Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag
Ka mid noqo isbedelka, taageer Talo-Wadaag.
Magaalada qadiimiga ah ee Cadaadlay oo si qiiro leh u so dhaweyay gudoomiye Ibrahim mahdi buba .
Magaaladaa oo gudomiyuhu ku so khatimay socdaalkisi baraarujinta bulshada G36 .
Waxay dhalinta iyo bulshada Cadaadlay u balan qaadeen in ay codkooda ugu hibayn doonaan Cabdiraxman maxamed cabdilahi ciro iyo ururkooda Talo-wadaag.
Magaalada Xidh-xidh oo magaceedi loo badalay Furfur oo si aan kala hadhlahayn u so dhawaysay gudomiye Ibrahim mahdi buba balana qaaday in codkooda ay hagar la'aan u siin doonaan urur koodaTalo-wadaag.
09/11/2024
Hoggaanka Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag oo safaro dhaadheer ku soo maray deegaano hoos taga Maroodijeex, Daadmadheedh iyo Togdheer ayaa ku soo wacyi geliyay codbixiyayaasha inay ka wada qayb qaataan Isbedelka dalka ee madaxtinimo, sidoo kalena u codeeyaan Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag,waftigan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dhamaan deegaanadaasi, waxa uuna socdaalkani ku soo dhamaaday is afgarad.
09/11/2024
Gudoomiyaha urur siyasadeedka Talowadaag ibrahim mahdi buubaa oo mudooyinkii ugu danbeeyay socdaal shaqo ku marayay gobolada Somaliland ayaa safar shaqo ku tagay deegaanada beerato,xaaxi,galoolay,qaloocato iyo xidhxidh.
Guud ahaan dadka deegaanadaasi ayaa cudud taageero u muujiyay urur siyasadeedka Talo-wadaag iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin urur siyasadeedka Talo-wadaag.
Gudoomiye Ibraahim mahdi buubaa ayaa u mahad celiyay dadka deegaanadaas sida miisaanka leh ay u soo dhaweeyeen Una garab is taageen urur siyasadeedka Talo-wadaag.
07/11/2024
***MAGACAABIS***
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag Mudane Ibrahim Mahdi Buubaa waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay Khamiis, 07/11/2024 magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag.
Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale faray dhamaan hawl wadeenada iyo madaxda ururka inay maanta laga bilaabo la shaqeeyaan masuulkaas.
07/11/2024
Muraaqibiinta Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag ee gobolka Togdheer oo maanta lagu dhaariyay magaalada Burco, iyagoo uu u soo dhamaaday tababarkii muraaqibnimo.
06/11/2024
Gudoomiyaha urur siyasadeedka Talowadaag ibrahim mahdi buubaa ayaa magaalada oodwayne tababar uga furay munaaqibiinta gobolka daadmadheedh ee urur siyasadeedka Talo-wadaag.
Gudoomiye Ibraahim mahdi buubaa ayaa dardaaran iyo waano u jeediyay shaqaalaha goobaha cod bixinta ee ururka Talo-wadaag ee gobolka daadmadheedh.
06/11/2024
Waxa saaka magaalada oodwayne laga daah furay tababarka munaaqibiinta urur siyasadeedka Talo-wadaag tababarkaasi oo uu furay Gudoomiyaha urur siyasadeedka Talowadaag ibrahim mahdi buubaa.
Gudomiye Ibrahim mahdi buubaa ayaa dardaaran iyo waano u jeediyay shaqaalaha goobaha cod bixinta ee gobolka daadmadheedh ee urur siyasadedka Talo-wadaag.
Click here to claim your Sponsored Listing.
