02/06/2026
XUSKA MAALINTA DEEGAANKA ADDUUNKA – WORLD ENVIRONMENT DAY 2026
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland waxay bulshada Puntland ku wargelinaysaa xuska Maalinta Deegaanka Adduunka (World Environment Day) oo la qaban doono 06 June 2026 xarunta Wasaaradda.
Munaasabaddan oo si sanadle ah loo xuso ayaa sanadkan diiradda lagu saaraya hal-ku-dhigga: “Deegaan Dhowrsoon, Cimilo Hagaagsan iyo Mustaqbal Cagaaran.”
Xuskan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee kor loogu qaadayo wacyigelinta bulshada, ilaalinta deegaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhiirrigelinta mustaqbal cagaaran oo waxtar leh.
Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan bulshada, hay’adaha iyo daneeyayaasha deegaanka inay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta deegaanka iyo xoojinta adkaysiga isbeddelka cimilada.
📍 Goobta: Xarunta Wasaaradda
📅 Taariikhda: 06 June 2026
02/06/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland oo Shir Guddoomiyey Shir Looga Hadlayay Dardar-gelinta Shaqada Wasaaradda
Garowe: 02 June 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dawladda Puntland Mudane Mohamed Said Salah oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mukhtar Axmed Mohamed iyo Agaasimaha Guud Mudane Shaafici Maxamud Ismacil ayaa maanta shir la qaatay Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda.
Shirkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgalidda hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo dardar-gelinta hirgelinta qorshe-sannadeedka, iyadoo diiradda lagu saaray shaqooyinka mudnaanta leh, waxqabadkii la qabtay toddobaadkii la soo dhaafay, iyo qorshayaasha horyaalla Wasaaradda.
Intii uu shirku socday, Agaasime Waaxeedyadu waxay soo bandhigeen warbixino la xiriira waxqabadka waaxyahooda, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka la qorsheeyey ee lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo la tacaalidda saamaynta isbeddelka cimilada.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaallada shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda, isagoo ku adkeeyey in la sii labanlaabo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Wasaaradda, laguna xaqiijinayo hirgelinta qorshayaasha mudnaanta u leh ilaalinta deegaanka iyo horumarinta nolol waarta.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
24/05/2026
Garowe: 24 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Maxamed Siciid salad iyo Wasiiru-dawlaha Mukhtar Axmed Maxamed ayaa xafiiska ku qaabilay Diblomaasiyiin Qunsuliyadda Guud ee Dowladda Ethiopia u qaabilsan Puntland, oo uu hoggaaminayey Mudane Yidnekachew Takle oo ah Ku-xigeenka Qunsulka Guud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan dadaallada wadajirka ah ee ku aaddan ilaalinta deegaanka, la-tacaalidda saamaynta isbeddelka cimilada, iyo hirgelinta barnaamijyada cagaarinta.
Wasiirka Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey wafdiga Dowladda Ethiopia wada-shaqaynta dhow ee kala dhexaysa Wasaaradda iyo taageerada ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo aragtida Afrika Cagaaran, si loo yareeyo saamaynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada.
Dhanka kale, masuuliyiinta ayaa kawada hadlay dhamaystirka iyo horumarinta Mashruuca “Dhaxalka Cagaaran” (Green Legacy Initiative), oo Dowladda Ethiopia kala shaqaynayso Puntland, si loo xoojiyo ololaha cagaarinta deegaanka loona xaqiijiyo himilada Wasaaradda ee beerista hal milyan oo geed inta lagu jiro sannadka 2026.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
24/05/2026
Garoowe: 24 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday oo ay wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Maxamed Siciid Salax Wasiiru Dowlaha Mukhtar Axmed Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaafici Maxamud Ismacil ayaa shir aan caadi ahayn la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo lataliyayaasha Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray waxqabadkii la hirgeliyey asbuuci la soo dhaafay, casharradii laga bartay iyo jihada cusub ee lagu xoojinayo howlaha Wasaaradda.
Shirka waxaa agaasime kaste lagu la xisaabtamay waajibaadka shaqo ee waaxyaha kala duwan, iyadoo Agaasime kasta si gaar ah looga dhageystay warbixin la xiriirta howlaha uu masuulka ka yahay, guulaha la gaaray iyo caqabadaha. Waxa kale oo si qoto dheer looga dooday hababka wax-ku-oolka ah ee lagu fulin karo qorshayaasha mudnaanta leh iyo tallaabooyinka la xiriira shaqooyin farsamo.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay qorshaha ballan-qaadki todobaadka dhiraynta Puntland ee beerista iyo kobcinta 1,000,000 (hal milyan) oo geed, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, dib-u-soo-noolaynta dhulka xaalufay iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa Agaasimayaasha Wasaaradda ku boorriyey inay labanlaabaan dadaalkooda shaqo, si buuxdana uga soo baxaan mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, isaga oo xoojiyay muhiimadda ay leedahay in shaqada Wasaaraddu ku dhisnaato hufnaan, wada-shaqayn iyo adeeg bulsho oo horseeda kalsooni ay bulshada ku qabto.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
23/05/2026
Burtinle: 23 May 2026: Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Kala-duwanaanshaha Noolaha (International Day for Bio-Diversity), taas oo sanad walba loo asteeyay 22-ka May.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ololaha wacyigelinta bulshada ee lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, duurjoogta iyo kala duwanaanshaha noolaha. hal-ku-dhegga caalamiga ah ee sanadkan ayaa ahaa: “Qaadidda tallaabooyin maxalli ah si loo gaaro saameyn caalami ah” (Acting Locally for Global Impact).
