29/03/2026
Wafti uu hogaaminaayay Agaasimaha waaxda Tamarta ee Komishanka Tamarta JSL Eng Khadar Maxamuud Guuleed oo ay weheliyaan Engineerada waaxda Tamarta ayaa safar shaqo oo ay ku tegay Gobolka awdal gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo dila.
Safar kaasi oo daarnaa u kuurgalida xaaladaha koronto iyo Dardargalinta Hawlaha Liisamada Korontada ee shirkadaha bixiya adeega korontada ee magaaloyinkaasi.
Sidoo kale Agaasimaha waaxda ayaa shirkadaha ku adkeeyeey kor uqaadida Bedqabka korontada iyo xoojinta wacyigalinta xili roobadka.
Ugu dambayntiina agaasimaha waaxda oo ay weheliyaan Injineeradu ayaa kormeer ku tagay Xarumaha dab dhalinta iyo Laymanka koronto ee labada shirkadood (Awdal Electric Company iyo Dila Electric Company)
Allah Mahad-leh
Abdifatah Kaarto
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Warbaahinta ee KTS.
27/03/2026
Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta JSL Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi Malow ayaa ka qayb-galay Shirka Sannadlaha iyo Shirwaynaha Guud ee African Forum for Utility Regulators (AFUR) oo lagu qabtay magaalo Xeebeedka Swakopmund, ee Dalka Namibia.
Kulankan muhiimka ah, oo ay martigelisay Haay'adda Korontada Dalka Namibia Electricity Control Board Namibia, waxa uu isu keenay Madaxda haay’adaha Nidaaminta utility ga, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo Deeq-bixiyayaasha ee qaaradda Afrika si ay u wadaagaan aqoontooda, una xoojiyaan iskaashiga dhexdooda , isla markaana u horumariyaan mustaqbalka nidaaminta adeegyada Utility ga Sida Tamarta, Biyaha Iyo Transportation ka iyada oo laga faaidaysanayo Doorka Hal-Abuurka Technology ga ee Nidaaminta.
Shirkaas oo uu Agaasimaha Guud kula kulmay Madaxda AFUR iyo Madax kale oo Ka socday Hay'adda Tamarta Africa.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta Ee KTS.
23/03/2026
Fariin wacyi gelin oo ku saabsaan khataraha Korontada ee dhaca ama ka dhasha xilli Roobaadka.
"Muwaadin ka fogow Goobaha biyo fadhiisinka ah ee u dhow ama ay ku jiraan qalabka koronto sido kale ka digtoonow in aad u dhawaato ama aad taabato biraha, xadhkaha iyo dhamaan Qalabka Korontada ee Qoya xilliga Roobka."
22/03/2026
Fariin wacyi gelin oo ku saabsaan khataraha Korontada ee dhaca ama ka dhasha xilli Roobaadka.
"Muwaadin ka fogow Goobaha ay ku jiraan qalabka koronto sido kale ka digtoonow in aad u dhawaato ama aad taabato biraha, xadhkaha iyo dhamaan Qalabka Korontada ee Qoya xilliga Roobka."
19/03/2026
Bismillahi Raxmaani Raxiim
Dhamaan maamulka Komishanka Tamarta JSL oo uu u horeeyo, Gudoomiyaha Komishanka Tamarta JSL M.D Xasan Sheekh Maxamuud Suufi, Gudoomiye ku xigeenka Komishanka M.D Cabdirisaaq Maxamed Cumar, Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta M.D Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) iyo Dhamaan Agaasime Waaxedyada Komishanka Tamarta iyo sido kale Dhamaan shaqaala weynaha Xafiisku waxay idiin ku Hambalyaynaya Munaasibadda Bilashada Ciidul Fidri.
Hambalyo Dhamaantiin
Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee KTS.
17/02/2026
Hambalyadda Mas’uuliyiinta Komishanka Tamarta JSL ay u direen dhamaan umadda muslimka ah meel kasta oo ay joogan, bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed.
17/02/2026
“Mas’uuliyiinta Komishanka Tamarta JSL oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Komishanka Tamarta M.D Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiye ku Xigeenka M.D Cabdirisaaq Maxamed Cumar,
Agaasimaha guud M.D Maxamad Maxamuud Cabdi (Malow), dhamaan Agaasime waaxeedyada Komishanka Tamarta, iyo sido kale dhamaan shaqaalaha Komishanku waxa ay idiinku Hambalyaynayaan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.”
17/02/2026
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐨𝐫𝐨𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Mashruuca Ballaadhinta Korontada Magaalada Berbera. Mashruucan oo ah mid istiraatiiji ah, waxa uu wax weyn ka tarayaa adeegga tamarta iyo koboca dhaqaalaha ee guud ahaan Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.
Mashruuca ballaadhinta korontada Berbera (5WP PV Solar iyo Gudbinta Korontada 33KV --11.2 km) ayaa waxa uu si rasmi ah u xaqiijinayaa fulinta ballan-qaadkii Madaxweynaha JSL ee ahaa in bulshada reer Berbera ay helaan adeeg koronto oo jaban, joogto ah oo la isku hallayn karo, isla markaana daboolaya baahida sii kordhaysa ee magaalada Berbera, oo ah halbowlaha ganacsiga dalka.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in koronto la isku hallayn karo ay laf-dhabar u tahay maalgashiga, warshadaha, adeegyada bulshada iyo shaqo-abuurka.
Mashruucan waxa uu ka mid yahay qorshaha guud ee ay Xukuumaddu ku tayaynayso kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka istiraatiijiga ah, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka waara.
Xadhig-ka-jarka Mashruuca Ballaadhinta Korontada Berbera
(5WP PV Solar iyo Gudbinta Korontada 33KV (11.2 km) waxa uu astaan u yahay Madaxweyne ay himiladiisu tahay Wadajir iyo Waxqabad oo muujiyey karti iyo daacadnimo.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇.
06/02/2026
" Midaynta Xafiisyada War-isgaadhsiinta ee dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waa tallaabo istiraatiiji ah oo kor u qaadaysa
Midaynta fariimaha Dawladda iyo astaamaha Qaranka
waana jid cusub oo lagu xoojinayo midnimada, kalsoonida shacabka, iyo sumcadda Qaranka.”
29/01/2026
Komishanka Tamarta JSL oo Amar dul dhigay Shirkadda Korontada SEPCO ee Magaalada Ceerigaabo Fulinta Amarkii Qiimo Dhimista korontada isla markaana Biilasha ku soo dalacaan 0.59 Cents.
Bulshadana waxa lagu wargalinayaa in aanay bixin karin Biil ka badan 0.59 cents
21/01/2026
𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈
( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Dhamaan maamulka Komishanka Tamarta JSL oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Komishanka Tamarta, Gudoomiye ku xigeenka, Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta, Dhamaan agaasime Waaxedyada, Iyo sido kale dhamaan Shaqaalaha Komishanka Tamartu , waxa ay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan, Cabdimaalik Maxamed Meecaad, oo uu aabihii Maxamed Meecaad maanta xaqii u yimid.
Allah SWT Waxaan uga baryaynaa in uu Marxuumka Jannatul Firdawsal Aclaa ka waraabiyo, Ehelka, Qaraabada iyo Qoyskii uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.