Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland

Share

Official page, Ministry of Education and Higher Education of Puntland

01/06/2026

Jadwalka Imtixaanka maalinta 4aad, sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 01/06/2026

Xaafuun, Bari, Jun 01, 2026; Ardayda Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ayaa maalintii 3-aad u fadhiya Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka heer gobol iyo heer degmo ayaa kormeer ku tagay xarummaha loo asteeyey imtixaanka.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 01/06/2026

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Musadaq Soomajeeste oo kormeeray xarummaha Imtixaanka Degmada Badham ee Gobolka Sanaag ayaa Ardayda ka xog waraystay maaddooyinka ay galeen Saddexdii maalmood ee la soo dhafay.

Wasiirka oo ay wehelinayaan Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Guddoonka Waxbarashada ee heer Gobol iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa la wadaagay ardayda muhiimadda ay leedahay in ay ka faa'iideystaan walkhtigooda, kuna dadaalaan akhrinta casharrada maadooyinka harsan.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 01/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu'aad Abshir Axmed oo kormeeray xarummaha Imtixaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa Ardayda ka xog waraystay maaddooyinka ay galeen Saddexdii maalmood ee la soo dhafay.

Wasiirka oo ay wehelinayaan Duqa Degmada Dangoroyo, Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Imtixaanaadka, Isuduwaha Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo Taliska Booliska heer degmo ayaa la wadaagay ardayda muhiimadda ay leedahay in ay ka faa'iideystaan walkhtigooda, kuna dadaalaan akhrinta casharrada maadooyinka harsan.

01/06/2026

"Dhammaan in ay ardaydu natiijo wanaagsan keenaan baan rajaynayaa. Imtixaanku waa u fudud yahay qofka wax soo akhriya". Wasiir Fu'aad Abshir Axmed oo kormeer ku maray xarummaha Imtixaanka degmada Dangoroyo.

Wasiirka ayaa u kuur galay xaaladda ay ardayda Dangoroyo ku galayaan Imtixaanka, isagoo muuniyey muhiimadsa Imtixaanka midaysan uu u leeyahay mustaqbalka da' yarta Puntland.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 01/06/2026

Rad, Sanaag, Jun 01, 2026; Ardayda Deegaanka Raad ee Degmada Badhan ayaa maalintii 3-aad u fadhiya Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka heer gobol iyo heer degmo ayaa kormeer ku tagay xarummaha uu ka socdo imtixaanku.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 01/06/2026

Gaalkacayo, Mudug, Jun 01, 2026; Ardayda magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maalintii 3-aad u fadhiya Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka heer gobol iyo heer degmo ayaa kormeer ku tagay xarummaha loo asteeyey imtixaanka.

31/05/2026

Jadwalka Imtixaanka maalinta 3aad, sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 31/05/2026

Qardho, Karkaar, May 31, 2026; Ardayda degmada Qardho ee Gobolka Karkaar ayaa maalintii 2-aad u fadhiya Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, maamulka heer gobol iyo heer degmo ayaa kormeer ku tagay xarummaha loo asteeyey imtixaanka.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland's post 31/05/2026

Yubbe, Sanaag, May 31, 2026; Ardayda Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa maalintii 2-aad u fadhiya Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka heer gobol iyo heer degmo ayaa kormeer ku tagay xarummaha loo asteeyey imtixaanka ee deegaanka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Garowe