Wasaaradda deegaanka waxaa ku weheliyay ololahan wasaarada arrimaha guddaha.
Iyadoo wasaradda deegaanku kala qaybgashay kalfadhiga 35-aad, fadhigiisa 5-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Burtinle, halkaas oo ay wasaaradu ku soo bandhigtay soo jeedinno muhiim ah oo la xiriira ilaalinta deegaanka iyo kala duwanaanshaha noolaha, si loo xoojiyo wada shaqaynta bulshada iyo hay’adaha dawladda.
Xuskan muhiimka ah waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Shaafici Maxamuud Ismaaciil iyo Agaasimaha Waaxda Kala Duwanaanshaha Noolaha Nastexo Muuse.
Agaasime Nastexo ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo noocyada noolaha ee Puntland.
Sanad walba, xuskan waxaa loo asteeyay in lagu soo babdhigo qorshayaal iyo tallaabooyin waxtar leh oo lagu xaqiijinayo hagaajinta deegaanka iyo ilaalintiisa.
Agaasimaha Guud Mudane Shaafici Maxamud Ismaciil ayaa kulamo muhiim ah la qaatay guddiga ilaalinta deegaanka ee degmada Burtinle oo qayb ka ahaa munaasabadda, isagoo kala hadlay xoojinta dadaallada deegaanka iyo ka qaybgalka bulshada ee ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Weyn ee magaalada Burtinle, halkaas oo ay gaarsiiyeen dhir kala duwan oo loogu talagalay cagaarinta iyo kor u qaadista bilicda isbitaalka. Agaasimaha isbitaalka ayaa si diirran u soo dhaweeyay wasaaradda, isaga oo bogaadiyay doorka Wasaaraddu ka qaadanayso ilaalinta deegaanka iyo cagaarinta goobaha adeegyada bulshada.
Munaasabada waxaa ka qaybgalay Agaasimaha waaxda dowladaha hoose wasaarada arrimaha Gudaha, guddoomiye kuxigeenka G.Nugaal, Guddoomiyaha Burtinle, Xildhibaanada Golaha deegaanka, Iyo qaybaha Kala duwan ee bulshada
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta Iyo xiriirka dadweynaha
21/05/2026
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo isbeddelka cimilada waxay qabanaysa Olalaha wacyigelinta bulshada si loogu xoojiyo ilaalinta deegaanka, duurjoogta iyo xuska maalinta caalimiga ah ee kala duwanaanshaha noolaha 2026
Sanad walba xuskaa waxaa bud-dhig iyo bar bilow looga dhigaa astaynta iyo qaadashada qorshe balaadhan oo lagu xaqiijiniyo saamayn caalamiya. Sanadkan, hal-ku-dhegga maalintan waa: “Qaadidda tallaabooyin maxalli ah si loo gaaro saameyn caalami ah.” (Acting locally for global impact)
Hal-ku-dhiggan wuxuu xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in qof kasta, bulsho kasta iyo hay’add kasta ay door muuqda ka qaataan ilaalinta deegaanka, duurjoogta iyo kala duwananshaha noolaha maadaama tallaabo kasta oo maanta la qaado ay qayb ka tahay fullinta yoolasha caalamiga ah ee lagu yaraynayo lumitaanka noolaha iyo dib u soo celintooda.
Muhiimada astaysan ee xuska sanadkan waa korinta hiraalka iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aadan ilaalinta duurjoogta, kor u qaadista iyo horumarinta kala duwanaanshaha noolaha.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
20/05/2026
Garoowe: 20 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Maxamed Siciid Saalax Wasiiru dawlaha Mukhtar Axmed Maxamed iyo Agaasimaha Guud Shaafici Maxamud Ismacil ayaa maanta xafiiska ku qaabilay madaxda Mashruuca “Activating Climate-Resilient Agricultural Livelihoods in Somalia (ACALS)” oo ka kala socday Hay’adda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay WFP iyo Hay’adda UNOPS.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada la xiriira la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada iyo horumarinta adkeysiga bulshada.
