Zelma

Zelma

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Zelma, Landmark & historical place, Dhulka Somalidu degto, Gebiley.

15/10/2018

Beeraha in lafasho oo dalku cunto kufilan helo waa qodob ka mid ah balanqaadyadii lagu doortey Madaxwayne Biixi, muuqaalkani waa Ex-wasiir Shucayb oo Beertiisa hadhudhkeedii tumanaya, hadii reer galbeedkii wasiiradoodii hadhuudhka tumayaan qoladii bariga ee hadhuudhku Xaaxi uga soo go,aya waa in loo gurmadaa, halkaasi reer Gabilley boos shaqo (NGO) Beeraha iyo sida hadhuudhka loo farsameeyo ayay u baahantahey.

17/09/2018

CODSI DEEGAANKA TUUR-CAANOOD.

OG: Kormeerka W.Waxbarashadda Degmada Wajaale ee JSL.

OG: Gudoomiyaha W.Waxbarashadda Degmada Wajaale ee JSL.

OG: Gudoomiyaha Degmada Wajaale ee JSL.

Ku: Maayerka Degmada Gabilley ee JSL.

Ku: Wasiirka Waxbarashadda Tacliinta Iyo Sayniska ee JSL.

Waxa dhawaan laga hirgaliyey Deegaanka Tuur-Caanood Dugsi H/Dhexe oo loogu magac darey Deegaanka Tuur-Caanood kaasi oo hoos yimaada Degmada Wajaale ilaa hadana ay wax-ku bartaan Arday tiradoodu ay dhantahey 100 Arday.

Xafladii daahfutka Iskuulka ee maanta waxa kasoo qayb-galey badiba Masuuliyiin maamulka Waxbarashada ee heer Gobol ilaa heer Degmo, waxa kale oo madasha xaflada hadalo taabanaya baahiya Iskuulka Iyo Ardayda ka jeediyay G/Xigeenka Degmada Wajaale.
Dhamaan Masuuliyiintii madasha ka hadley oo baaq dheer udirey Wasaaradda tacliinta ayaa ku nuux nuuxsadey in si deg-deg ah iskuulkani uhelo, 1. Dhisme uu Dugsigu yeesho.
2. In macalimiinta si dhakhso ah loo Gunayneeyo
3. In Dugsigu helo Qalabaynta/Agabka Waxbarashada sida:- Bugaagta Manhajka Waxbarashadda JSL ee Fasalka1aad, Kuraasi Iyo Miisas, maadaama oo Ardaydu hada Dhulka Iyo Daasaddo ku fadhiistaan.

4. Iyo in W.Waxbarashaddu ay Diiwaan-galiso Iskuulka cusub ee Tuur-Caanood.

01/09/2018
01/09/2018

Md.Madaxwayne waxaanu ka markhaati nahay in Wasiir Seed uu yahay, Masuul Xilkii & shaqadii qaranku u igmadey sifiican uga soo dhalaaley.

Laakiin Nasiib darro Deegaanka Wajaale Iyo Gabilley, oo horeba iyagu Beeralley u ahaa hada kuma filna shaqada uu ka waddo Wasiir Seed.

Md.Madaxwayne Deegaankani wuxuu haraad wayn uqabaa, Kaabayaaha Adeeg Waxbarasho oo hufan Iyo In Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska JSL, uu shaqadiisa qabsado.

Want your business to be the top-listed Government Service in Gebiley?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Dhulka Somalidu Degto
Gebiley
2533