21/11/2025
Hambalyo macalinka soomaaliyeed
Si gaara macalimiinta Salman Al-Faris
Waad ku mahadsantahay macalin dadaalkaaga iyo kartidaada ku aadan Soo saarista jiil wanaagsan
HOOYGA TAYADA IYO AQOONTA WAA SALMAN AL-FARIS PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL
KU SOO BIIR SALMAN AL-FARIS SCHOOL
21/11/2025
Hambalyo macalinka soomaaliyeed
Si gaara macalimiinta Salman Al-Faris
Waad ku mahadsantahay macalin dadaalkaaga iyo kartidaada ku aadan Soo saarista jiil wanaagsan
Tacsi
Dhamaan maamulka, macalimiinta, ardayda iyo bahda Salman Al-Faaris primary and secondary school waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu baxay allaha unaxariistee Liibaan Maxamad xersi oo kamid ahaa ardaydii ka qalinjebisay Iskuulka sanad dugsiyeedkii 2023-2024
Waxaan allah uweydiineynaa inuu ku irsaaqo janadiisa firdowsa
Uduceeya walaalkeen
05/10/2025
5 October Happy world teacher's day
5ta Oktoobar Maalinta macalinka Aduunka
Dedaalkaaga iyo xiisaha aad u qabto waxbarashada ayaa na dhiirigeliya dhammaanteen. Waad ku mahadsan tahay wax kasta oo aad qabato macalin
Salman Al-Faaris primary and secondary school
school
14/09/2025
Tacsi
إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka Iskuulka oo ku hadlaya magaciisa iyo dhamaan magaca bahda Salman Al-Faris waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelkii uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee si gaara ardaydeenna reer Ciise Xaashi
اللهم اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه، وأكرم نزله ووسع مدخله، واغسله بالماء والثلج والبرد، ونقه من الذنوب كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس .
اللهم أنزله منزلًا مباركًا، وأنت خير المُنزلين .
اللهم اجعل قبره روضة من رياض الجنة ولا تجعله حفرة من حفر النار .
اللهم أسكنه فسيح جناتك وارزق أهله الصبر والسلوان .
اللهم إنه عبدك وابن عبدك وابن أمتك، مات وهو يشهد لك بالوحدانية، ولرسولك بالشهادة فاغفر له إنك أنت الغفار .
يا رب اجعل له نوراً في قبره، واجعل قبره روضة من رياض الجنة، وأنزل عليه الرحمة والسكينة
04/09/2025
Maamulka Iskuulka Salman Al-Faaris primary and secondary school waxa uu bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaan ummada muslimka ah la qaybsanayaa Munaasabada dhalashada nabiga scw oo ah 12 Rabiicul-awal
Nabigeena Muxammad NNKH waxa uu ahaan naxariis loo Soo diray dunida
Sidoo kale waxa uu ahaa Bare dadka bara wax walba oo badbaadin u ah diintooda iyo aduunyadooda
مــحــمــد ﷺ خير خلق الله
03/09/2025
Ugaar ah gabdhaha
Dhamaan waalidiinta Iskuulka iyo ardayda gaar ahaan gabdhaha waxaa lagu war galinayaa inaan la ogoleyn walxaha ku xusan sawirka hoose.
Mahadsanidiin
03/09/2025
Ugaar ah wiilasha
WARGALIN MUHIIM AH
Dhamaan waalidiinta Iskuulka iyo ardayda sii gaara wiilasha waxaa lagu war galinayaa in aan la ogoleyn
🚫Food/jeego
🚫 Surwaalka jeebabka leh
Mahadsanidiin
03/09/2025
WARGALIN MUHIIM AH
Dhamaan waalidiinta iyo ardayda Iskuulka waxaa lagu war galinayaa in waxyaabaha hoos ka muuqda ay mamnuuc ka yihiin Iskuulka ardaygana aan loo ogolayn waxyaabahaas in uu usoo qaato Iskuulka
🚫📱 Taleefan
🚫🎧 (dhego)
🚫😷 Mask
🚫Niqab (indha-shareer)
🚫Cimamad
🚫🧢 Koofi
Mahadsanidiin
25/08/2025
Hambalyo dhamaan ardayda fasalka 12aad iyo fasalka 8aad ee kasoo gudbay imtixaanka qaranka iyo Galmudug
25/08/2025
Hambalyo & Mahadcelin
Waxaan ku hambalyeynayaa dhammaan muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Rabiicul-awal, bishii uu ku dhashay iftiinka adduunka, Rasuulkeenna Maxamed (SCW). Waa bishii nimcada, rahmada iyo hanuunka.
Waxaan Alle (SW) uga mahadcelineynaa inuu na waafajiyay inaan mar kale gaarno bishan qiimaha badan, waxaanan baryeynaa inuu nagu anfaco barakadeeda, qalbiyadeenna ku kordhiyo nabiga jacaylkiisa, camalkeennana ku waafajiyo sunnadiisa.
Rabiicul-awal Mubaarak!
تهنئة وشكر
نهنئ الأمة الإسلامية بحلول شهر ربيع الأول، شهر ميلاد خير البرية، نبينا محمد ﷺ، شهر الرحمة والنور والهداية.
نحمد الله سبحانه وتعالى أن بلغنا هذا الشهر المبارك، ونسأله أن ينفعنا ببركته، ويملأ قلوبنا بمحبة نبيه، ويوفقنا لاتباع سنته.
ربيع الأول مبارك 🌸
24/08/2025
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa sheegtay in ay galabta 4:00pm shaacin doonto natiijada imtixaankii qaranka fasalka 12aad 2024-2025
Halka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug ay sheegtay in ay maalinta bari ah oo Isniin ah ay shaacin doonto natiijada imtixaankii 8aad ee 2024-2025
Dhamaan waxaan natiijo wanaagsan urajeyneynaa ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa reer Galmudug intaba
Sidoo kale waxa uu iskuulku natiijo aad u wanaagsan urajeynayaa bahda Salman Al-Faaris primary and secondary school
Oo isugu jira fasalka 12aad iyo fasalka 8aad
Mahadsanidiin