Ministry of Labor and SA - Puntland

Website

Ministry of Labor and SA - Puntland The official Page of MoLSA

SEPTEMBER 30, Galkacyo, Munaasabad qalinjabinta Arday dhammaysatay barashada farsamada gacanta.Xarunta Farsamada gacanta...
01/10/2026

SEPTEMBER 30, Galkacyo, Munaasabad qalinjabinta Arday dhammaysatay barashada farsamada gacanta.

Xarunta Farsamada gacanta ee Galkacyo Vocational Training Centre (GVTC – Gotenbaag),
ayaa lagu qabtay xaflad qalinjabin iyo dhiirigelinta 85 arday oo dhammaysay xirfadda solar systemka oo isugu jira 43 gabdho ah iyo 42 wiilal ah ayna kamid yihiin dadka Baahiyaha gaarka ah qaba(PWD) iyo Dadka barakacayaasha( IDPs)

Tababarkaan ayaa socday Muddo 6 bilood ah iyagoo taageero ka helaya Wasaaradaha shaqada iyo Arimaha Bulshada oo kaashanaysa Hay’adda Windleinternational .

Waxaa kaloo labaray tabaradda fudud (Soft Skills) ee Xoojinta shaqo-abuurka iyo hababka raadinta fursadaha shaqada oo socday muddo 10 beri ah.ugu dambeyn ardayda ayaa loo qaybiyay shahadooyinka koorsada iyo qalab ay ku shaqaystaan (Tools). Waxaa qalabkaan soo gaarsiiyey hay'adda Windle iyo wasaaradda shaqada& Arimaha Bulshada.

Isuduwaha Wasarada Shaqada iyo arimaha Bulshada Ee gobolka mudug Kooshin Aden Mohamud ayaa Munaasibad soo xiray asagoo u rajeeyay ardayda mustaqbal wanaagsan wuxuuna xusay muhiimada Tababarada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha shaqo gelinta dhalinyarada Arrimahaas oo mudnaanta kowaad u leh qorshayaasha Dawladda Puntland

QARDHO SEPTEMBER 29:Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Puntlnad Oo Kaashaneysa dawladda hoose ee Degmadda...
30/09/2026

QARDHO SEPTEMBER 29:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Puntlnad Oo Kaashaneysa dawladda hoose ee Degmadda Qardho iyo hay'adda Save the Children ayaa Magaalada Qardho ku qabtay kulan Wacyigelin ah ku oo saabsan ka hortaga iyo u diyaar garowga khatarta El Niño.

Waxaa Kulanka ka soo Qaybgalay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada ,Gudoomiye ku Xigeenka Degmadda Qardho, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka karkaar, isuduwayaasha Waasaradaha kala duwan Ee Gobalka , gudoomiyaasha xafada degmadda qardho.

Kulanka Oo Ahaa Kulan Wacyilanta Bulshada kaas Diirada lagu Saarayay Sidii loogu Diyaar Garoobi lahaaan Saamanyta Kadhalankarta Xili Roobaadka Kaas oo Sababikara Daadad Saamayn Yeesha.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Faarax Jaamac Boos oo Kulanka Sooxiray Ayaa Bulshada Gobalka Karkaar iyo Degmada Qadho Ku adkeeyay in Lasameeyo Fayjignaan Dheeri aha si Looga Taxadaro Khatarkasta oo Ka Dhalankarta Xili Roobadka.

Kulanka Ayaa Ku Soodhamaday Jawi Xasiloon

ALLA MAHADLEH

SEPTEMBER 29. Munaasabad qalinjabinta Arday dhammaysatay barashada farsamada gacanta.Xarunta Farsamada gacanta ee Galdog...
30/09/2026

SEPTEMBER 29. Munaasabad qalinjabinta Arday dhammaysatay barashada farsamada gacanta.

