degmada Gaalkacyo, ganacsatada iyo Bulshada Rayadka.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahayd wada tashiga dib-u-eegista xeerka maalgashiga puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca ppp iyo siyaasadahooda.

Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL waxa ay u mahadcelinaysaa Hayadda EU-TAPF (Technical assistance and partnership facility) oo shirka farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba u taageertay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

30/04/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH – SUMMADAHA GANACSIGA

Ganacsigan waxaa loo diiwaangeliyay Summadda Ganacsiga ee ay bixiso Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL.

🔰 Magaca Summada: COCA-COLA
🏢 Shirkadda loo diiwaangashay Wakaaladda Puntland: CLAYSOM TRADING AND DISTRIBUTION

Haddii aad qabto cabasho ku saabsan summadan, fadlan la xiriir Xafiiska Diiwaangelinta Summadaha Ganacsiga muddo 45 maalmood ah gudaheed laga bilaabo taariikhda ogeysiiska.

📩 Email: [email protected]
🌐 Website: mocii.pl.so

28/04/2026

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Hon Abdikarim Hassan ayaa furay shirka wada tashiga dib-u-eegista xeerka maalgashiga Puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca ppp iyo siyaasadahooda.

Photos from Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment's post 28/04/2026

Garoowe: 28, April 2026: Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Hon Abdikarim Hassan ayaa furay shirka wada tashiga dib-u-eegista xeerka maalgashiga Puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca ppp iyo siyaasadahooda.

Shirka dib-u-eegista xeerka maalgashiga puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca ppp iyo siyaasadahooda ayaa saaka lagu qabtay Hotel Grand, Garoowe. Shirka waxaa guddoominayay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL iyadoo ay weheliyaan Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee arrimaha qurbo joogta Farah Mohamud aw Cusmaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng. Cabdisamed Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa wada tashiga dib-u-eegista xeerka maalgashiga puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca ppp iyo siyaasadahooda, waxaana ka soo qayb galay dhammaan hayadaha dawladda ee xiriirka shaqo la leh Wasaaradda, hay’addaha aan dowliga ahayn, shirkadaha ganacsiga, Jaamacadaha , Maxkamadda darajada 1aad iyo Dawladda Hoose ee Garoowe.
Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL waxa ay u mahadcelinaysaa Hayadda EU-TAPF (Technical assistance and partnership facility) oo shirka farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba u taageertay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

25/04/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH – SUMMADAHA GANACSIGA

Ganacsigan waxaa loo diiwaangeliyay Summadda Ganacsiga ee ay bixiso Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL.

🔰 Magaca Summada: NEEC
🏢 Shirkadda Diiwaangashatay: NATIONAL ELECTRIC & ELECTRONICS

Haddii aad qabto cabasho ku saabsan summadan, fadlan la xiriir Xafiiska Diiwaangelinta Summadaha Ganacsiga muddo 45 maalmood ah gudaheed laga bilaabo taariikhda ogeysiiska.

📩 Email: [email protected]
🌐 Website: mocii.pl.so

19/04/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH – SUMMADAHA GANACSIGA

Ganacsigan waxaa loo diiwaangeliyay Summadda Ganacsiga ee ay bixiso Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL.

🔰 Magaca Summada: AMIIR GROUP
🏢 Shirkadda Diiwaangashatay: AMIIR GROUP

Haddii aad qabto cabasho ku saabsan summadan, fadlan la xiriir Xafiiska Diiwaangelinta Summadaha Ganacsiga muddo 45 maalmood ah gudaheed laga bilaabo taariikhda ogeysiiska.

📩 Email: [email protected]
🌐 Website: mocii.pl.so

08/04/2026

GAROOWE: 08-APRIL-2026: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadah iyo Maalgashiga DPL Ahmed Shire ayaa xafiiska dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay wafti sare oo ka socda European Union Technical Assistance and Partnership Facility (EU-TAPF) oo uu hoggaaminayo kuxigeenka madaxa xafiiska Soomaaliya Maxamed Faarax.

Kulankan waxaa wasiirka ku weheliyay Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda & Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo siyaasadaha.

Kulankan ayaa ku saabsana qorshaha bilaabista sameenta iyo dib u eegista xeerarka & siyaasaddaha kala ah sharciga & siyaasadda maalgashiga , xeerka shirkaddaha iyo habraaca PPP ( Public private partnership ).

Ugu danbeen Wasaaradda iyo xubnaha ka socday EU waxay isla qaateen in si dhakhsa ah looga hawlgalo xeerarka iyo siyaasadahan muhiimka u ah Wasaaradda shaqadeeda.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

Photos from Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment's post 01/04/2026

Qardho: 31-Mar-2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadah iyo Maalgashiga Eng Cabdisamad Balow balow ayaa ka qeybgalay kulan muhiim ah oo lagu ansixinayay siyaasadda horumarinta dhaqaalaha maxaliga ah ee dawladaha hoose Puntland (Local Economic Development Policy).

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Agaasimaha waaxda tayo dhawrka badeecadaha, guddoomiyaal ka tirsan degmooyinka Puntland, iyo ururka ay ku mideysan yihiin degmooyinka Puntland (ALGAPL).

Siyaasaddan oo ay iska kaashadeen ALGAPL iyo VNG, isla markaana ay diyaariyeen khuburo Soomaali iyo ajaaniib ah, ayaa ujeedadeedu tahay kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah ee degmooyinka.

Shirka waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, waxaana gabagabadii shirka soo xiray Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgadhiga.

Intii uu socday shirka waxaa si qoto dheer looga dooday siyaasadda, iyadoo la ururiyey talooyin iyo falcelin lagu horumarinayo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Garowe, Puntland
Garowe
00252

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00