29/03/2014
Midnimada iyo wadajirka waa shay qaali ah hormar walba waxaa lagu gaara dadku hadu isku duuban-yahay
Puntland presidential election
29/03/2014
Midnimada iyo wadajirka waa shay qaali ah hormar walba waxaa lagu gaara dadku hadu isku duuban-yahay
17/03/2014
Allah ha unaxaristo col jaamac afguduud talyihi ciidanka daraawishta aaga galgala dhawacana Allah ha u boogadhayo.
14/02/2014
Heshiiskii Somaliland iyo Puntland Waagacusub Tv http://waagacusub.com - Waxaa la helay Video muujinaya halka uu ka biloowday heshiiska SNM iyo SSDF oo maamul ahaan ku abtirsada Puntland iyo Somaliland
26/11/2013
11/11/2013
XAFLAD AAD U BAALARAN AYAA WAXAY DHACDAY MAGALDA GALKACYO XAFLADAAS AYAA MAANTA WAXAA MUSHARAXNIMA XAFLAD AAD U BAALARAN AYAA WAXAY DHACDAY MAGALDA GALKACYO XAFLADAAS AYAA MAANTA WAXAA MUSHARAXNIMADIISA UGA DHAWAQAY MUSHARAX GENERAL C/LAAHI CALI MIRE CARAY...
10/11/2013
khudbadi dhagaysi
Dhagayso Khudbadii Musharax Madaxweyne Gen Cabdulaahi Cali Mire Caraysa | Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo Musharaxnimadiisa uga dhawaaqay Gen Cabdulaahi cali Mire Carays oo kamid ah Saraakiisha Puntland magaca ku dhex leh.
10/11/2013
10/11/2013
Horudhac
Sida aynu wada ognahay, Maamulka Puntland waxaa la aasaasay 1998 waxaanan ka mid ahaa dadkii aasaasay danta laga lahaana waxay ahayd in Dadka Gobolladaas ku bohoobay ay kaga badbaadaan burburka ka jiray Dalka Soomaaliya ayna noqoto unugga laga aasaasayo Dowlad Federaal ah oo ay Soomaaliya yeelato, Allaah mahaddiis arrintaas dhacday, Dowladda Puntland waxay noqotay Hooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland 15 sano ee lasoo dhaafay wax badan baa u qabsoomay laakiin halkii la rabay wali ma gaarin, waxaanan ka xumahay in wali Puntland ay ku jirto habkii qabiilka ee la rabay in laga boxo 2001 Waana nasiib darro.
Puntland maanta waxay jirsatay 15 sano, waxayna u baahan tahay cid ka saarta nidaamka beelaha ee daashaday una gudbisa Nidaamka Axzaabta badan.
Yaa Puntland hogaamin kara?
Puntland Waxaa hogaamin kara Hogaamiye xog ogaal u ah Puntland iyo xaaladaha kala duwan ee ay soo martay, fahmina kara xaaladaha ay soo martay iyo kuwa kusoo wajahan.
Puntland waxay u baahan tahay Hogaamiye leh Sifaadkaan:
Hogaamiye caaddil ah oo dadka Reer Puntland u siman yihiin laguna aqoon eex iyo nin jeclaysi
Hogaamiye aamin ah oo aan lagu aqoon khiyaano iyo xatooyo hanti dadwayne
Hogaamiye Khibrad iyo aqoon durugsan u leh maamul Dowladeed
Hogaamiye isu soo jiidi kara Bulshada Reer Puntland ee kala tagga qarka u saaran
Hogaamiye leh Khibrad amni iyo Nabadayn horayna uga soo shaqeeyey arrimaha Nabadaynta iyo Amniga.
Hogaamiye Sumcad wanaagsan ku dhex leh Bulshda reer Puntland
Hogaamiye aaminsan jiritaanka Soomaali wayn raadiyana Midnimada Soomaaliyeed
Maxaa igu dhaliyey?
Waxaa igu kallifay inaan isu taago tartanka Madaxtinimada Puntlad sababahaan:
Markaan arkay kala daadsanaanta Bulshada Puntland oo qaybo kamid ah ay samaysteen maamullo ka madax bannaan Puntland arrintaas oo khatar galinaysa Jiritaanka Dowladda Puntland.
Markaan arkay halka uu marayo amniga Puntland ee hal doorkoodii la laayay intii hartayna waddanka ka carareen, arrintaas oo sababtay in ganacsigii Puntland u wareego deegaano kale oo dal iyo dibadba leh.
Markaan arkay Puntland oo qaan gaartay walina aan gaarin in bulshadu codkooda u dhiibato cidday rabaanna dooran Karin (One Man One Vote) taas oo dib dhac ku keentay horumar siyaasadeed oo dalku gaaro
Markaan qiimeeyey aqoonta iyo khibradda aan u leeyahay Hogaaminta iyo sida aan ugu anfici karo Bulshada Puntland
Markaan arkay aqoonta iyo khibraddayda la xiriirta arrimaha amniga qaybihiisa kala duwan oo ay bulshada Puntland aad ugu baahan yihiin.
Markaan qiimayn ku sameeyey sida aan isugu soo celin karo puntland oo midnimadeedu gabi ka laallaaddo.
Waxaan goostay inaan aqoontayda iyo khibraddayda uga faa’iideeyo bulshada reer Puntland waxaanan goostay inaan isu taago tartanka Madaxtinimada Puntland ee 2014 oo aan rajaynayo inaan si fiican ugu guulaysan doono.
Maxaan qabanayaa?
Haddaba, haddii la idoorto waxaan xoogga saari doonaa qodobadan:
Isu keenidda Bulshada Puntland
Wax ka qabashada ammaanka Puntland oo fure u ah in horumar la gaaro anoo dib usoo celin doona awooddii ciidan ee ay Puntland ku faani jirtay.
Soo celinta Karaamadii dhaqanka Puntland lahaan jiray iyo Doorkoodii hogaamineed ee ay ku lahaayeen Puntland.
Hirgalin Nidaamka Xizbiyada badan oo dadku ay ku dooran karaan cidda ay danaynayaan taas oo noqon doonta furaha horumarka siyaasadda Puntland
Inaan Maamulka ku baahiyo deegaanada aan laamiga ahayn oo lagu eedeeyo in wali Puntland wali aysan gaarin
Waxaan kala saari doonaa hay’adaha dowladda ee kala ah Sharci dejinta, Garsoorka iyo Fulinta oo inta badan la sheego inaysan kala soocnayn.
Wax ka qabashada Kaabayaasha dhaqaalaha puntland sida Waddooyinka, Dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Puntland oo dhammaantood u baahan wax kaqabasho degdeg ah.
Baaq
Si ay u dhacdo Doorasho xor ah oo xalaal ah waxaa lagama maarmaan ah in la helo arrimahaan:
In Dowladda Puntland ee hadda jirta, Musharixiinta iyo Isimada Puntland ka wada shaqeeyaan sidii ay doorasho Xor ah oo Xalaal ah uga dhici lahayd Puntland
In Uu qabsoomo Shirkii Isimadu Puntland ay ku baaqeen oo uu Gogoshiisa dhigay Wakiilka Boqorka Daarood.
In gogol Nabadeed loo fidiyo Isimada iyo Wax garadka Dhulbahante ee wax ka tabanaya Maamulka Puntland
Waxaan ayidayaa Baaqyadii kala danbeeyey ee Musharixiinta Madaxtinimada Puntland ka soo kala saareen Gaalkacyo iyo Nairobi.
In Maamulka Puntland uu Musharixiinta kala tashado nidaamka Amniga Caasimadda.