Xarunta Farsamada gacanta ee Galdogob ayaa lagu qabtay xaflad qalinjabin iyo dhiirigelinta 70 arday oo dhammaysay xirfadda solar systemka oo isugu jira 35 gabdho ah iyo 35 wiilal ah ayna kamid yihiin dadka Baahiyaha gaarka ah qaba(PWD) iyo Dadka barakacayaasha( IDPs)

Tababarkaan ayaa socday Muddo 6 bilood ah iyagoo taageero ka helaya Wasaaradaha shaqada iyo Arimaha Bulshada oo kaashanaysa Hay’adda Windleinternational. Waxaa kaloo labaray tabaradda fudud (Soft Skills) ee Xoojinta shaqo-abuurka iyo hababka raadinta fursadaha shaqada oo socday muddo 10 beri ah.ugu dambeyn ardayda ayaa loo qaybiyay shahadooyinka koorsada iyo qalab ay ku shaqaystaan (Tools). Waxaa qalabkaan soo gaarsiiyey hay'adda Windle iyo wasaaradda shaqada& Arimaha Bulshada.

Isuduwaha Wasarada Shaqada iyo arimaha Bulshada Kooshin Aden Mohamud ayaa Munaasibad soo xiray asagoo u rajeeyay ardayda mustaqbal wanaagsan wuxuuna xusay muhiimada Tababarada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha shaqo gelinta dhalinyarada Arrimahaas oo mudnaanta kowaad u leh qorshayaasha Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrmaha Bulshadda DPL Abdirahman Sh. Ahmed Abdulle Habarwaa ayna weheliyaan Agaasimaha G...
21/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrmaha Bulshadda DPL Abdirahman Sh. Ahmed Abdulle Habarwaa ayna weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaarada ayaan kulan sagootin ah la qaatay madaxii Mashruuca SEIP project ee Hay'adda GIZ Dr. Purnima sidoo kale waxaa kulanka lagu soo dhaweeyay madaxa Mashruuca Cusub ee SIRAH ayna fulinayso Hay'adda GIZ Mrs. Clara.

Agaasimadda Guud ayaa faahfaahin ka bixiyey wadashaqayntii Wasaarada iyo Xafiiska GIZ iyo guulihii Mashruuca dhamaadey ee SEIP project.

Dr. Purnima ayaa sidookale bogaadisay wadashaqayntii dhammaan dhinacyada ay qusaysay ee muddadii ay shaqada Mashruuca socday waxayna guul u rejaysay wadashaqaynta mashruuca cusub.

Mrs Clara ayaa dhankeeda warbixin kooban ka soo jeedisay Mashruuca cusub iyo meelaha diirada lasaaridoono.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray Wasiir Wasaaradda Mudane. Cabdiraxman Axmed Cabdulle una mahadceliyey madaxda GIZ, sidoo kale soo dhaweeyey madaxda ee Mashruuca Cusub ee SIRAH waxa uu ku dheeraaday taariikhda iyo xiriirka soo jireenka ah GIZ la leedahay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Dawalada Puntland.

Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyey yoolasha iyo hiisiyada Wasaaradda ee ku qotoma qorshaha shanta Sano ee Puntland iyo qorshaha Wasaaradda wuxuuna ku dardaarmay in dhammaan Mashriicda lala mideeyo lagana dheegto qorshaha horumarinta Dawladda Puntland.

Garoowe, September 7, 2026, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland Waxaa ka qabsoomay Shir looga Had...
07/09/2026

Garoowe, September 7, 2026, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland Waxaa ka qabsoomay Shir looga Hadlaayay dardar gellinta hawlaha diwaan gelinta iyo ruqsan siinta Shaqaalaha Ajaaniibta ah iyo Sidii loo hubin lahaa badqabka iyo la socodka hawlaha Shaqaalahaas.

Shirkaan oo Ka dhacay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Jaamac Hassan Cabdille, Waxaa Kasoo Qaybgalay Taliye kuxigeenka 1aad ee Police ka Mudane Caydiid Ahmed Nour iyo Hogaano kala duwan ayna kamid yihiin Hogaanada Canshuuraha, CID da iyo Saraakiil kale.

