27/05/2026
Garoowe: 27 May 2026: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta shacabka caasimadda Garoowe kula tukaday Salaadda Ciidul-Adxaa Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium.
Munaasabadda oo uu ka qeybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamuud Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa, isaga oo Alle uga baryay in uu ku gaarsiiyo ciiddaan kheyr, nabad iyo barwaaqo.
::::::::Dhammmaad::::::::
Cabdishakuur Muxyadiin Cabdulqaadir Madaxa Qaybta Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha diinta dowladdaa Puntland.
26/05/2026
: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Barkhadle Warsame ayaa guud ahaan shacabka Puntland u diray dhambaal hambalyo munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxaha.
Wasiirku waxa uu shacabka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidul Adxaha, isaga oo Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaasha wanaagsan, caafimaad, nabad iyo barwaaqona ku gaadhsiiyo ciiddan ciiddeeda. Waxa uu sidoo kale bulshada ku boorriyey inay xoojiyaan midnimada, iskaashiga iyo isu naxariisashada maalmaha barakaysan ee Ciidul Adxaha.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Barkhadle Warsame waxa uu shacabka ku dhiirrigeliyey inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka iyo qiyamka suubban ee diinta Islaamka.
ALLA MAHAD LEH.
::::::DHAMMAAD::::::
Cabdishakuur Muxyadiin Cabdulqaadir Madaxa Qaybta Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha diinta dowladdaa Puntland.
19/05/2026
TACSI
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Bootaan, Wasiir ku-xigeenkii h**e ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, oo maanta ku geeriyooday magaalada Boosaaso.
Marxuumku wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii mudada dheer u soo adeegay bulshada iyo dowladnimada Puntland, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta caddaaladda iyo adeegga bulshada.
Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa Marxuum Yuusuf Bootaan inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu ka baxay.
18/05/2026
: Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha diinta dowladda Puntland Drs Maryan Maxamed Abshir ayaa xalay ka qayb gashay Xuska Toddobaadka Wacyigelinta Caafimaadka Dhimirka (Mental Health Awareness Week 2026), munaasabad oo soo qabanqaabisay PrimeSom Counselling Services.
Toddobaadkan wacyigelinta ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda caafimaadka maskaxda, kor u qaadista fahamka bulshada, iyo dhiirrigelinta is taageeridda bulshada si loo helo nolol caafimaad qabta.
18/05/2026
Garowe, 18May 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda, Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland, Ahmed Mohamoud Ahmed oo uu wehelinayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryam Osman Ahmed (Fangase), ayaa daawooyin loogu talagalay maxaabiista ku wareejiyay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Daawooyinka ayaa waxaa guddoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Gen. Saxardiid Maxamed Axmed, oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen daawooyinkan maanta la soo gaarsiiyay, isla markaana ay h**ey u codsadeen.
Daawooyinkan oo loogu talagalay dhammaan xabsiyada Dowladda Puntland ayaa marxaladdan h**e loo gaarsiiyay xabsiyada gobollada Nugaal iyo Bari.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA Caddaaladda iyo Arrimaha diinta.
17/05/2026
: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland, mudane Cabdirashiid Barkhadle Warsame, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta mudane Axmed Maxamuud Axmed (Qaxiye), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Gen. Saxar-diid Maxamed Axmed (Colow), iyo saraakiil kale, ayaa maanta tababar u soo xiray cutub ka tirsan Ciidamada Asluubta Puntland.
Cutubkan oo si gaar ah loo carbiyay ayaa loogu talagalay fulinta howlgalada gaarka ah ee la xiriira sugidda amniga iyo maamulka xabsiyada ku yaalla deegaanada Puntland.
Masuuliyiinta ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay si hufan oo xirfad leh uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay tayeynta ciidamada iyo kor u qaadista amniga xabsiyada Puntland.
::::::DHAMMAAD::::::
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CADDAALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA DOWLADDA PUNTLAMD.
14/05/2026
GAROOWE OO LAGU SOO GABAGABEEYAY TABABARKA GARSOORAASHA IYO XEER ILAALINTA MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA EE DoWLADDA PUNTLAND
Garoowe — 14 May 2026 — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe loogu soo gabagabeeyay tababar muddo laba toddobaad ah u socday bahda Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, xubno ka socday Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Guddiga Cadaalada iyo Shuruucda Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta, xirfadaha, iyo hufnaanta bahda Garsoorka Ciidamada qalabka sida, si loo xoojiyo nidaamka caddaaladda iyo sareynta sharciga.
Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta iyo tababarada joogtada ah ee lagu horumarinayo hay’adaha Garsoorka, si loo helo hannaan caddaaladeed oo hufan, daahfuran, isla markaana si daacad ah u adeega bulshada.
:::::::DHAMMAAD:::::::::::
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CADDAALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA DOWLADDA PUNTLAND.
14/05/2026
: Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Puntland, ayaa wacyigelin diimeed u qabatay maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Garoowe.
Ujeeddada wacyigalintaas ayaa kusaabsanayd kor u qaadida dhiirrigelinta wacyiga diimeed ee maxaabiista iyo sidii ay waqtiga uga faa’iideysan lahaayeen, uguna bixin lahaayeen waxbarasho, cibaado, iyo arrimo anfaca noloshooda.
Masuuliyiintii kulankaa ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caddaallada iyo Arrimaha diinta mudane Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane C/qaadir Cali Warsame iyo qaar ka mid ah Culimada waawayn ee puntland oo uu hogaaminayoh Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf.
Wasaaraddu waxay balanqaaday inay dardar galinayso wacyigalinta iyo waxbarashada maxaabiista oo ay uga bilaabi doonto dhamaan xabsiyada puntland si joogto ah.