Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

Share

Ku Soo Dhawaada Page ka rasmiga ah ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee DPL. Halkan Waxaad kala socon kartaan shaqooyinka ay Wasaaraddu uhayso bulshadeeda.

Ku soo dhawaada official page wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowlada puntland. pagekan waxa aan ku soo badhigi doonaa waxqabadyada wasaaradda beerah iyo waraabka dowlada puntlan ku waas oo aan ugu adeegayno bulshada reer puntaland si ay u gaaraan hormar dhanka wax soo saarka ah, si loo helo wax soo saar ku filan dhamaan dalka.

26/05/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐€๐๐ฑ๐š,

๐„๐ˆ๐ƒ ๐Œ๐”๐๐€๐‘๐€๐Š ๐ŸŒ™

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa Hambalyo diirran u diray ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐€๐๐ฑ๐š, Ee Sanadka ๐Ÿ๐Ÿ’๐Ÿ’๐Ÿ• ee Hijriga Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Guud ahaan Shacabka reer Puntland.

Wasiirku wuxuu Alle ka baryay inuu naga aqbalo cibaadadii iyo acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo gudanay Maalmihii khayr iyo ajarka badnaa, sidoo kale wuxuu Shacabka u rajeeyey inay ku ciidaan Farxad, Caafimaad iyo nabadgelyo.

โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 19/05/2026

GAROWE:19 MAY 2026 WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA OO KA QAYBGASHAY DAAHFURKA MASHRUUCA HANAQAADKA IYO TAYEYNTA BEERALAYDA ( ACALS)

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdixakin Maxamed Cisman ayaa ka qayb galay munaasabadda daahfurka Mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda Puntland (ACALS), oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha iyo hayโ€™adaha bahwadaagta la ah mashruuca, madaxda hayโ€™adaha World Food Programme iyo United Nations Office for Project Services, waxaana lagu soo bandhigay qorshayaasha iyo himilooyinka mashruuca ee la xiriira horumarinta beeraha, maaraynta biyaha iyo dhulka, iyo xoojinta adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada.

Mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona kor u qaadidda wax-soo-saarka, sugnaanta cunnada, iyo taageeridda bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha cimilada.

โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

17/05/2026

Kormeerka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 17/05/2026

GAROWE: 17 MAY 2026:WASIIRKA OO KORMEERAY XARUMAHA KALA DUWAN EE WASAARADDA BEERHA IYO WARAABKA.

โ€ŽWasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Mudane Cumar Candisamad Yusuf Dhuux oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdixakiin Maxamed Cisman ayaa kormeeray Xarumaha kala duwan ee Wasaaradda sida Xarunta Dhexe ee Wasaaradda, Xarunta kobcinta xirfadaha beeraha iyo cilmi baarista iyo Dhulka loo asteeyey in laga dhiso Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa mid mid u booqday Xafiisyadda shaqaalaha, Xarumaha Cilmi baarista iyo kobcinta cilmiga beeraha, Shaybaarka caradda, Kaydadka, Gaadiidka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Wasaaradda isla markaana wuxuu warbixin ka dhagaystay dhamaan saraakiisha gacanta ku haysa.

Ugu danbayn Wasiirka Ayaa ku bogaadiyey dhamaan shaqaalaha shaqadda baaxadda leh ee ay u hayaan Dowladda iyo Shacabka reer Puntland wuxuuna ku dhiirigaliyey inay sii labo jibaaraan dadaalkooda.

โ€Ž
โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 11/05/2026

GAROWE:11 MAY 2026 WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA OO QAYBGASHAY GOGOL-XAARKA MASHRUUCA HANAQAADKA IYO TAYEYNTA BEERALAYDA PUNTLAND
โ€Ž
โ€ŽWasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Mudane Siciid Maxamed Awaare oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdixakiin Maxamed Cisman ayaa ka qayb-galay kulanka gogol-xaarka mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda Puntland (Activating Climate Resilience Agriculture and Livelihood in Somalia (ACALS).
โ€Ž
โ€ŽMashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda waxa uu ku dhisanyahay hannaanka isku dhafan ee siinta beeralayda iyo xoolo-dhaqata taagero iskaabaysa oo ku saabsan dhinacyada agabka iyo aqoonta beerashada ku habboon la jaanqaadka isbedelka cimillada, waraabka iyo maareynta biyaha, abuurista calafka xoolaha si adkeysi loogu yeesho abaaraha, maareynta dhul-daaqsimeedka iyo dhowrista deegaanka, maareynta khataraha, iyo xoojinta soo-saarista xogta iyo macluumaadka muhiimka u ah qorsheynta baraamijyada iyo qiimeynta waxqabyada lagu xoojinayo Wax-soosaar tabaca beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
โ€Ž
โ€ŽUgu dambeyn waxaa la isku raacay dhismaha guddi-farsamo oo jiheeya fulinta mashruuca oo qorshihiisu yahay in dhawaan la daahfuro.
โ€Ž
โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 11/05/2026

