Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland

Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland

Share

This is the Official page, Ministry of Public Work, Transport and Housing Puntland State

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland's post 21/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo shir muhiim ah kula qaatay magaalada Nairobi madaxda sare ee Hay’adda UN-Habitat.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland , Mudane Farah Awad ayaa Magaaladda Nairobi kulan miro-dhal ah kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda UN-Habitat ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Nairobi.

Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Duqa Magaalada Boosaaso Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, iyo Eng. Abdifitah Abdullahi, oo ka socda injineerada wasaaradda, waxaana shirka lagu lafaguray arrimo khuseeya horumarinta magaalooyinka iyo iskaashiga labada dhinac.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray:

■ Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UN-Habitat

■ Horumarka waara ee ka socda guud ahaan Puntland

■ Kor u qaadista adeeg bixinta iyo qorsheynta magaalooyinka

■ Taageeridda mashaariicda casriyeynta Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey UN-Habitat taageerada ay si joogto ah u siiyaan Puntland, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta lagu horumarinayo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee magaalooyinka Puntland.

--‐-------------------------- DHAMMAAD---------------------------

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland's post 16/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Puntland oo booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland , oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Badhan, ayaa booqasho ugu tegay hoyga uu Magaaladda ka degan yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Booqashada Wasiirka waxaa ku wehliyey wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo qayb ka ahaa wafdiga uu hoggaaminayay. Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Suldaanka ayaa ku qotomay wadatashi, is xog waraysi iyo xoojinta wada shaqaynta Dowladda iyo dhaqanka.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

13/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Farah Awad oo Daahfuray Suuq Casri oo laga hirgeliyey Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland's post 13/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Farah Awad oo Daahfuray Suuq Casri ah oo laga hirgeliyey Magaalada Badhan

Badhan, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray suuq casri ah oo ay dhistay hay’adda Islamic Relief. Munaasabadda daahfurka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir ku xigeenadda Wasaarradaha Arihama Gudaha, Ganacsiga, mas’uuliyiin sare oo ka socday hay’adda Islamic Relief, Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan Degmada Badhan.

Suuqan cusub ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay hay’addu ka fuliso gobolka, waxaana laga filayaa inuu kor u qaado ganacsiga iyo dhaqaalaha bulshada deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay hay’adda Islamic Relief doorka ay ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Mas’uuliyiinta hay’adda Islamic Relief ayaa dhankooda sheegay in suuqan uu qayb ka yahay dadaallada hay’addu ku taageerayso bulshada si loo abuuro fursado dhaqaale oo waara.

------------------------- DHAMMAAD ------------------------

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland's post 15/10/2025

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟏𝟓 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚, 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Qaar ka mid ah Masuuliyiinta iyo Hawl Wadeennada Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland oo ay u mudnaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Abdulqadir Gaylan iyo Agaasimaha Guud Abdulkadir Sheikh Mohamoud.

Kulankaan ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray waajibaadka Guddiga ee korjoogtaynta hay’adaha Dowladda, gaar ahaan la-socodka fulinta xeerarka iyo hirgelinta qorsheyaasha Wasaaradda, si adeegyada Dowladnimo loo gaarsiiyo shacabka.

Intii uu kulanku socday, Guddigu wuxuu warbixin dhammaystiran ka dhageystay oo la xiriirta fulinta 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ee soo baxay 2020 mas’uuliyiinta Wasaaradda, iyagoona faahfaahin ka bixiyeen halka ay marayso hirgelinta xeerka, caqabadaha jira, iyo qodobada u baahan wax-ka-beddel si loo dardargeliyo dhaqan-gelintiisa.

Ugu dambayn, Guddiga iyo Mas'uuliyiinta Wasaaradda ayaa isla qaatay in la laba-jibbaaro dadaallada socda, isla markaana loo diyaar garoobo in si wadajir ah loo horumariyo nidaamka maareynta Dhulka, si loo xalliyo caqabadaha jira loona suurtogasho horumar waara.

DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

06/10/2025

Hadal jeedinta: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland oo garowe kafuray kulan talo bixin ah, kaas oo looga hadlayay qaabkii wax looga bedeli-lahaa xeerka maaraynta Dhulalka Puntland.

06/10/2025

Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa ka warbixiyay xeerka qorshaynta dhulalka Puntland

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland's post 06/10/2025

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Farah Awad ayaa maanta magaalada Garoowe ka furay kulankii talo-bixinta ee lagu gorfeeynayay dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Xeerka Maareynta Dhulka Puntland.

Kulankan muhiimka ah ayaa lagu falanqeynayaa habraacyada iyo qodobada u baahan in la cusbooneysiiyo si loo helo xeer casri ah oo waafaqsan baahiyaha maanta iyo qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland.

Waxaa sidoo kale kulanka ka soo qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Mudane Abdulqadir Gaylan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Abdulkadir Sheikh Mohamoud iyo hawlwadeennada kala duwan ee wasaaradda, kuwaas oo dhamaantood ka dhiibtay aragtiyadooda ku aaddan sidii loo hormarin lahaa nidaamka maareynta dhulka ee Puntland.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Photos from Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland's post 06/09/2025

Kalabaydh – Birtadheer

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland, Mudane Farah Awad , ayaa galabta kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birtadheer iyo Kalabaydh, kaas oo dhererkiisu dhan yahay 20 km.

Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Eng. Cabdifataax Sugulle madaxda shirkadda Kebarco, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.

Inta badan shaqada jidkaan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo si rasmi ah loo dhammaystiray 18.5 km oo laami ah.

Mashruucan waxaa fulinaya shirkadda Kebarco, waxaana lagu maalgelinayaa canshuurta shacabka Puntland.

------------------------Dhammaan----‐‐-----------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

31/08/2025

Xarig jarka wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Farah Awad iyo Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Eng Cabdifutaax Sugulle ee Waddada Kalaale.

31/08/2025

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Degmada Iskushuban Muuse Cali Muuse oo ka qayb galay Xarig jarka Waddada Kalaale oo ka tirsan Degmada Iskushuban isla markaana isku xidha Gobollada Bari iyo Raas-casayr.

24/08/2025

Suuqa Cusub ee Magaaladda Badhan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Garowe