11/03/2016
Waxa cayaar qurux badani ku dhex martay Garoonka kubada cagta Xabsiga Garowe, kooxda Xulka Kubada Xabsiga Garowe iyo Kooxda suxufiyiinta Puntland ee jooga Garowe
Cayaartan oo ahayd cayaar saxiibtinmo halku dhegeduna ahaa si kor loogu qaadi lahaa mooralka dhalinta maxaabiista uu nasibkoodu noqday in ay galaan xabsiga.
Waxa cayaarta ka so qayb galay oo farxada iyo damaashaadka lawadaagay labada kooxood , mas'uuliyiintan Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Puntland, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland.
Waxa mudan in la xuso in Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa ciyaartoy ka mid ah kooxda Xabsiga halka dhinaca kooxda ee saxaafada uu la soo saftay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. cayaartu waxay ku dhamaatay gebgebadii kooxda maxaabiista 3-0 kooxda saxaafada, waxana halkaas koobkii lagu gudoonsiiyay kooxda Xabsiga Garowe,
Arrintani waxay muuqaal wanaagsan iyo sawirba u tahay in Ciidanka Asluubtu uu maxaabiista u
dhaqanceliyo balse xabsiguna ahayn meel dadka lagu ciqaabo ee uu yahay meel lagu dhaqan celiyo laguna dhiso xirfadooda iyo caqligooda berina ay bulshada ku laabtan iyaga oo iska bedelay habkii h**e

24/02/2016
22/02/2016