Warbixinta Roobka iyo Saadaasha Toddobaadka: 11- 16 May 2026 =

Saldhigyada saadaasha Roobka Ee deegaannada Puntland ayaa diiwaangeliyey roobab kala duwan, iyadoo roobkii ugu badnaa laga diiwaan geliyey Laascaanood (208mm), Widhwidh (92.6mm), Burtinle (76.3mm), iyo Buhoodle (54.9mm).

โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 11/05/2026

GAROWE: 11 MAY 2026:WASIIRKA OO QAABILEY WAFTI SARE OO KA SOCDA HAY'ADDA HALO TRUST.
โ€Ž
โ€ŽWasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud Mudane Cabdixakiin Maxamed Cisman iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay wafti sare oo ka socda hay'adda Halo Trust.

โ€Žkulanka waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee hayโ€™adda iyo Wasaaradda iyo Mashaariicda Hormarineed ee laga wada-shaqayn karo.

Ugu danbayn Kulanka oo kusoo dhamaaday si guul ah waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay sidii Halo Trust ay kaalin muuqata uga qaadan lahayd Qorshayaasha Wasaaradda ee ku wajahan hormarinta Beeraha.
โ€Ž
โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 11/05/2026

GAROWE: 11 MAY 2026:WASIIRKA OO QAABILEY WAFTI SARE OO KA SOCDA HAY'ADDA CUNTADA IYO BEERAHA
โ€Ž
โ€ŽWasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud Mudane Cabdixakiin Maxamed Cisman iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay wafti sare oo ka socda hay'adda cuntada iyo Beeraha oo uu hoggaaminayo Mudane Etienne Peterschmitt, wakiilka hayโ€™adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Soomaaliya.

โ€Žkulanka waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee hayโ€™adda iyo Wasaaradda,mashaariicda laga wadashaqeeyo iyo sidii la isaga kaashan lahaa Caqabadaha ay wajahaan beeraleyda deegaanada Puntland.

Ugu danbayn waxaa la isla meel dhigay dhamaan xalinta caqabadaha iyo guulaha la gaaray sidii loo sii joogtayn lahaa isla markaana iskaashi dhamaystiran looga yeelan lahaa.

โ€Ž
โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

09/05/2026

Kormeerka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ee Xarunta Wasaaradda ee Gobolka Mudug.

Photos from Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI's post 09/05/2026

Galkacyo :09 May 2026-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DPL oo kormeeray Xarunta Wasaaradda ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo howlo-shaqo u jooga Magaladda Galkacyo ayaa Kormeer ku sameyey Xafiiska Wasaaradda ee Gobolka Mudug si uu ugu kuurgalo habsami u socodka Shaqadda.

Wasiirka waxaa Kusoo dhaweeyey Xarunta Shaqaalaha Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug Mudane Cabdiwali Maxamed Diiriye oo uga warbixiyey shaqooyinka ay u hayaan bulshadda.

Wasiirka ayaa ka dhagaystay shaqaalaha hormarka la gaaray, caqabadaha haysta beeraleyda iyo qorsheyaasha u degan ee ku wajahan hormarinta iyo casriyeynta habka beerashadda ee Gobolka.

Ugu danbayn wasiirka ayaa uga mahadceliyey soo dhawaynta iyo shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshadda u hayaan, isla markaana wuxuu dhigaliyey inay labo jibaaraan dadaaladda lagu hormarinayo Beeraha.

โ€” DHAMMAAD โ€”
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DPL

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Garowe, Puntland
Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00