08/01/2014
Dr. Sadiq Eenow oo ka Tanaasulay Musharaxnimada Doorashada Madaxtinimada Puntland Dardaarana u... Dr. Saadiq Eenow oo ahaa musharax u Tartamayay Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa Maanta shir Jaraa’id …
Dr sadiq Enow for Presidency 2014 Puntland.
Dr.Saadiq Eenow waa aqoonyahan reer Puntland ah, waxaa magaciisa la dhahaa Dr.Axmed Maxamed Axmed Shirwac, waxaase uu caan ku yahay Dr.Saadiq Eenow. Markii uu waxbarashada uu dhamasytey waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ku biirtey ciidankii milteriga, kadib markii Kacaanku bilaabey beegsiga dadkii ka soo jeedey Waqooyi Bari waxa uu isaga baxay dalka Soomaaliya, waxaana uu waxbarasho ka bilaabey dalka Ruushka, waxaana uu halkaas ku oo bartey Cilimiga dhakhtarnimada.
08/01/2014
Dr. Sadiq Eenow oo ka Tanaasulay Musharaxnimada Doorashada Madaxtinimada Puntland Dardaarana u... Dr. Saadiq Eenow oo ahaa musharax u Tartamayay Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa Maanta shir Jaraa’id …
01/01/2014
Qof walba waxaa soo mara xilliyo ifiya iyo xilliyo gudcur ah. Waxaa soo mara xilliyo qurxoon iyo xilliyo fool-xun. Waxaa soo mara xilliyo dadku ay ammaanaan shakhsiyaddiisa iyo xilliyo ay dadku eedeeyaan shakhsiyaddiisa. Xilliyadaas iska-soo hor-jeeda waxay ishaaro u yihiin guusha iyo guuldarrida lasoo derista nolosha gaar ahaaneed ee qofka. In-kasta oo marxaladuhu kala duwan yihiin, misana dadka badankiisu waxayan ogeyn in labaduba ay yihiin hanti uu qofku leeyahay. Waxtarkooduna waxay ku qiimeysan yihiin, beegga uu qofku ku jaan-gooyo ayaamaha gducurka ah iyo khaladaadkii sababey, iyo weliba sidii uu uga faa´iideysan lahaa. Waayo khaladku wuxuu dhacaa adiga oo bartanka ka jooga waddadii guusha. Halkaas ayaa marka uu qofku gaaro wuxuu la muuqaal noqdaan dad saaran saddex doonyood oo bad-weyn maraya, kuwaas oo ay dabeylo xooggan ku keceen. Markaas ayaa qolo waliba oo doon saareyd waxay qaadatey aragti. Qolo raja dhigtey oo eedeeya dabeysha kacdey (Optimists). Qolo rajo ku-nool ah oo dhowrta in bal dabeyshu joogsato (Passimists). Iyo qolo la xarbiya shiraaca si ay doonta u badbaadiyaan oo iyaguna ay u badbaadaan (Realists). Waxaa hubaal ah labada qolo ee h**e in ayan ka baxsaneyn guuldarrida ay xuduudda ka taagan yihiin. Haddaba waxaad mar-walba xasuusnaataa in howshu ayan dhamaan oo ay tahay mid weligeed soconeysa. Haddaad waaqica la xisaabtantona aad noqoneysid mid guuleysata. Mar-walbana ogow in wakhtigaagu uu yahay mid kooban oo aadan heysan wakhti kaaga dayacma is-dhiib.