Mas’uuliyiinta mashruuca ACALS ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaasha iyo howlaha mashruucu ka fulin doono deegaanada Puntland, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatooyinka soo noqnoqda ee abaaraha, daadadka iyo saameynta kale ee ka dhalata isbeddelka cimilada.
Wasiirka ayaa dhankiisa bogaadiyay taageerada iyo dadaallada ay wadaan WFP iyo UNOPS, isagoo xoojiyay muhiimadda mashruucani u leeyahay horumarinta nolosha bulshada iyo ilaalinta deegaanka, gaar ahaan xilligan ay sii kordhayaan caqabadaha la xiriira isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka dadweynaha
19/05/2026
Garoowe:19 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka Mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda Puntland (ACALS)
Mashruucan ayaa ah mid muhiim u ah horumarinta iyo tayeynta wax-soo-saarka beeraha Puntland, isagoo door weyn ka qaadanaya xoojinta hanaqaadka beeraha Puntland, kobcinta dhaqaalaha bulshada, iyo taageeridda bulshada ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada.
ACALS wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta maaraynta biyaha iyo dhulka, taageeridda adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee beeraha, kobcinta suuqyada wax-soo-saarka, iyo dhisidda bulshooyin leh adkaysi iyo awood ay kula tacaalaan caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Mashruucan ayaa sidoo kale si dhow ula jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Dowladda Puntland 2026–2030, kaas oo mudnaanta siinaya xoojinta dhaqaalaha, xoojinta hanaqaadka beeraha Puntland, kordhinta wax-soo-saarka, ilaalinta deegaanka iyo kobcinta iskaashiyada horumarineed si loo gaaro horumar loo dhan yahay.
Wasiirka oo kelmad ka jeediyay daahfurka ayaa xusay “in isbeddelka cimiladu uu si weyn u saameeyay Puntland, gaar ahaan beeraha iyo nolol-maalmeedka bulshada, iyadoo abaaraha soo noqnoqda, yaraanta biyaha iyo isbedbedelka roobabku ay sameeyeen wax-soo-saarka iyo xoojinta hanaqaadka beeraha Puntland. Wasiirku wuxuu adkeeyay in ACALS uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maareynta biyaha iyo dhulka, lagu taageerayo farsamooyinka casriga ah ee beeraha, isla markaana lagu dhisayo bulshooyin adkaysi u leh saameynta isbeddelka cimilada si loo gaaro horumar waara iyo isku filnaansho wax-soo-saar”.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, oo ay kamid yihiin World Food Programme (WFP) iyo United Nations Office for Project Services (UNOPS), sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay wasaaradaha bahwadaagta ah, iyadoo munaasabadda ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
16/05/2026
Garoowe: 16 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mukhtar Axmed Maxamed iyo Agaasimaha Guud Shaafici Maxamud Ismacil ayaa maanta qabtay kulan soo jeedin aqooneed iyo cilmi-baadhis ku saabsan biyaha, macdanta iyo arrimaha deegaanka oo uu soo jeediyay khabiir Cismaan Salaad oo ah PhD holder kuna takhasusay biyaha, macdanta iyo arrimaha deegaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda maaraynta khayraadka dabiiciga ah, ilaalinta deegaanka horumarinta biyaha iyo ka faa’iidaysiga macdanta si waafaqsan ilaalinta deegaanka iyo horumarka. Khabiirka ayaa Wasaaradda la wadaagay aragtiyo iyo talooyin farsamo oo la xiriira caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee dhinacyadaasi.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa talooyin iyo fikrado wax ku ool ah ku biirisay soo jeedinta, iyadoo la isla qaatay muhiimadda xoojinta wada-shaqaynta, cilmi-baarista iyo qorsheynta lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta deegaanka Puntland.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
12/05/2026
Garoowe: 12 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mukhtar Axmed Maxamed iyo Agaasimaha Guud Shaafici Maxamud Ismacil ayaa maanta furay Shirka Guddiga Farsamada Heer Puntland ee Mashruuca UGBAAD.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee bah-wadaagta ku ah mashruuca, korjoogteynta howlaha socda, dardargelinta horumarka mashruuca, iyo hubinta in guddiga farsamada uu yeesho shirar joogto ah oo lagu qiimeeyo waxqabadka iyo caqabadaha jira.
Wasiirka ayaa dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in guddigu yeesho wada-shaqeyn iyo isku xirka hay’adaha ay quseyso si loo xaqiijiyo hirgelinta yoolalka mashruuca UGBAAD, isagoo xusay in mashruucu door muhiim ah ka qaadanayo horumarinta deegaanka iyo adkeynta iskaashiga hay’adaha dowladda, bulshada iyo bah-wadaagta kale.
Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Qorsheynta, hay’adda IMC, Jaamacadaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.
-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha