Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Share

Puntland Ministry of Information, Communication and Cultural Tourism

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 10/05/2026

Garoowe:10May, 2026 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha qurba-joogta & dibu-dejinta dowladda Puntland Faarax Maxamuud Aw-cismaan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Ciise Cismaan ayaa Garoowe tababar uga furay 30 kamid ah hawl-wadeenada xafiisyada warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee Wasaaraddaha dowladda Puntland.

Tababarkaan ayaa diiradda lagu saarayey horumarinta iyo tayeynta shaqada xafiisyada Warfaafinta, midaynta farriimaha dowladda, hab-maamuuska xilalka mas’uuliyiinta dowladda, xirfadaha hab-qoraalka iyo dejinta qorshayaasha hortebinta leh shaqooyinka xafiisyada ay ka kala socdeen hawl-wadeenada ka faa’iidaystey tababarka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi ayaa ku booriyey hawl-wadeenada inay tababarkaan uga faa’iideeyaan xafiisyadooda kuna dabbakhaan shaqo maalmeedka xarumohooda, wuxuuna xusay in yihiin albaabkii laga soo gelayey hay’adaha dowladda dadweynahana gaarsiinayey adeegyada ay dowladdu u hayso.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 26/04/2026

WASIIRKA WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND AYAA SOO XIRAY TABABARKA XIRFADAHA ISGAARSIINTA IYO HORUMARINTA SIYAASADAHA IYO ISTIRAATIJIYADDA.
Garoowe:26 April, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Hon. Farhan Ali Hirsi - Xaad oo uu weliyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Mohamed Isse Osman, ayaa soo xiray tababar ku saabsan xirfadaha isgaarsiinta, siyaasadaha iyo istiraatiijiyadda horumarinta, kaas oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda.
Tababarkan ayaa socday muddo laba maalmood ah, iyadoo ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta iyo tayada shaqo ee hawlwadeennada Wasaaradda.

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 26/04/2026

WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND IYO UNTMIS OO GAALKACYO KA FURAY TABABAR KU SAABSAN DOORKA WARBAAHINTA EE NABADDA IYO DIB-U-HESHIISIINTA.

Galkacyo: 26 Abriil, 2026: Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Dalxiiska ,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland oo kaashanaysa UNTMIS, gaar ahaan Waaxda Xiriirka Istaraatijiga iyo Arimaha Dadwaynaha a (Strategic Communications and Public Affairs Group (SCPAG), ayaa maanta tababar Magaalada Gaalkacyo uga furtay 40 hawl wadeen oo isugu jira wariyayaal iyo guddiga nabadda odayaasha gobolka Mudug.

Tababarkan ayaa waxa furay Wasiir Kuxigeenka Amniga Dawlada Puntland C/raxmaan Yuusuf Dujaana. Waxaa sidoo kale oo kasoo qayb galay Guddoomiye kuxigeenka gobolka Mudug, Agaasimaha Waaxda warfaafinta iyo iskuduwaha Wasaaradda warfaafinta gobolka.

Tababarkaan oo diiradda lagu saarayay doorka warbaahinta ee nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada oo cinwaankiisu yahay “Warbaahinta iyo Dib-u-heshiisiinta: Samaynta Sheekooyin Kor u Qaadaya Nabadda iyo Midnimada.”

Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta Gobolka Mudug Burhan Maxamed Cabdi ayaa faahfaahin kabaxashay ujeedka tababarkas, isagoo sheegay in ay aad ugu baahan yihiin wariyayaasha gobolka Tababarradaan oo kale, wuxuuna bogaadiyey Hay’adda UNTMIS.

Agaasimaha waaxda Warfaafinta Wasaaradda Saleeban Saciid Nuur ayaa sheegay in ay masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay wariyayaasha kala socday xarumaha warbaahinta kala duwan ee magaalada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Mudug gacan siinta Nabadda iyo Wadajirka bulshada.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Mudug C/qaadir Warsame Kooshin ayaa umahad celiyey Wasaaradda warfaafinta ee maanta qabatay tababarkaas, isagoo ku boorriyey in la joogteeyo tababarradaas nabadda iyo wadajirta wax taraya.

Wasiir kuxigeenka amniga Puntland C/raxmaan Yuusuf Dujaana ayaa oo si rasmi ha u furay tababarkas ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta loo adeegsado horumarinta bulshada, nabadeynta, iyo ilaalinta wadajirka bulshada, Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Xafiiska Xiriirka Istaraatijiga iyo Arimaha Dadwaynaha (SCPAG) ee hay’adda UNTMIS iyo Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo iska kaashaday tababarkaan xilligiisii ku soo beegmay.

=========== DHAMMAAD ===========
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: facebook.com/moittpuntland
𝕏 Twitter: x.com/moittpunt

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 25/04/2026

WASIIRKA WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND OO FURAY TABABARKA XIRFADAHA ISGAARSIINTA IYO HORUMARINTA SIYAASADAHA IYO ISTIRAATIJIYADDA.

Garoowe:25 abriil, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Hon. Farhan Ali Hirsi - Xaad oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Bille M Qabowsade iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Mohamed Isse Osman, ayaa furay tababar ku saabsan xirfadaha isgaarsiinta, siyaasadaha iyo istiraatiijiyadda horumarinta, kaas oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda.

Tababarkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, iyadoo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta iyo tayada shaqo ee hawlwadeennada Wasaaradda.

=========== DHAMMAAD ===========
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: facebook.com/moittpuntland
𝕏 Twitter: x.com/moittpunt

22/04/2026
Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 22/04/2026

MAS’UULIYIINTA WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND OO KULAN LA YEESHAY SHAQAALAHA WASAARADDA.

Garoowe, 22 Abriil 2026: Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Hon. Farhan Ali Hirsi - Xaad isla Markaana ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Bille M Qabowsade iyo Agaasimaha Guud, Eng Mohamed Isse Osman ayaa kulan muhiim ah la Yeeshay shaqaalaha Wasaaradda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta Howlaha Shaqo ee Wasaaradda, horumarinta tayada Shaqada, iyo xoojinta wada-shaqeynta gudaha.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa bogaadiyey Dadaalka iyo shaqada ay hayaan shaqaalaha, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan Waxqabadkooda shaqo.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda isku-duwidda shaqooyinka iyo isla xisaabtanka.

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka.

=========== DHAMMAAD ===========
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: facebook.com/moittpuntland
𝕏 Twitter: x.com/moittpuntland

06/04/2026

‘’Wasiir farxaan aad buu ugu mahahsan yahay qadda sharafta uu noo sameeyay , insha allah waxaan rajaynayaa inaa sii hormarisaan halkaasna kasii wadaan wixii aan ka gaabinay,

waxa la yiraahda dhalinyarado 75% bay bulshada ka yihiin hadeer ka dib dhalinyaraad baan u adeegi doona, waxaa bilaaban doona koobki caasimadaha ee shuhadada garoonki wayna ee bosaso baa la xarig jaraya bosaso aadi doona nteena isla sii jaanqaada makala tagi doono insha allah’’

Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirki h**e Wasaaradda Warfaafinta Dpl.

06/04/2026

‘’anagu waxaa naga go’an inaan wasaraddana kor uqaadno, dadka ay bahwadaagta la tahayna aan xiriir dhaw la samayno insha allahu tacaala’’

Farxaan Cali Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dpl

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 06/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo Qado Sharaf iyo Sagootin u Sameeyay Wasiirradii H**e Wasaradda..

Garoowe; 6 Abriil 2026 — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,Hiddaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland, Mudane Farxaan Cali Xirsi, ayaa duleedka magaalada Garoowe ugu sameeyay qado sharaf iyo sagootin Wasiirradii h**e ee Wasaaradda.

Munaasabadda waxaa ku wehliyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Bille Maxamuud Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, eng Mohamed Isse Osman , shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo bahwadaagtooda.

Wasiirka cusub ee wasaradda ayaa shaqaalaha Wasaaradda iyo bahwadaagtooda kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo gaaro horumar muuqda oo ku aaddan waajibaadka Wasaaradda.

Gabagabadii munaasabadda, shaqaalaha Wasaaradda ayaa shahaadooyin sharaf guddoonsiiyay Wasiirradii h**e ee Wasaradda, iyagoo ku maamuusay kaalintii iyo dedaalkii ay ku bixiyeen horumarinta Wasaaradda intii ay xilka hayeen.

===========DHAMMAAD==============
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: facebook.com/moittpuntland
𝕏 Twitter: x.com/moittpuntland

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 05/04/2026

WASIIRADDA CUSUB EE WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND OO SI RASMI AH XILKA ULA WAREEGAY.

Garoowe: 5 April 2026; Waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirrada cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen guddiga xil-wareejinta xubno cusub Golaha Wasiirrada dowladda puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng Mohamed Isse Osman ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirrada cusub, isagoo ku hadlay afka dhammaan shaqaalaha Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirradii h**e ee Wasaaradda ayaa la dardaarmay shaqaalaha wasaradda iyagoo ku booriyay in ay Wasiirrada cusub ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen iyaga isla markaana ay sii xoojiyaan dadaalladi horumarineed ee Wasaaradda.

Gabagabadii munaasabadda, Wasiirrada h**e ee wasaradda ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay shaqsiyaad iyo waaxyo ka tirsan Wasaaradda oo muujiyay dadaal, hufnaan iyo shaqo wanaag intii ay xilka hayeen.

===========DHAMMAAD==============
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: Wasaaradda Warfaafinta Puntland
𝕏 Twitter: x.com/moittpuntland

Photos from Wasaaradda Warfaafinta Puntland's post 02/04/2026

𝐃𝐇𝐀𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐃𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐏𝐋

Garoowe: 2 April 2026; Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta goobjoog ka ahaa dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, Oo ay ka mid ahaayeen madaxda cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL oo kala ah;

Wasiirka Wasaaradda: Farxaan Cali Xirsi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Bille Maxamuud Axmed (Qabowsade)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Najiib Barkhad Warsame

===========DHAMMAAD==============
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: [email protected]
Website: moitt.pl.so
Facebook: Wasaaradda Warfaafinta Puntland
Twitter: x.com/moittpuntland

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Former Presidential Place/Main Street/1st August Village/Garowe Puntland/
Garowe