Qore: Musharax Dr. Saadiq Enow
Dhallaanku markuu dhasho, sida uu nolosha ugu cusub yahay ayay isaguna ugu cusub tahay. Marxaladaha fahamkiisa midda ugu h**eysa waa garashada ahaansho naftiisa oo qura. Sidaa darteed dareenka fal-celiska ah ee uu nolosha ugu kaga jawaabayo dhamaantood waxay ku jaan-go´an yihiin xaaladaha uu la kulmayo. Dareenkaas ayaa wuxuu yahay mid ku dhisan anaaniyad 100 % ah. Haddii uu xanuunsado waa uu oynayaa oo dareen umalahan qof dhiniciisa ku xanuunsan. Hadduu gaajoodon waa uu oynayaa oo dareen umalahan qof dhiniciisa ku gaajeysan. Hadduu wax dhibsado waa uu oynayaa oo dareen umalahan qof dhiniciisa ku dhibaateysan. Waa uu korayaa oo wuxuu gaarayaa xilli uu ka gudbo fahamkaas anaaniyadda ah. Wuxuu gaarayaa marxalad dareenkiisa uu u danqado meel jirkiisa ka baxsan. Waxaa ugu h**eeya oo dareenkiisu uu gartaa waa hooyadiis. Sidaa darteed dhibaatada soo gaarta waa uu dhibsadaa. Marxaladaha koritaanka uu marayo ayaa dareenkiisuna uu la gooshayaa. Wuxuu gaarayaa xilli uu u danqado qoyska aqalka kula nool. Dabadeed wuxuu gaarayaa xilli uu u danqado saaxiibo iyo ehelo ka baxsan qoyska. Hadduusan heerkaas ku harin, wuxuu uga gudbayaa in uu u caadifooda degmadiisa iyo gobolkiisa. Hadduusan intaas ku harin, wuxuu noqonayaa qof qaran. Markaas dabadeed, dad tiradoodu yar-tahay ayaa waxay marxaladdaas uga gudbaan heer aadaminimo oo ah in danqashada qofka ay ku jaan-go´an tahay naxariista iyo u dhimrinta aadamiga. Qof bashar ah oo marxaladdaas gaarey qofkii ugu danqasho badnaa aadamiga wuxuu ahaa adeegihii Eebe ee suubanaa Maxamad ina Cabdullaahi (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee).
Musharax Dr. Saadiq Enow
Waxaa jira aragtiyaal fahamkoodu uu u saxmey aadamiga 20-kii sano ee ugu danbeeyey. Waxaa kamid ah qiimeynta labada awoodood ee kala ah awoodaha adag (Hard Powers) iyo awoodaha jilicsan (Soft Powers). Waxaa la maleyn jirey in awoodaha adag ay ka itaal iyo intifaacsi badan yihiin awoodaha jilicsan. Laakiin taasi waa ay beenowdey oo waxaa hubaal noqotey in awoodaha jilicsan ay yihiin kuwo weligood ka itaal iyo intifaacsi badnaa awoodaha adag. Tusaale-dhig waxaa ah biyaha oo matalaya awoodaha jilicsan iyo qarar-dhagaxeedka oo matalaya awoodaha adag. Labadaas awood waxaa itaal iyo intifaacsi roon biyaha. Waxaa u markhaati ah, korontada laga dhaliyo awoodda biyaha waxay ifisaa oo ka saartaa curyaannimada iyo cabsida uu gudcurku leeyahay, degmooyin waaweyn oo tobaneeye melyan oo qof ay ku nool yihiin. Waxaa kaloo awoodda korontada lagu intifaacsadaa socodsiinta wershado waaweyn oo wax soo-saar leh. Sidaas si lamid ah waxaa la maleyn jirey, wiilasha oo murqaha korkiisa ka muuqda awgood ku matalaya awoodaha adag in ay ka itaal iyo intifaacsi roon yihiin gabdhaha oo dufanka jirkooda ku badan awgeed lagu tirinayay awoodaha jilicsan. Waxaase caddaatey in wiilashu ayan si sahlan buufis ugu ridi karin gabadha. Gabdhuhuse si sahlan aya ragga ugu ridi karaan cudurro ay la curyaamaan. Bur-burkii Soomaaliya ku dhacay iyo doorka ay gabdhuhu ka qaateen badbaadadeeda, iyaduna waa daliil culus in gabdhuhu ka awood badan yihiin wiilasha. Waxaa kale oo tusaale ah, qofka maxbuuska ah ee laga doonayo in uu khabar sir ah sheego, haddii loo adeegsado awood adag (ciqaabid) iyo haddii loo adeegsado awood jilicsan (laaluush), war sax ah waxaa laga heli karaa markii loo adeegsado awood jilicsan. Dhanka siyaasadda markii la-eegoo, ciidamada dowladda iyo qalabkood oo matala awoodaha adag, iyo shacabka oo iyaguna matala awoodaha jilicsan, maluhu wuxuu ahaa in ciidanka iyo qalabkoodu uu yahay mid ka itaal roon shacabka. Laakiin kacdoomadii is-dabajoogga ahaa ee ka dhacay waddamada carabta sanadkii 2011-kii (Arab Spring), waxay muujiyeen ciidamadii xoogganaa ee ka dhisnaa waddamadaas in ay ka adkaadeen shacab fara-maran oo iyagu matalayay awoodaha jilicsan.
