Mohamed-Amin Omer Abdi

Mohamed-Amin Omer Abdi

Share

Former Mayor of Gabiley District & Former Chairman of the Local Council

09/04/2026

Hambalyo Iyo Duco

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Caaqilka Guud ee Beesha Baha-dalal Xasan Maxamuud Cumar Gasle oo maanta loo doortay xilkan qiimaha badan

Alle haku waafajiyo masuuliyadda, hana kuu fududeeyo hogaaminta, hana kaa dhigo mid bulshada ku hogaamiya caddaalad Iyo xikmad.

04/04/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Kullu Nafsin Daaiqatul Mawt.

Waxaan tacsi Tiiraanyo Iyo Murugo leh u dirayaa dhammaan qoyska, qaraabada, ehelka, bahda dhaqanka, Iyo guud ahaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, oo ku geeriyooday magaalada Gabiley.

Marxuumku wuxuu ahaa haldoor bulsho oo ku suntanaa xikmad, geesinimo, dulqaad iyo hal-adayg, kaalin muuqatana ka soo qaatay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada dalkan Somaliland. Wuxuu ahaa tiir adag oo lagu halleeyo, laguna qadariyo kaalintii uu ku lahaa ilaalinta Wadajirka Iyo Horumarka Bulshadda.

Dhaxalkii uu reebay waa mid ku suntan wanaag Iyo wadajir taas oo weligeed ku sii jiri doonta xusuusta bulshada.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa marxuumka in uu u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale, waxaan Alle ka baryayaa in uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo ummadda uu ka baxay.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

19/03/2026

EID MUBARAK

Waxaan Guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland Iyo shucuubta Islaamka ugu hambalyeynayaa Munaasibadda Barakaysan ee Ciidul-Fidriga oo ku beegan maalinta bariya.

Ilaahay Sannadkan sannadkiisa ha inagu gaadhsiiyo sanado badan oo nabad, barwaaqo, caafimaad, iyo horumar leh.

Ciid Mubaarak! Kullu Caam wa Antum Bikhayr.

13/03/2026

TACSI TIIRAANYO LEH

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Kullu Nafsin Daaiqatul Mawt.

Waxaan Tacsi Tiiraanyo Iyo Murugo leh u dirayaa dhammaan Qoyska, Ehelada Iyo Asxaabtii ay ka baxday Hooyo Cudbi Barkhad Cali oo ahayd hooyada Ilma Cabdi Bookh Badeed, taas oo si naxdin leh oo lama filaan ah (muwtal-qafla) ugu geeriyootay magaalada Gabiley.

Geerida Hooyo Cudbi waa murugo Iyo Xanuun qalbiga Taabanaysa, Gaar ahaan marka ay timaaddo kediska oo aan la filayn. Waxaan si gaar ah tacsida ugu dirayaa carruurteedii Iyo dhammaan Qoyska, Qaraabadda Iyo Cid kasta oo ay murugadani saamaysay.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Hooyo Cudbi Barkhad naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigeedana u nuuro oo u waasiciyo, dambigeedana dhaafo. Sidoo kale waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

27/02/2026

Cabdinaasir Muuse Dahable wuxuu astaan u ahaa Aqoonta, Wadaniyadda Iyo Geesinimadda, inkastoo si arxan-darro ah loo dilay.

Magaciisa Iyo Doorkiisa bulshada dhexdeedu wuxuu Dalkeena Somaliland Iyo Shacabkiisaba ku reebay raad aan la tirtiri karin, Alle haw naxariisto walaalkeen.

17/02/2026

Soon Wanaagsan.

Waxaan dhammaan shacabka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan. Illaahay haynoo siyaadiyo Cibaadada, Sadaqada Iyo Camalka Suuban ee bishan barakaysan ee Ramadaanta, Illaahay waxaan ka baryayaa in uu bishan inoogu caafiyo dadkeena Xanuunsan.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo dhammaan acmaasha wanaagsan, hana inaga yeelo kuwii ka Faaidaysta barakooyinka bisha Ramadaan.

Soon Wanaagsan | Ramadaan Mubaarik

15/02/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Kullu Nafsin Daaiqatul Mawt.

Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Hooyo Xaliimo Muxumed Cige, Qabrigana ha u nuuro, dambigeedana ha dhaafo.

