Wacyigelinta kaalmaha biyaha Hargaysa
Hargeisa Water Quality Control Laboratory
Hargeisa water quality control laboratory
16/06/2022
Waxa caawa 15 June, 2022, Cabaaro 11:51PM si habsami ah u dhamaystirmay tijaabadii aanu ku samaynanay Mashruuca Biyaha qaybihiisa ceelasha biyaha, Xarunta Biyo-soo-saarka cusub iyo dhuumaha cusub ee imanaya magaalada.
Waxa aan u mahad-naqayaa dhamaan hawl-wadeenadii 48-kii saac ee lasoo dhaafay si aan nasasho lahayn uga hawl- galay dhamaystirka hawsha tijaabada haddii ay yihiin mas'uuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa, bahda Shirkadda Razel Water Solutions iyo saraakiisha Hay'adda UN-HABITAT.
Badqabka biyahu waxay qayb ka yihiin ka hortaga xanuunada biyaha ka dhasha ( Water Born Diseases) , Sidaa daraadeed Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha ee Wakaalada Biyaha Hargeisa waxay si joogta ah u daaweeyan ( WATER TREATMENT) biyaha Ceelahsa Wakaalada si ay bulshado u hesho biyo tayo leh. Hadaba waxanu bulshada uga digayna in ay iska ilaaliyan biyo kasta aan la daaweyn lagana so qaado ceelasha aan tayadooda la hubin.
17/04/2022
Waxa aanu hawlaha horumarineed ee Ka socda Wakaaladda iyo mashruuca biyaha Warbixin ka siinay aasaasaha Hay'adda Pharo Foundation, Guillaume Fonkenell iyo Farax Jirde Xuseen, oo iyadna ka mid ah Guddida sare ee Hay'adda Pharo, sidoo kalena ah aasaasaha labaad ee Hay'addan. waxa kulan ay noogu yimaadeen ku wehelinayay Maamulka Hay'adda Pharo ee Somaliland.
Madaxda Pharo Foundation waxa ay booqasho ku tageen Xarumaha Wakaaladda ee uu ka midka yahay Shaybaadhka Hubinta Biyaha Hargeysa.
03/03/2022
Waxa maanta xarunta guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa nooga furmay tababar ku saabsan QUALITY MANAGMENT. Tababarkan oo aad muhiim u ahaa kobcinayana tayada shaqada iyo shaqaalaha. Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha ee wakaalada biyaha hargeisa (Hargeisa Water Quality Control ) waxay u mahad celinaysa Eng. Mohamad A Muse iyo Maamulka Wakaalada Biyaha. Mohamed Ali Ahmed Darod
25/02/2022
Research Paper Presentation: Microbial Analysis Of Drinking Water From Randomly Selected Boreholes and Shallow Wells Around Hargeisa, Somaliland.
-Mohamud Ahmed Farah
Abaarso Tech University
22/02/2022
Mohamoud Ahmed Farah oo ka mid ah Madaxda Shybaadhka Hubinta Tayada Biyaha ee Wakaalada biyaha Hargeisa ayaa maalinta beri kuso bandhigi doona Jaamacada Abaarso Tech daraasad(Research Paper) ku saabsan Tayada Biyaha magaalada Hargesia.
12/01/2022
Shaqaalaha Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa oo booqasho ku tagay dalka kenya oo u jeedadiisu ahayd aqoon is waydaarsi iyo wadashaqayn labada dhinac ah.
# Hargeisa Water Quality Control Laboratory waxay u mehed celinyaynaa maamulka Wakaalada Biyaha Hargesia qaar ahaan Mareeyaha guud ee WBH Ali Darood oo gacan weyn naga siiyay inuu noo hirgalo aqoon is waydaarsigaas iyo wadashaqaynta labada dhinac.
01/12/2021
Ambassador Tiina Intelmann, safiirka Midawga Yurub(EU) ee Somaliland/Somalia oo booqasho ku timid xarumaha Wakaaladda. EU-da ayaa taageerta mashruuca Biyaha ee Geed-deeble-Hargeysa. Safiir Tiina Intelmann oo ku joogta Dalka Safarkeeegii u h**eeyay, ayaan uga mahadnaqayaa booqashada ay ku timid Xarumaha Wakaaladda.
14/09/2021
Waxa aanu kulan kula qaadanay Xarumaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Amb.Kate Foster oo ah Safiirka Dawladda UK ee Somaliland/Somalia iyo wefti ay hoggaaminayso oo ka kala socday xafiiska Dawladda UK u qaabilsan Horumarinta Debedda(FCDO) iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Xarunta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa iyo goobta uu ka socdo dhismaha Keyd qaadi doona 4183 Cubic metre oo gebogeb ku dhaw, noqon doonana keydka wayn ee magaalada ayaa ka mid ah goobaha ay Safiirku booqatay.
Dawladda UK ayaa ka mid saaxiibada Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah. Waxa ay Dawladda UK sidoo kale ka midtahay Dawladdaha taageerada ugu balaadhan ku leh mashruuca Biyaha Hargeysa iyo hindisii h**e ee Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa oo uu gacan ka geystay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Kordhinta ceelasha Biyaha iyo soo-ururintooda, bixinta dhaqaalihii ku baxay dhuumaha 23km ah ee Geed-deeble ilaa Hargeysa iyo Hirgalinta nashqaddii iyo sahamintii h**e ee mashruuca biyogalinta magaalada gudaheeda ayaa ka mid ah qaybaha uu taageeray Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo gacanta dhaqaale ee ugu badan ka hela Dawladda UK.
31/08/2021
Maxay daarnayd Daraasadda Tayada Biyaha Mooya-Sixada ee maanta lasoo bandhigay?
Daraasad lagu eegayey Tayada biyaha Mooya-sixada ayaa maanta Shirkaddaha soo saara Biyaha mooya-sixada, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka , Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka iyo maamulka Wakaaladda Biyihu kaga arinsadeen xarunta Wakaaladda ee Hargeysa.
Daraasaddan oo dulucda waxyaabaha kasoo baxay ay noqotay in biyaha mooya-sixada dalku ay guud ahaan yihiin kuwo ku haboon cabitaanka marka loo eegayo heerka ay u udejisay Hay’adda Caafimaadka aduunku (WHO) iyo heer-tayeedyada ay dejiyeen Waddamada Bariga Africa ayaa sidoo kale iftiimisay qodobo ay ka midyihiin: in 1) in macdanaha aasaasiga ah ee biyaha dabiiciga ah ku jira ay aad hoos ugu dhacaan marka la sifeeyo biyaha loona baahanyahay in kor loo qaado, 2) in noocyada biyaha ee waaweyn(18 litre) maadaama oo dib loo buuxiyo ay keento in ay ku dhalato il-maqabatiga bakteeriyada ah waxa ka mid ah (E.coli iyo Total Coliform), loona baahanyahay in xal loo helo 3. In la is waafajiyo qoraalka weheliya caagadaha mooya-sixada(Label) iyo macdanaha ku jira biyahaas.
Ugu damabayntii, waxa si wadir-jir ah la iskula qaatay in guddi farsamo oo ka kooban Shirkaddaha biyaha mooya-sixada iyo Hay’addaha Dawladda ee ku shaqada leh loo saaro, si loo hirgaliyo talo-soo-jeedintii kasoo baxday cilmibaadhistan oo ahayd wajiga labaad ee daraasaddii lasoo bandhigay horaantii bisha July,2021, (Assessment of water Quality and Safety of commercial sources supplying water to Hargeisa).
Waxa fuliyey daraasaddan Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa ee Wakaaladda Biyaha.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Hargeisa