Musharax Dr. Sadiq Enow.
16/12/2013
Musharaxa oo shaley u anba baxay casimada Puntland ee Garowe .
16/12/2013
Soo Dhoweyn aad u Blaaran oo ka dhacay Airportka Bosaso oo lagu soo Dhaweeyey Musharax Dr. Sadiq Enow . Admin.
Daawo Video:-Soo dhoweyntii Musharax Saadiq Eenow loogu sameeyay Bosaso | puntlandi.com
Haddii ay dhallinyaradu yihiin kuwo ka badbaada-qaba aragtida cunsuriyadda ah (fir-sooc) iyo midda curyaannimada ah (saama-jiid) waxay jecleystaan in ay magac hagaagsan sameystaan, intii magac loo sameyn lahaa ama ay dhaxli lahaayeen magac fac ka h**eeyey ay ka tageen. Faca dhallinyarada ah waxaa mar-walba ku tallaalan doonis in ay dhanka wanaagsan u midab-beddelaan nolosha facii ka h**eeyey, intii ay dhex-fadhiyi lahaayeen nolol ah soo-arag ku-joog. Waxay jecel yihiin in ay fir-fircooni muujiyaan, intii ay noqon lahaayeen xan ku-yuurur iyo xin u-joog. Dhallinta caafimaadka qabta waxaa ku yar tilmaamaha guracan oo bulshada ka dila han-tiigsiga nolosha, kuwaas oo damaca khariban iyo fuleynimada ay ugu h**eeyaan. Xasuusta dhallinyaradu waa ka maran-tahay dhacdooyinkii lurka badnaa ee xilligii caruurnimada. Indhahooduna maahan kuwo qabanaya xaaladda lahanka badan ee xilliga waayeelnimada. Noloshooda waxaa u badan dareen la xiriira timaaddada, kaas oo ay uga dhex-muuqdaan nolol ku asqeysan nayaayiro iyo naallood. Maxaa yeeley waa faca ay noloshu u qosleyso ayna soo dhoweeneyso. Iyagu waxay lee-yihiin awood ay ku gaaraan har-gal nololeed iyo qurux walba oo ay jantaan. Shidaalka xooggan oo korkoodu uu sahayda u wato wuxuu sabab u yahay, in dhallinyaradu ay yihiin kuwa libta u keena bulshadooda. Aamusnaantooda waxaa ku naaxa gafanayaal aanan arxan lahayn ee bulshada gaarsiiya nabarro xanuun badan.
Musharax Dr. Sadiq Enow
Macallinka wanaagsan markuu ardeyda u sharxo dersi qara-weyn, wuxuu weydiiyaa in ay fahmeen iyo in-klale. Ardeyda aanan fahmin casharka, waxay markaas u qeybsamaan laba qeybood. Qeyb sheegata in ayan fahmin oo u baahan fasiraad dheeri ah iyo qeyb aamusta oo iyagu aanan casharkii fahmin, laakiin isu ekeysiiya in ay fahmeen. Qeybta h**e waxaa loo maleeyaa in ay caqli xun-yihiin, laakiin maahan kuwo caqli-xun ee malaha laga qaato ayaa sidaas ah. Iyagu waxay ka caqli wanaagsan yihiin kuwa aamusey. Waayo wax ka dhiman ayay doonayaan in ay helaan. Qeybta danbe ee aamustey waxay muujiyeen in ay caqli wanaagsan yihiin oo waxay isku-dareen ardeydii casharka fahamtey. Laakiin muuqaalkaas ay muujiyeen maahan mid ay wanaag ka siyaadsanayaan oo waa ay caqli xun-yihiin. Sidaa darteed ayaa inaad tiraahdid wax ma aqaan oo aad u ekaatid mid axmaq ah adiga oo dhab ahaan aanan axmaq ahayn, waxay ka wanaagsan tahay inaad tiraahdid waxbaan aqaan oo lagu moodo inaadan axmaq ahayn laakiin dhab ahaan aad tahay mid axmaq ah.