Waxaan si gaar ah ula qaybsanayaa Murugada Walaalkay Gooshee Cabdi Axmed oo ay ahayd Hooyadii, Waxaan sidoo kale ka tacsiyadaynayaa Qoys Balaadhan ee Ilma Muxumed Cige, Waxaanan Illaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo walaalkay, Qoyska Iyo Dhamaan Ehelka.

Illaahay ha inaga wada siiyo Samir Iyo Iimaan Jamiil ah, Hana ka yeelo Macii Nabiga CSW.

15/02/2026

Inaalilaahi Wa Ina Ilayhi Raajacuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa walaalkay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan (Musaabaqo) oo xaaskiisii Marxuumad Foosiya Cabdilaahi Ciidle uu saaka Xaqii u yimid.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumadda naxariistiisa Janno ku arsaaqo, dambigeedana dhaafo, ehelkii, qaraabadii si gaar ah Cabdiraxmaan Musaawaqo oo ay ahayd Xaaskiisii Illaahay Samir Iyo Iimaan Jamiil ah ka siiyo.

13/02/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaskii, Eheladii, Asxaabtii Iyo dhammaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen shantii qof ee ku naf waayay shilkii Naxdinta lahaa ee xalay ka dhacay Gabiley kuwaas oo hal gaadhi wada saarnaa.

Geeridaasi murugada leh waxa ay taabatay quluubta bulshada, Waxaanan si gaar ah uga Tacsiyadaynayaa qoysaska ay dhibaatadu sida tooska ah u saamaysay. Sidoo kale waxaan Eebbe uga baryayaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan inta ku dhaawacantay shilkaas.

Alle ha u naxariisto marxuuminta, hana ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehelkii iyo qaranka ay ka baxeen. Aamiin.

Inaalilaahi Waina Ilayhi Raajacuun

31/01/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Aw Saleebaan Aarre Faarax oo ku geeriyooday magaalada Gabiley.

Marxuumku waxa uu ahaa Caalim Diimeed, Oday waayeel ah, Talo-qabeen, Sidoo kale waxa uu ahaa qof Illaahay ku mannaystay hibooyin kala duwan kuwaas oo uu si daacadnimo Iyo xikmad leh ugu adeegi jiray Diinta, Bulshadda Iyo Dalkaba.

Waxa uu door weyn ka qaatay nabadaynta, Dib U heshiisiinta iyo hagidda bulshada, isaga oo ka mid ahaa tiirarka lagu tiirsanaa marka ay timaaddo xalinta khilaafaadka Iyo ilaalinta wada-noolaanshaha.

Alle ha u naxariisto Marxuumka, hana ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyska, ehelka Iyo dhammaan ummadda uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

20/01/2026

Guul Taariikhi ah.

Kooxda Dawladda Hoose Wajaale Hambalyo, Ma aha oo keliya guul garoon lagu gaadhay, waa guul ka dhalatay dadaal naf-hur ah Iyo dhalinyaro aan quusan.

Dhalinyaro ka kooban Da’yar balse maskax iyo himilo weyn leh, waxay soo bandhigeen Farshaxan Iyo Kubadd qurux badan si ay guul uga gaadhaan Kooxda Goodir, Waxaad qorteen bog cusub oo taariikhda ciyaaraha Gobolka Gabiley ah.

Waxaad maanta dirteen Fariin odhanaysa: Haddii aad ku adkaysato riyadaada, ma jirto wax ku hor Istaagi kara.

Hambalyo Kooxda Dawladda Hoose Wajaale

14/01/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta Iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timid Marxuum Yuusuf Kirix Cawad oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Marxuumku wuxuu ahaa mujaahid ka tirsanaa halgamayaashii SNM, kana mid ahaa geesiyaashii naftooda, maskaxdooda iyo maalkooda u huray xoreynta iyo dib-u-dhiska dalka Somaliland. Waxa uu door muuqda ka qaatay halgankii lagu soo afjaray dulmigii, isla markaana uu dalkani ku gaadhay nabad, sharaf iyo jiritaan.

Alle SWT ha u naxariisto Marxuum Yuusuf Kirix Cawad, Jannatul Firdawsana ha ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan intii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Want your business to be the top-listed Government Service in Gebiley?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Main Road
Gebiley
00252