20/03/2022
Ururka Dhalinyarada Mustaqbal
Wacyigalinta dhalinyarada Ururka Dhalinyarada Mustaqbal
20/03/2022
06/02/2017
Barlamaanka somali markii ay dhageyateen musharaxiinta ayay isla garteen iney doortan maadam uu yahay halyey waqti iyo nafba u huray dalka
28/01/2017
Mushsarax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu iska diiwaan geliyay xarunta gudiga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan 2017-ka isaga oo buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay buuxiyaan musharixiinta.
Jabriil Ibraahim Cabdulle oo xarunta gudiga doorashada madaxweynaha ee Villa Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa guddiga uga mahadceliyay shaqada adag ee ay u hayaan bulshada, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu buuxiyo suruudaha, waxa uuna u rajeeyay in doorashadu guul ku dhamaato
15/11/2016
15 MAALMOOD OO KALIYA OO KA HARAY IN MADAXWEYNE JABRIL UU SI RASMI AH ULA WAREEGO XILKA HOGAANKA QARANKA SOOMAALIYEED. Xafladii ku dhawaaqista musharaxnimada xilka madaxweynaha ee Halyey Jabril Ibrahin Cabdule ee 19/09/2016 ka dhacday City Plaza Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa dalkeena Soomaaliya ka dhalisay isbadel cusub oo siyaasadeed kadib markii taageerayaal tiradoodu kör u dhaaftay 15 Kun oo qof ay buux dhaafiyeen Hotelka iyo dhamaan wadooyinka ku hareereysan waxaana fashilmay isku day lagu doonayay in lagu hor istaago in ay xafladaas dhacdo, waxeyna taageeradaas si cad u muujisay in aan cidna hor istaagi karin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Guushaas taariikhiga ah waxa ay horseed u noqotay in laga bilaabo maalintaas 19/09/2016 halyey Jabril loogu yeero Madaxweyne Jabril Ibrahin Cabdule, Hobolada Qaranka ee WAABERI ayaa hees la magac baxday JABRIL OO GALBINAYA xambaarsana DUCO iyo AMAAN kala dul dhacay Madaxweyne Jabril iyadoo 20 hees oo kale oo taageero ah soo bandhigeen Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta, Kooxda Horseed ee Xooga dalka iyo Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska iyo sidoo kale fanaaniinta caanka ah Hodan Africa, Iskalaaji, Cabdi Baadil, Cabdi weli Resta iyo Hodan Cabdi raxmaan. Safarkii taariikhiga ahaa ee madaxweyne Jabril uu ku tagay 29/09/2016 magaalada Baydhabo ( South West State ), safarkii uu ku tagay 06-8/10/2016 magaalooyinka Garowe, Qardho iyo Boosaaso ( Puntland State ) iyo sidoo kale safarkii uu 19/10/2016 magaalada Kismaayo ( Juba land State ) ayaa si cad u muujiyay taageerada balaaran oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan Madaxweyne Jabril Ibrahin Cabdule . Xafladii mucjisada aheyd ee 22/10/2016 ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si cad ugu muujisay taageerada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan madaxweyne Jabril iyadoo ay guulahaas oo dhan hordhac u yihiin in Madaxweyne Jabril Ibrahin Cabdule uu 30 maalmood kadib 30-November 2016 uu si rasmi ah ula wareegi doono xilka hogaanka qaranka Soomaaliyeed Insha Allaah. By. Muse Mohamed Osman
14/11/2016
MADAXWEYNE JABRIL OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY. Madaxweyne Jabril Ibrahin Abdule ayaa maanta oo taariikhiga tahay 14/11/2016 dalka dib ugu soo laabtay isagoo kasoo degay garoonka diyaaradaha Aden Ade International Airport kadib markii uu safar taariikhi ah kusoo kala bixiyay dalalka UK, UAE ( United Arab Emirates ) iyo Kenya. Madaxweyne Jabril ayaa sheegay in uu madaxda dalalkaas kala hadlay sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen dib u heshiisiinta iyo isu keenida shacabka Soomaaliyeed, dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya qaniga ku tahay. Madaxweyne Jabril ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay geesiyaal diyaar u ah in ay naftooda iyo maalkoodaba u huraan jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
26/10/2016
Alhayow niin gesi ah wajibkiis gudan kaara xilka qaran gudonsii masha alha guusha waa so dhawadahay jabriil ibarhim cabdule sacabka siye sona dhaweya madaxweynaha mustaqablka dhaw
30/09/2016
29/09/2016
Waxaa maanta Magaalada Baydhaba ee gobalka Bay lagu soo dhaweeyey Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Hamar
252
