Warbixin Kooban
Waxaa habeenkii xalay si rasmi ah uga furmay garoonka Cheif ee magaalada Garowe tartanka Koobka Dhalinyarada Xisbiga Himilo, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada xisbiga.
Tartankan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta midnimada, wadajirka iyo is-dhexgalka dhalinyarada ku bahoobay xisbiga Himilo, iyadoo sidoo kale loo marayo ciyaaraha lagu dhiirrigelinayo isbarasho, is-ixtiraam iyo wada shaqayn dhex marta dhalinyarada.
Furitaanka koobkan waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga, taageerayaal iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo mideynta dhalinyarada xisbiga.
Ugu dambayn, tartankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid kor u qaada iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee dhalinyarada, isla markaana abuuraya jawi ay ku wada shaqeeyaan oo ku dhisan midnimo iyo himilo wadajir ah.
Himilo Party Psu H.P.P
HALKANI WAA DEGALKA RASMIGA AH EE FACEBOOK EE XISBIGA HIMILO PARTY-PSU
(H.P.P.)
Arabaco 25/2/2026
hadaljeedinta musharaxa ururka ardayda jamacada PSU
Mohad Gacir Ahmed
Himilo part PSU .
Hpp.
Vote for Gacir ✅.
24/02/2026
bismilaah
marka kowaad Ramadan Kareem dhamaaan bahweynta xisbiga Himilo
marka labaad allaah baa mahadleh naguwada kulmiyey Hal xisbi , Hal aragti iyo Hal fikirba oo aan dhamanten kawada shaqeyneyna si aan fikirka iyo aragtida aan isku uraacnay ugu dhabeyn laheyn
marka saddexad si aad lawada socotaan halganki himiladi aan usoo dadaalayn usoo dhafrayn waxaa inaga ka xiga waa Hal maalin marka dhaman teen waxaa inala gudboon in qof walba booskisa iyo cuduudisa uu kasoo muuqo oo usan waxba laharin Inta Karan kiisa
qof walba waxa saran waajibad ay ka bilabanayso naftiisa ,glasskisa iyo kuliyadiisaba si uu maalinka doorashada ukeeno jamacada una codeyaan
Guul insha allaah dhamanten
17/02/2026
Hogaan xaq ah iyo Himilo guul leh ✊✅
Mudane ama Marwo codkaaga noogu deeq malinka doorashada
vote for Gacir ✅
Daahfurka xarunta dhexe ee xisbiga Himilo {Hpp }💚🤍
Dhalinyaro Midaysan Iyo Aragti Fog
04/01/2026
Himilo Party of PSU
Mahad Gacir waa musharrax dhalinyaro ah oo leh aragti fog, hoggaan masuul ah, iyo himilo dhab ah.
Wuxuu aaminsan yahay in ardayga PSU uu u qalmo hoggaan daahfuran, fursado siman, iyo matalaad dhab ah
💥 Haddii aad rabto codkaaga in la maqlo
💥 Haddii aad rabto hoggaan kuu shaqeeya
💥 Haddii aad rabto mustaqbal ka wanaagsan PSU
👉 HIILKAAGA GEE HIMILO, NALA DOORO MUDANE MAHAD GACIR
💙 HIMILO PARTY OF PSU
📢 Mahad Gacir – Codka Ardayga, Awoodda Isbeddelka
Tariikh :10/12/2025
Musharax madaxweyne Mahad Gacir Ahmed iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay mac-hadka oo ah college ay wax ka bartaan boqolaal arday oo kala duwan.
Intii ay socotay booqashadu waxa uu kulamo is xog waraysi ah la qaatay maamulka, macalimiinta iyo qaybaha kala duwan ee ardayda.
Musharax madaxweyne Mahad gacir Ahmed isaga oo ka duulaya tayaynta iyo dhiirigalinta da'yarta waxaa uu maamulka college ka ku wareejiyay buugaag iyo qalimaan ay ardaydu wax ku bartaan
"Bulsho isku duuban waxay ka adkaan kartaa caqabad kasta"
Ugu dambeyn maamulka college ka ayaa musharax mahad gaacir uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirigalinta ardayda wax ka barata college ka isaga oo balan qaaday in ay si joogto ah usoo booqan doonaan qaybna uga noqon doonaan hayaanka waxbarsho ee da'yarta college ka.
Dhammaad
HPP
HPPMEDIA
THE GIRLS OF HIMILO PARTY PSU 💪
"HOGAAN XAQ AH IYO HIMILO GUUL LEH"
06/12/2025
Sabti, 06/12/2025.
Ujeeddo: Shaacin.
Xisbiga Himilo waxa uu halkaan ku Shaacinayaa Musharaxa rasmiga ah ee xisbiga Himilo Party PSU
Mudane Mahad Gacir Ahmed.
Dhamaan bahweynte Xisbiga Himilo waxa ay Bogaadinayaan soona dhaweynayaa Mahad Gacir Ahmed kana mid ah xubnaha xisbiga himilo ee jamacadda PSU.
"Hogaan Xaq Ah, Himilo Guul Leh"
,MEDIA
Dhammaad.
23/07/2025
Hambalyo
Xoghayaha cusub ee Xisbiga Himilo Cabdullaahi Jaamac Dhagahoor.
Dhammaad.
Click here to claim your Sponsored Listing.