Waxaa sidoo kale shirka qayb ka ahaa Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyo madax qaybeedyada ka shaqeeya Qaybta Ajaaniibta ee Wasaaradda, waxaana Shirkaan muhiimka ah looga dooday:
1. Xoojinta Wada shaqaynta Hay'adda Dawladda ee dhinaca diwaangelinta Shaqaalaha Ajaaniibta
2. fududaynta diwaan gelinta iyo Xog is dhaafsiga Hay'adda Dawladda dhexdooda
3. Maaraynta iyo Xal u helida dadka Ajaaniibta ah ee Aan haysan ruqsada shaqada iyo kuwa ay ka dhacday ruqsadu
4. In la joogteeyo Shirarka noocaan ah isla markaana lagu soo daro Hay'adda kale ee muhiimka ah

Ugu dambeyn shirka ayaa ku soo dhamaatay si wanaagsan waxaana laysla qaatay in dhammaan shaqooyinkaas la derdargeliyo.

DHAMMAAD

TACSIInnaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland, waxay tacsi u d...
01/09/2026

TACSI

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland, waxay tacsi u diraysaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Puntland, geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Nuur Aadan, oo ahaa Agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta DPL kuna geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Marxuum Maxamed Nuur Aadan wuxuu ka mid ahaa Shaqaalaha muddada dheer sida daacadnimada iyo hufnaanta leh ugu soo adeegay guud ahaan Shacabka iyo Dawladda Puntland. Wuxuu door muuqda ka qaatay hawlaha horumarinta caddaaladda, qorsheynta iyo Maamul Wanaaga, isagoo lagu xusuusan doono dadaalkiisii, kartidiisii iyo adeeggiisii wanaagsan ee uu u ahay bulshadeena.

Wasaarada iyo Dhammaan Shaqaalaha weynaha Puntland waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan qoyskii, Caruurtii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan intii uu Marxuumku ka baxay iyo inuu Marxuum ka Janatul firdawsa illaahay ka waraabiyo

Aamin yaarabi.

Warcelin Fasaxa dhalashada Suubanaha SCW iyo 12ka Rabiicul Awal
24/08/2026

Warcelin Fasaxa dhalashada Suubanaha SCW iyo 12ka Rabiicul Awal

Qardho, Puntland – 17ka Agoosto 2026Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF ayaa mag...
17/08/2026

Qardho, Puntland – 17ka Agoosto 2026

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF ayaa magaalada Qardho ka daah-furtay Tababar Wadajir ah oo ku Saabsan Xoojinta Adeegyada Bulshada Shaqaalaha Bulshada iyo Nidaamka Gudbinta Adeegyada

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda shaqaalaha Arrimaha bulshada, kor u qaadista fahamka nidaamyada gudbinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa isku-xirka hay’adaha iyo adeeg-bixiyeyaasha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo daryeelka bulshada.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Guddoomiyaha Degmada Qardho, Isuduwaha Wasarada Shaqada iyo arimaha Bulshada, Madaxa Caafimaadka Degmada Qardho, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Qardho, Ururka Haweenka, Qaar kamid ah Shaqaalaha Adeeg bixinta Xarumaha Caafimaadka, Goobaha Waxbarashada, Arrimaha Daryeelka bulshada iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Qaal ayaa Munaasibada Daah-furay isaga oo sheegay muhiimada uu leeyahay iskaashigu.

Sidoo kale Madaxa Caafimaadka Degmada Qardho, Marwo Warsan Maxamed Siciid, ayaa sheegtay in tababarkan uu yahay mid muhiim ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka hawlgala adeegyada bulshada, gaar ahaan xoojinta nidaamka gudbinta iyo isku-xirka adeegyada bulshada.

Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ayaa asna sharaxaad ka bixiyay in Tababarkaan yahay mid Lagu kobcinayo karaanka Shaqaale hoosaadyada heerarka Tuulo, Degsiimo illaa Degmo Si Laysula Shaqeeyo Waxba loo kala Faa'iidaysto iyadoo La xoojinayayo kala warqaadashada iyo xoojinta nidaamyada hoos ka dhis-kor udhiska Dawladdanimadda ee xoojinta maamul wanaaga.

