Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland

Share

This is the official page for the Puntland Ministry of Livestock and Animal Husbandry.

Photos from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland's post 25/05/2026

Buraan: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Siciid J. Cali Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha DPL, Siciid Maxamed Warsame, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi, iyo Xiriiriyaha Mashruuca FSRP Maxamed Cismaan ayaa ka qayb galay kulan ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada Buraan.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa maamulka degmada oo ay kamid ahaayeen Duqa Degmada Buraan Jama Axmed Cabdi, ku-xigeenkiisa Naciimo Cali, Taliyaha Saldhigga, qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo odayaasha degmada.

Mas’uuliyiintu waxay dhegaysteen baahiyaha ay qabaan shacabka magaalada, iyagoo ka wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, xannaanada xoolaha, beeraha, iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa mashaariicda Bangiga Adduunka ee laga fulinayo degaanka.

Ugu dambayn, wafdiga ayaa uga mahadceliyey shacabka degmada sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen iyo marti-soorka wanaagsan ee ay muujiyeen.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

24/05/2026

Dhagax dhiga xarunta Caafimaadka Xoolaha ee degmada Buraan (Veterinary Clinic).

Photos from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland's post 24/05/2026

Degmada Buraan, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha Puntland, Mudane Siciid Maxamed Warsame, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, iyo Maxamed Cismaan Shire oo ah Isuduwaha Mashruuca FSRP ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Caafimaadka Xoolaha ee degmada Buraan (Veterinary Clinic).

Xaruntan ayaa ka koobnaan doonta qaybta maamulka degmada ee Wasaaradda iyo qaybta bixinta adeegyada caafimaadka xoolaha.

Dhismaha xaruntan waxaa looga golleeyahay in la daadajiyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada, gaar ahaan xoola-dhaqatada, si loogu soo dhaweeyo adeegyada caafimaadka xoolaha kaas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha ee dalka.

Qorshahan ayaa sidoo kale ka tarjumaya balanqaadka Dowladda Puntland ee ku aaddan baahinta adeegyada dowladda iyo gaarsiintooda dhammaan deegaannada Puntland.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Photos from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland's post 23/05/2026

Bosaso: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada xoolaha DPL Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa kormeer iyo u kuurgalid Shaqo ah ku tagay maxjarada magaalada Bosaaso.

Agasimaha guud waxaa kormeerka ku wehelinayay Isuduwaha Wasaarada ee gobalka Bari Dr Cabdiraxmaan Dhegacade,Xiriiriyaha Maxjarada magaalada Axmed Nuur Huruuse iyo Masuuliyiin kale.

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Ayaa warbixin ka dhagaystay hawlwadeenada,Mamulka iyo shaqaalah Maxjarada kaas uu ugu kuurgalayay habsami usocodka shaqada Socota.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Photos from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland's post 22/05/2026

Bosaso: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Xassan Maxamed Ciise Goodir, iyo wafti uu hoggaaminayo oo soo gaaray magaalada Boosaaso, ayaa kormeer shaqo ku tegay Seyladda Xoolaha Boosaaso iyo Xarunta Qawrac.

Kormeerka Agaasimaha waxaa ku wehelinayey Isuduwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Gobolka Bari, Dr. Cabdiraxmaan Dhegacadde, Agaasimaha Waaxda Dakhliga Dowladda Hoose ee Boosaaso, iyo xubno ka tirsan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kormeerka Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL ayaa salka ku haya dardargelinta hanaanka shaqo ee wasaaradda iyo xoojinta xiriirka xarunta dhexe iyo xafiisyada gobollada.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Photos from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland's post 20/05/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA DOWLADDA MARAYKANKA

GAROOWE – 20 MAY 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Maraykanka, kaasi oo uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis. Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan howlgalka AFRICOM, oo uu kamid yahay Col. Shane Jones, Taliyaha Howlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga amni iyo guulaha Dowladda Puntland ka gaartay la dagaallanka argagixisada Daacish, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa kamid ahaa masuuliyiintii Dowladda ee ka qayb galay kulanka la yeeshay wafdiga Dowladda Maraykanka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Calmiskaad iyo horumarka dhinacyada nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha. Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Puntland, gaar ahaan adkeynta amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

19/05/2026

Bayra, Mudug: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Saciid J. Cali Qoorsheel ayaa xarigga ka jaray Xarunta Caanaha iyo Calafka Xoolaha ee deegaanka Bayra, taas oo lagu hirgeliyey iskaashi dhexmaray Wasaaradda iyo Hay’adda KAALO. Xaruntan ayaa door weyn ka qaadan doonta horumarinta wax-soo-saarka caanaha, kaydinta calafka iyo taageeridda bulshada xoolo-dhaqatada ah ee gobolka Mudug.

Photos from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland's post 19/05/2026

Bayra, Mudug: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Saciid J. Cali Qoorsheel ayaa xarigga uga jaray Xarunta Caanaha iyo Calafka Xoolaha ee Deegaanka Bayra oo hoostaga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhismaha xaruntan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hay’adda KAALO, iyada oo qayb ka ah Mashruuca BRCiS ee laga fuliyey gobolka Mudug. Xaruntan ayaa loo dhamaystiray dhismaheeda iyo qalabkeedaba, waxaana loogu talagalay horumarinta wax-soo-saarka caanaha iyo keydinta calafka xoolaha si loo taageero bulshada xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka. Sidoo kale, maamulka xarunta waxaa gacanta ku haya iskaashatooyin ay diiwaangelisay Wasaaraddu, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona joogtaynta adeegyada xarunta.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa sidoo kale ka qayb galay Isuduwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolka Mudug iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda KAALO, kuwaas oo bogaadiyey hirgelinta xaruntan iyo muhiimadda ay u leedahay bulshada deegaanka.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

19/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Saciid J. Cali Qoorsheel ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Caanaha iyo Calafka Xoolaha ee deegaanka Gobsho ee gobolka Mudug, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo Hay’adda KAALO kana mid ah Mashruuca BRCiS. Munaasabadda waxaa ka qayb galay Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Mudug iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda KAALO.

-----
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

https://x.com/MOLAHR_PL, https://www.flickr.com/photos/204582799@N08/, https://www.youtube.com/

Address

Adjacent To Villa Puntland
Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00