"Soomaalidu xoolaha doladda xaaraan umataqaan" Sheekh Fu'aad Xaaji oo ka hadlay shirka ansixinta Qorshaha Shanta sano ee hay'adda maamul wanaaga Puntland.
Hay’adda Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hay’adda Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland, Government Organization, Puntland, Garowe.
Waa kuwee hay'adaha dowladda Puntland ee Bustaha qoyan saaranyahay?
"Waxaan culeyska saarnaa in la hagaajiyo adeegyada ay dadweynuhu xaqa ugu leeyihiin dowladda" Agaasimaha Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA. Daahir Faarax.
"Istaraatiijiyadda shata sano, waxaa lagu shaleeyay xogtii laga heshay ka qeyb galayaasha kulamadii uu xafiiska Asteynta maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa"
Agaasime Cali Kiimiko: "Ansixinta ansixisay Qorshaha Shanta Sano (2026–2030) ee Xafiiska Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland waxa uu muhiim u yahay … See more
"Istaraatiijiyadda maamulwanaaga waxay muhiim utahay dhammaan hay'adaha dowladda, sababtoo ah waa qorshe lagu xoojinayo hufnaanta maamul iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa" Kuxigeenka Madaxa UNDP Puntland Xaawo Cumar
"Waxaan sameyn doonnaa hal-beeg aan ku cabirno heerka Musuq-maasuqa Puntland, hay'addii bulshada si hufan ugu adeegta waan abaal marin doonnaa" Kusimaha Agaasimaha Hay'adda Maamul wanaaga Puntland Yaasiin Jaamac
26/11/2025
SAWIRRO, GAROWEW: Hay’adda Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay Qorshaha Shanta Sano (2026–2030) ee Xafiiska Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland, qorshahan ayaa ah mid laf-dhabar u noqon doona hufnaanta, isla xisaabtanka iyo dib-u-habaynta nidaamka maamulka ee Puntland.
Qorshahan oo muddooyinkii u dambeeyay la diyaarinayey ayaa isku xiraya hannaanka maamul ee casriga ah, kor u qaadidda hufnaanta shaqo, iyo adkaynta la dagaalanka musuqmaasuqa, iyadoo dowladda Puntland ay sheegtay inuu yahay mid ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee hay’adaha iyo bulshada.
Kusimaha Agaasimaha Hay'adda Maamul wanaaga Puntland, Yaasiin Jaamac ayaa sheegey in xafiiska Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa uu ballan qaaday in qorshahan loo badalayo ficil wax ku ool ah, ayna jiri doonaan warbixino joogto ah oo la xiriira halka uu marayo hirgelintiisa hay'ad kasta oo dowladdeedna lagu kor joogtayn doono.
Mas'uuliyiintii kasoo qeyb gashay shir ansixinta Qorshan ayaa waxaa kamid ahaa, Agaasimaha guud ee Dalladda bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA, Kusimaha madaha UNDP Puntland Marwo Xaawo Cumar, Sheekh Fu'aad Xaaji oo kamid ah Culimadda'ugu waaweyn Puntland, Agaasimaha Tvga Dowladda Puntland Cali Cabdi, Wakiilo kasocotay bulshada Rayidka ah ee Puntland, Ururadda Haweenka iyo mas'uuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Hadal-jeedinta Wasiir h**e Maxamed Faarax Ciise Gaashaan Shirweynaha maamul wanaaga & qorsha istaraatiijiyadda shanta sano ee dowladda..
"Anagu hay'ad ciqaabeed ma nihin" Agaasimaha hay'adda maamula wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maausaq Puntland Cabdifataax Salaad Aadan.
16/10/2025
GAROWE: Hay'adda Maamul Wanaaga iyo. ladagaalanka Musuqmaasuqa Dowladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay Shirweynaha latashiga Hay'adaha dowladda ee qorshaha shanta sano ee soosocota, 2026- 2030.
Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro katirsano.Xukuumadda Puntland Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland, Guddoomiye yaasha hay'adaha maddaxa bannaan, Agaasime yaasha guud ee Wasaaradaha, Culimada, iyo Madaxa UNDP Puntlan, Muuse Ducaale.
Shirkan oo ah shirkii 2aad oo ay Hay'adda Maamul Wanaaga la qaadato madaxda hay'adaha dowladda, waxaana shirkan ka h**eeyay bulshada rayidka oo laga tala galiyay qorshaha shanta sano ee hay'adda, taas oo ay gacan ka siinayso hay'adda UNDP Puntland.
Ugu h**een waxaa daahfuray shirka oo ka hadlay ajandaha maanta Agaasimaha guud ee hay'adda Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland mudane Cabdifataax Salaad Aadan, waxa uu faahfaahin ka bixiyay qorshaha shanta sano ee soosocda iyo waxyaabaha looga baahan yahay in lafuliyo si bulshada loogu qabto adeeg hufan oo leh islaxisaabtan, daahfurnaan & dabagal joogto ah.
"Hay'addu waxay rabtaa in qorshaha shanta sano kula shaqeyso hay'adaha kale ee dowladdda iyo shacabkaba, kulamaduna waxay noqon doonaan kuwo joogto ah oo leh kormeer iyo qiimeyn, ayuu yiri Agaasime Cabdifataax Salaad Aadan"
Dhamaan mas'uuliyiintii kasoo qeyb gashay shirka ayaa dhankooda balan qaaday inay xoojin doonaan adeegyada ay bulshada u hayaan si looga jawaabo baahiyaha bulshada siiba kuwooda tabaalaysan.
Sawiiro.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Garowe