Munaasabadda waxaa soo xiray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Faarax Jaamac Boos asagoo sheegay in Dawladdu mudnaanta 1aad siinayso Tababarka Shaqaalaha iyo hirgelinta Tayayta iyo Tababarka Shaqaalaha heerarkiisa kala duwan taas oo qayb ka ah nidaamka Maamul daadajinta Dawladda Puntland

Qardho: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL oo kaashaneysa Dawladda hoose ee Degmadda Qardho iyo Hay'adda Save ...
12/08/2026

Qardho: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL oo kaashaneysa Dawladda hoose ee Degmadda Qardho iyo Hay'adda Save the Children ayaa magaaladda Qardho ku qabtay furitaanka iyo wacyigelin barashada xirfadaha Farsamada iyo Shaqo abuurka oo ay ka faa'iidaysanayaan 150 dhallinyaro ah.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Degmadda, Agaasimaha qorsheynta Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, Isuduwaha Wasaarada, wakiilo ka socda hay'adda Save The children, ardayda ka faa'iidaysan doona Tababarkaan iyo waalidiinta. Waxaana looga hadlay muhiimada Tababarada noocaan ah iyo sida ay mudnaan ugu leeyihiin guud ahaan shacabka reer Puntland iyo inay ku qotomaan hirgelinta Qorshayaasha Dawladda gaar ahaan horumarinta Xirfadaha Shaqo abuurka si loo yareeyo saboolnimada korna loogu qaado karaanka iyo Waxsoosaarka Dadkeena.

Ugu damayn, gudoomiye Degmadda iyo Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Shaqada oo shirka soo xiray ayaa ardayda kula dardaarmay in ay fursada ka faa'iidaystaan si ay wax uga badalaan noloshooda iyo Tan qoysaskoodaQardho: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL oo kaashaneysa Dawladda hoose ee Degmadda Qardho iyo Hay'adda Save the Children ayaa magaaladda Qardho ku qabtay furitaanka iyo wacyigelin barashada xirfadaha Farsamada iyo Shaqo abuurka oo ay ka faa'iidaysanayaan 150 dhallinyaro ah.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Degmadda, Agaasimaha qorsheynta Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, Isuduwaha Wasaarada, wakiilo ka socda hay'adda Save The children, ardayda ka faa'iidaysan doona Tababarkaan iyo waalidiinta. Waxaana looga hadlay muhiimada Tababarada noocaan ah iyo sida ay mudnaan ugu leeyihiin guud ahaan shacabka reer Puntland iyo inay ku qotomaan hirgelinta Qorshayaasha Dawladda gaar ahaan horumarinta Xirfadaha Shaqo abuurka si loo yareeyo saboolnimada korna loogu qaado karaanka iyo Waxsoosaarka Dadkeena.

Ugu damayn, gudoomiye Degmadda iyo Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Shaqada oo shirka soo xiray ayaa ardayda kula dardaarmay in ay fursada ka faa'iidaystaan si ay wax uga badalaan noloshooda iyo Tan qoysaskooda

3rd July, Garoowe Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL Mudane Abdirahman Sheikh Ahmed Abdulle Habarwaa a...
03/08/2026

3rd July, Garoowe Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL Mudane Abdirahman Sheikh Ahmed Abdulle Habarwaa ayaa ka qayb galay Shir Wadatashiga Siyaasadeed ee Mashruuca JOOG (Joint Ownership of Governance).

Shirka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka cilmi-baarisyo La sameeyay, falanqaynta xogta Arrimaha socdaalka iyo casharradii laga bartay hirgelinti Mashruuca oo tijaabo ahayd ee degmooyinka mashruuca tijaabo ahaan loogu doortay.

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Puntland, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Sidoo kale waxaa ka qayb galay guddoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha 13 degmo, hay’adaha bahwadaagta la ah Mashruuca JOOG, ururrada bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaal kale. shirka waxaa lagu soo bandhigay guulaha, casharrada laga bartay iyo faa’iidooyinka ay ka gaadheen afarta Degmo ee uu Mashruuca JOOG uu ka hirgalay, kuwaas oo kala ah Garoowe, Dangorayo, Qardho iyo Badhan.

Ugu dambeyn madaxda ayaa bahwadaagta mashruuca ku la dardaarmay derdergalinta mashruuca iyo joogtaynta horumarada laga sameeyay

Address

Dalxiiska
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Labor and SA - Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share