Taliska Ciidanka Asluubta D.Puntland Custodial Corps

Taliska Ciidanka Asluubta D.Puntland Custodial Corps

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Taliska Ciidanka Asluubta D.Puntland Custodial Corps, Government Organization, Taliska Ciidanka Aluubta D., Garowe.

Photos from Taliska Ciidanka Asluubta D.Puntland Custodial Corps's post 11/03/2016

Waxa cayaar qurux badani ku dhex martay Garoonka kubada cagta Xabsiga Garowe, kooxda Xulka Kubada Xabsiga Garowe iyo Kooxda suxufiyiinta Puntland ee jooga Garowe

Cayaartan oo ahayd cayaar saxiibtinmo halku dhegeduna ahaa si kor loogu qaadi lahaa mooralka dhalinta maxaabiista uu nasibkoodu noqday in ay galaan xabsiga.
Waxa cayaarta ka so qayb galay oo farxada iyo damaashaadka lawadaagay labada kooxood , mas'uuliyiintan Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Puntland, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland.
Waxa mudan in la xuso in Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa ciyaartoy ka mid ah kooxda Xabsiga halka dhinaca kooxda ee saxaafada uu la soo saftay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. cayaartu waxay ku dhamaatay gebgebadii kooxda maxaabiista 3-0 kooxda saxaafada, waxana halkaas koobkii lagu gudoonsiiyay kooxda Xabsiga Garowe,

Arrintani waxay muuqaal wanaagsan iyo sawirba u tahay in Ciidanka Asluubtu uu maxaabiista u
dhaqanceliyo balse xabsiguna ahayn meel dadka lagu ciqaabo ee uu yahay meel lagu dhaqan celiyo laguna dhiso xirfadooda iyo caqligooda berina ay bulshada ku laabtan iyaga oo iska bedelay habkii h**e

Photos from Taliska Ciidanka Asluubta D.Puntland Custodial Corps's post 24/02/2016

Taliska guud ee Ciidanka Asluubta DPL waxay ku xuseen xaruntooda munaasabada sanadguurada 46aad ee kasoo wareegatay Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, munaasabadan waxan kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Arr.diinta &dhaqancelinta DPL iyo Xeer ilaaliyaha guud ee dpl Taliyaha Ciidanka Asluubta Asluubta S/guuto. Cali Nuur Cumar iyo Taliye xigeenka Ciidanka Asluubta iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta
Dhamaan mas'uuliyantani waxay hambalyo u direen Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland saraakiisha iyo s/xigeenad aliflayda,Dablayda iyo Xaasaskood iyo maxaabiista ku xiran Xabsiyada puntland oo la bah ah Ciidanka Asluubta waxayna alle uga baryeen in ay sanadka sanadkiisa ku gaaraan barwaaqo iyo horumar. Waxaa munaasabada lagu soo bandhigay waxqabadkii Ciidanka Asluubta u qabsoomay sanadkii tagay 2015, iyo hiigsiga 2016

Photos from Taliska Ciidanka Asluubta D.Puntland Custodial Corps's post 22/02/2016

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dawladda Puntland. S/guuto.Cali Nuur Cumar wuxu hambalyo ku aadan sanad guurada 46aad ee asaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan maanta 22 febraayo u dirayaa dhamaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Asluubta Puntland : saraakiisha, S/xigeenada, Aliflayda Dablayda, jadiidka iyo xaasadkooda. sanadka sanadkiisa ku gaara farxad barwaaqo bash bash iyo horumar

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Taliska Ciidanka Aluubta D.
Garowe
PUNTLAND