Wadada isku xidhaysa degmooyinka sallaxley iyo balimataan oo maanta qorshaha sahankeedu ka bilaabmay qoolcaday.
Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley
Waa boga rasmigaa Dawlada Hoose Degmada salaxley. This is official page of Sallahley local government
SALAADII CIIDA IYO DEGMADA SALLAXLEY
19/03/2026
Eid Mubaarak
Dhamaan umada muslimka ah guud ahaan gaar ahaan umada reer somaliland, khaasatan bulshada balaadhan ee ku dhaqan degmada sallaxley.
Ilaahay acmaashii bisha ramadaanta ha inaga aqbalo.
Wasiir xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha
Yuusuf Nuux Yuusuf ( tadhase) ayaa Maanta waxaa uu soo xidhay koobkii kubada cagta bisha ramadaan ee degmada sallaxley.
Koobkaas oo uu maalgaliyay suxufi khaalid foodhadhi ayaa waxaa ku tartamayay sideed kooxood waxaana finalka iskugu soo hadhay labada kooxood ee Dawlada hoose ee sallaxley iyo kooxdii ku ciyaaraysay magaca musharax khaalid foodhadhi waxaana ay ku kala baxeen gool ku laad ay guushu raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca musharax khaalid foodhadhi.
Xukuumada wadajir iyo Waxqabad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7/3/2026 ku wareejisay xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degmada Sallaxley gaadhi Hilux ah.
Haayada Asal oo deeq biyo iyo calafka xoolaha ah u qaybisay laba tuulo oo ka tirsan degmada sallaxley.
Haayada ayaa h**e deeq lacag ah ugu qaybisay labadan deegaan.
26/02/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/02/2026 maalin khamiis ah waxaa hoolka shirarka dawladda hoose ee degmada sallaxley ka dhacay shirkii khamiislaha ahaa kaas oo uu hogaaminayay Xoghayaha fulinta dawladda hoose Mudane Hukun Hashi Osman
26/02/2026
Ololaha Nadaafada oo bil kasta khamiista ugu danbaysa laga fuliyo degmada sallaxley ayaa saaka laga fulinay degmada gudaheeda.
Ololahan oo uu hogaaminayay soona qaban qaabiyay agaasimaha arimaha bulshada dawlada hoose Mr Khadar Gaas ayaa waxaa ka qayb qaatay Xoghayaha Fulinta Dawlada hoose Hukun Hashi Osman xildhibaanada golaha deegaanka, shaqaale waynaha dawlada hoose, ururada bulshada, bahda Caafimaadka, mamulka iyo ardayda dugsiga hoose dhexe ee degmada iyo dadwaynaha magaalada degan .
Xashiishku intuu kuu jiruu xanuunkuna kuu jiraa.
23/02/2026
Waxaa magaalada Daroor ka qabsoomay kulan udhexeeyey labada degmo ee Daroor iyo Salaxlay
Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa is-xogwaraysi guud, maaddaama labada degmo ay wadaagaan dad iyo dano ballaadhan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin qodobadan
• Iskaashiga amniga labada degmo
• Iskaashiga la tacaalidda xaaladda abaarta
• Isu-socodka iyo ganacsiga
Masuuliyiinta labada degmo ayaa si qoto dheer u gorfeeyey qodobadan iyagoo isla qaatay in wakhtigan ay leeyihiin ahmiyad gaar ah Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, laguna dadaalo fulinta qodobada lagu wada hadlay.
Ugu dambayn Ka maamula degmo ahaan waxaan u mahadcelinayaa maamulka Degmada daroor oo sidii wanaagsanayd ee ay noogu soo dhaweeyeen Degmada daroor.
Mahadsanid musharax Khaalid Foodhadhi sida qiimaha badan ee aad ula dareen tahay dadkaaga iyo deegaanka degmada Sallaxley una garab taagan tahay mar kasta.
Hadaanu nahay maamulka degmada sallaxley waxaanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo ka shaqaynaysa horumarka iyo waxtarka degmada.
17/02/2026
Ramadaan karim dhamaan umada muslimka ah guud ahaan gaar ahaan bulshada somaliland,si gaar ah Reer Sallaxley ayaan leeyahay ilaahay acmaasha bisha ramadan ha inaga aqbalo.
Aamin Aamiin
Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley
Maxamed Xaashi Cisman ( Xukun )
Waxa maanta galinkii danbe uu dab qabsaday xaafad ka mid ah deegaanka Ina guxaa ee DEGMADA SALLAXLEY ,halkaas oo ay dhammaanba ku baaba,een laba aqal soomaali iyo wixii hoosyaalay ee hanti ahaaba.
Ma jirin wax waxyeelo Nafeed ah oo ku waxyeeloobay, masuulka xaafada dhibaatadu Soo gaadhay ayaa ahaa Muuse ibraahin maxamed( Muuse xiiray)
Maamulka dawlada hoose ee degmada sallaxley ayaa gaadhay xaafada dhibku Soo gaadhay una fidiyay gurmad taakulo ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Wadada Cad
Hargeisa