Musharax Dr. Sadiq Enow
Jaad walba oo uu yahay, is-beddelku k**a yimaado qof kale, mana uu yimaado xilli kale. Qofka is-beddelka keenaya waa adiga. Xilliga uu is-beddelku imanayona waa wakhtigaaga. Fahamka ceynkaas ah wuxuu qofkiisa u waxyoonayaa in uu garto, isaga iyo wakhtigaaguba in ay yihiin is-beddelkii oo socda. Ama u socda dhankii is-beddelka (jaho wanaagsan), si uu u dhaboobo. Ama ka socda dhankii is-beddelka (jaho khariban) si uu u dhicisoobo. Waayo is-beddel walba wuxuu ku suuragalaa iyada oo laga doono meel uusan suuragal ka ahayn, lagu doono hab aanan suuragal ahayn, lana doono iyo xilli aanan suuragal ahayn. Markaas ayaa la helayaa in is-beddelku noqdo mid suuragal ah. Ogowna dad badan oo nolosha ku saaqidey, in ayan fahmin sida ay guushu ugu dhoweyd markey is-dhiibayeen. Markaas oo ay taagnaayeen xuduuddii guusha iyo guul-darrada. Waxaad kaloo ogaataa in nolosha ayan ahayn waxyaabaha kugu dhacaya, bal ay tahay tallaabada falceliska ah ee aad ka qaaddo waxyaabaha kugu dhacaya.
Musharax Dr.Sadiq Enow
Dharbaaxada ay waalidku ku dhuftaan caruurtooda, marna waa canaan marna waa cayaar. Midda canaanta ah, si kasta oo ay u fududdahay haddii uu waalidku careysan yahay, ilmuhu waa ay la ooyaan. Midda cayaarta ahse, si kasta oo ay u xanuun badan tahay, haddii waalidku faraxsan yahay, ilmuhu waa ay la qoslaan. Maxaa yeeley, dharbaaxada canaanta ah si-kasta oo ay u fududdahay xanuunkeedu wuxuu u gudubaa nafsadda. Dharbaaxada cayaarta ahse, si-kasta oo ay u xanuun badan-tahay madhaafto jirka ilmaha. Mar-walbana dhaawaca nafsadda gaara waa uu ka culus yahay midka jirka gaara. Taas ayaa sababtay in ay dharbaaxo xanuun-badan oo cayaar ah ay la qoslaan, dharbaaxu fudud oo canaan ahna ay la ooyaan.
Musharax Dr. Sadiq Enow
Markasta oo ay ku murugo geliso tagtada iyo gadaal u-fiiradkeeda. Mar-kasta oo ay ku wal-wal geliso timaaddada iyo hor u-fekerkeeda. Waxaad raadsataa saaxiibo wanaagsan oo ku dhinac taagan. Iyaga oo keliya keliya ayaa waxay yihiin kuwa kaa baabi´in kara murugada tagtada iyo wal-walka timaaddada. Maxaa yeeley sida caadadu tahay wax walba waa in ay hagaag ku dhamaadaan. Wixii aanan hagaag ku dhamaan, weli maahan wax dhamaadey, balse waa dhiman kaaga baahan dhameystirid.
Musharax: Dr. Saadiq Enow
24/11/2013
Sudeefnimada Sabab La'aan Dhacday [Dr.Saadiq Eenow] - PUNTLAND NEWS 24 Ereyadaas quraanka ah ee aayadda 15-aad ee suuradda Al-Mulki. Waxay yihiin bayaan la-yaab badan oo …