Puntland Fact Page

Puntland Fact Page

Share

Official account of Facts Book. We post Random facts daily.

01/01/2023

80% ayaa loo badinayaa in uu dib u dhac ku yimaado xiliga diwaan galinta oo ku beegan 5-ta bisha Janaayo ee sanadkan komishanka doorashadu ka billaabo gobolka Bari.

01/01/2023

Madaxweynaha Puntland Deni oo ahaa musharaxii ku guuleystay doorashada 2019 ayaa ahaa siyaasiga kaliya ee ka qeyb galay doorashada Puntland oo taageero dhaqaale ka helay Bangiga Dahabshiil iyo Madaxtooyada Somaliland.

29/10/2022

Qaraxyadii ka kala dhacay Boosaaso iyo Hargeysa ayaa dhacay maanta oo kale - 29-kii October 2008.

29/10/2022

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay labo qarax oo lala beegsaday xarumaha Wasaaradda Waxbarashada.

Wasaaradda ayaa ku taalla deegaanka Zobe oo ku dhow Isgoyska K-5, halkaasoo uu ka dhacay weerarkii ugu khasaarihii ugu badnaa ee ka dhaca Xamar oo ay ku dhinteen in ku dhow kun qof shan sano ka hor. Waxaa jirta cabsi laga qabo in khasaaraha uu sare u kaco, inkastoo 30 qof oo dhaawac ah isbitaalka la geeyay ilaa hadda, dhimashada 10 qof ayaa boolisku sheegay.

Photos from Puntland Fact Page's post 30/06/2019

Ma loo oggol yahay Haween Muslim ah in ay sameeyaan yoga, maadaama ay asal ahaan ka mid tahay cibaadada Hindu?

Ilaa iyo inta aan ognahay ama baaris dheer oo ilaa maanta socotay ku oggaanay- in Yoga asal ahaan tahay dhaqan ka yimid diinta masiixiga ah ee Budhismka.

Sidaa daraadeed kuwa u oggolaanaya si kastaba ha ahaatee caadiga u arka in la sameeyo waa dad aan ka warqabin ujeeddooyinka khilaafsan diinta islaamka. Jiritaanka wax eebe ka soo haray oo rumaysnaanta waxyaabo kale xiriirinayo.

Haddaba tii maanta Garowe ka dhacday waxay aheyd habdhaqan xumo diinta islaamka toos uga soo hor-jeeda oo lagu ansixiyey go'aanno masuuliyiin war-moog ah iyada oo loo eegayo in loo arko inuu yahay jimicsiga jirka.

Sidaas awgeed waa jimicsi jidh iyo maskax ahaaneed oo asal ahaan loogu talagalay in
xaalad kasta looga badbaado iyadoo aan la socon waxa amarka rabbi dartiis ku dhacaya ama xiriir la leh Ilaah!

Maanta dadka Garowe waxaa ugu miyir badnaa Duqa Caasimadda Garoowe: Axmed siciid Muuse

“Yoga in the sacred Indian language means union and contact with God, i.e., union between the body, the mind and God which helps man attain knowledge and wisdom and develops his thought by developing his knowledge of life; it protects him from sectarianism, religious fanaticism, narrowmindedness and shortsightedness when searching; it makes him live a life of contentment both physically and spiritually.”

14/10/2018

Waxaa qoray: suldaan Abdoosaalim

Reer Puntland, waxaan ku talin lahaa in doorashada ka hor aynu sameeyno hannaan laaluushka iyo wixii dhaqan xumo ah oo la halmaala lagu horjoogsado laguna takooro, kasoo bilow sida beeluhu dadka matalaya ku keenayaan, ilaa doorasho madaxweyne

Arrinkaas ma aha ummaddeena inuu dhexdeeda ka dhaco, waa wax islaannimada godob ku ah, dhaqankeennana ceeb iyo dharreeci ku ah, qof dhaqankaas leh oo aan qiimo kale oo uu ku soobaxo lahayn inama istaahilo.
Wallaahi maanta haddii wixii dhici jiray dhacaan shan sano kabacdi fool-xumadeenna lagu diimi doonaa, dariiq xun oo xaaraan ah ilaahy u caraysan yahay qof kheyr leh k**a yimaado,
Ummad tuug, laaluush bixiye/qaate keensatay waa ummad gun ah..
Caruurteena inaan ammaan-xumo, adeeg-xumo, tahriib, shaqo la,aan, rajo xumo ku sii hayno waxa sabab u ah dadka waddada xun xilka ku imaanayaa indhaheena oo shan ah.

Waqti isbadal ah ayaa gobolkeenna geeska Afrika ku jiraa waliba Somalia, fursaddaan ma hubo inay soo noqnoqnayso, waxan samayso maanta berri ayaan qiimaheeda bixinaynaa, inaan meel fog oo ka toobboon kana wanagsan tan aan joogno ayaan jeclahay walaahi, in aanay rajadu inaga dhiman, dawlad iyo ha'yado, weerar, sharciyo, hannaan inuu na hago..
Ma ila xasuusataan xildhibaanno hormo hormo u socda oo hadba murashax maxadweyne ku dillaamaya oo imisuu hebel bixiyey leh, taas waa ceeb, taas waa in dad ka waynoo ka meekhaan sarreeya ay soo baxaan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00