G/Sare Fuaad Mohamuud Hussen

Website

G/Sare Fuaad Mohamuud Hussen Ku so dhowaada Page ka Talyaha Qaybta Booliska Nugaal Boolisku waa Wehelka Bulshada

24/09/2026
23/09/2026

Maanta waxaan ka qaybgalay Shirka Amniga Gobolka Nugaal oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Mudane Cabdiqadir Cismaan Samatar "FOOD-CADDE", oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenada Gobolka, Duqa Caasimadda Garowe Cabdiqadir Geddi, iyo mas'uuliyiinta amniga.

Kulanka waxaan ka bixiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga Gobolka Nugaal, kiisaskii u dambeeyay ee dhacay, sida ay ciidamadu u maareeyeen, iyo shaqada maalinlaha ah ee looga hortagayo dambiyada.Waxaan uga mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka bogaadinta iyo dhiirigelinta uu u muujiyay Ciidanka Booliska. Mar walba waxaan u taagannahay u adeegidda shacabka iyo ilaalinta nabadgelyada Nugaal.

09/09/2026

Garoowe, Nugaal: Waxaan maanta magaalada Garoowe si rasmi ah uga furay tababar ku saabsan xirfadaha Digital-ka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah, kaaso loo qabtay qaar kamid ah Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal iyo shaqaalaha Wasaaradda Amniga & DDR.

Tababarkan oo diiradda lagu saarayo sidii ciidamada iyo shaqaalaha amnigu uga faa'iidaysan lahaayeen tiknoolajiyadda casriga ah, ayaa qayb ka ah dadaalladayada ku saabsan horumarinta hufnaanta, aqoonta, iyo tayada shaqada ee hay’adaha amniga gobolka.

Waxaan adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Ciidanka Boolisku la jaanqaadaan horumarka tiknoolajiyadda casriga ah si looga jawaabo baahiyaha cusub ee dhinaca amniga.

Tababarkan waxaa hirgelinaya hay'adda UNDP, iyadoo iskaashi lala leeyahay Wasaaradda Amniga, DDR iyo Taliska Ciidanka Booliska, waxaana taageeraya Dowladda iyo shacabka Japan.

Waxaan uga mahadcelinaynaa UNDP, Wasaaradda Amniga & DDR, iyo Dowladda Japan taageerada muhiimka ah ee ay ka geysteen horumarinta aqoonta iyo tayada Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/september/2026, waxaan sharaf ii ah inaan ka qayb-galo furitaanka Kalfadhiga 36-aad ee ...
05/09/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/september/2026, waxaan sharaf ii ah inaan ka qayb-galo furitaanka Kalfadhiga 36-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Intii uu socday kalfadhigu, waxaan madasha ka jeediyey khudbad aan kaga hadlay xaaladda guud ee amniga Gobolka Nugaal iyo guulaha laga gaaray xaqiijinta nabadgelyada Caasimadda. Waxaan si gaar ah ugu mahadceliyey Duqa Degmada iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka shaqada baaxadda leh ee ay ka qabteen bilicda, horumarka iyo garab istaagga ay mar walba la garab taagan yihiin laamaha amniga.

Amnigu waa tiirka horumarka, waxaana mar kale bulshada Gobolka Nugaal ugu baaqayaa inay sii xoojiyaan wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin hay’adaha amniga, si aan u xaqiijino nabad waarta iyo horumar ballaaran.

02/09/2026

Boolisku Waa Wehelka. Bulshada

Waxaan maanta ka qayb galay shirka looga hadlayay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Puntland. Waxaan madaxda la...
01/09/2026

Waxaan maanta ka qayb galay shirka looga hadlayay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Puntland. Waxaan madaxda la wadaagay guulaha laga gaaray amniga Gobolka Nugaal iyo qorsheyaasha noogu degan xoojinta nabadgelyada xeebaha iyo magaalooyinka.

Wada-shaqaynta Booliska iyo Shacabka Gobolka Nugaal waa mid muhiim u ah guul kasta oo aan gaarno. Waad ku mahadsan tihiin sida aad mar walba noogu gacan siisaan sugidda nabadgelyada.

20/08/2026

Waxaan maanta shir-guddoomiyey kulankii toddobaadlaha ahaa ee Khamiista, kaas oo aan la qaatay Taliyayaasha Saldhigyada iyo Hogannada Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Intii uu shirku socday, waxaan si qoto dheer u qiimeynay xaaladda amniga ee gobolka toddobaadkii la soo dhaafay. Waxaan saraakiisha faray in la kordhiyo hawlgallada ka dhanka ah maandooriyaha iyo falalka liddiga ku ah nabadgelyada, si shacabka reer Nugaal ay ugu noolaadaan nabad iyo degganaan buuxda.

Boolisku waa u adeegaha shacabka, amniga ayaana noo ah muhiimadda koowaad.

Address

Taliska Qaybta Booliska Nugaal
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when G/Sare Fuaad Mohamuud Hussen posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category