Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex Xisbiga Waddani

Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani

Share

Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Waddani

13/08/2025

๐—•๐˜‚๐˜‚๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ & ๐— ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฐ๐—ถ๐—ด๐—ฎ: ๐—ณ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ป ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป

Hordhac:

Somaliland siyaasiyiinteeda loogama baran inay la yimaaddaan qorshe iyo siyaasad hoggaamiyeed oo lagu qiimayn karo. Ma jirin siyaasi u socda kursiga hoggaaminta guud ee dalka, oo inta uu hayaanka ku jiro la yaqaanno aragtiyihiisa arrimaha mudnaanta qaran leh.

Xirsi Cali X. Xasan oo h**e laba buug u qoray, Miyiga Ilaa Madaxtooyada iyo Hodanka Baahan & Himiladaydu, waa siyaasiga qudha (inta ogaalkayga ah) ee bulshada soo hor dhigay ajandayaashiisa siyaasad-hoggaamineed ee qaranka. Tan macnaheedu waa in Xirsi aynnu sii garan karno iminka qaar ka mid ah (bal e kuwa ugu muhiimsan) aragtiyihiisa ku aaddan dhinacyada horumarinta dawladnimada iyo dadka.

Haddaba, buugga cusub ee 18kii July uu soo bandhigay Xirsi Cali X. Xasan, lana yidhaahdo Miisaanka Caddaaladda & Muhiimadda Sharciga, wuxuu ibo fur u yahay silsilad cusub oo qoraagu u bixiyay Nasteexo, taas oo uu kaga warrami doono dhismaha dawladnimada iyo hoggaaminta bulshada. Maqaalkanna waxa aynu is dul taagi doonnaa buuggaa cusub ee aragtiyaha qoraaga ee dibuhabaynta caddaaladda iyo hayโ€™adda garsoorka qaranka.

Tibaax guud:

Dhiganahan/Buuggan โ€œMiisaanka Caddaaladda iyo Muhiimadda Sharcigaโ€ waa dhigane qiimo badan oo xanbaarsan aqoon ballaadhan oo shuruucda dalka ku saabsan. Waxa uu sidaa xog qof kasta oo akhriya kor u qaadaysa ogaalkiisa nidaamka caddaaladeed ee dalku sida uu u shaqeeyo, islamarkaana xoojinaysa fahamkiisa ku aaddan Waaxda Garsoorka ee Qaranka.

Waa buug isagoo kale uu naadir ku ahaa saaxadda qoraalka iyo akhriska soomaalida. Taa waxa ka dhigay: 1) mawduuca uu ka hadlayo oo aanay h**e u jirin cid sida uu uga hadlayo wax uga qortay, haddii la qorayna in si kudhac leh looga qoro oo toosh siddeed dhagaxle ah lagu ifiyo xaqiiqada jirta oo sidiisa looga badheedho, may dhicin; iyo 2) in qofka qoray yahay siyaasi u socda kursiga hoggaamineed ee u sarreeya dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Buuggani wuxuu lafogur iyo falanqayn qoto dheer ku samaynayaa caddaaladda iyo garsoorka JSL. Waa aqoon, waa daraasad, waa xog, qof kasta oo bulshada ka mid ah anfacaysa, ogaalkiisana kordhinaysa; mar kalena waa dhaliil iyo daah ka faydidda goldaloolooyinka iyo caqabada marin u helidda caddaaladda dalka ku gudban. Taas oo sida ka muuqata ujeeddada qoraagu ka leeyahay tahay โ€œmarka xog la helaa talo helaaโ€, oo aan uga jeedo marka caqabadda iyo goldaloolada jira la ogaado ayaa xalka iyo dibu habayntu iman karaan.

Intii aan buuggan akhriyay, waxaa iiga kordhay xog aad u badan. Mar wuxuu i galinayay niyad-jab ah in 30 sano ka dib garsoorka iyo caddaaladda dalka caqabado iyo goldoloolooyin aad u badani ku gedaaman yihiin. Taas oo duunkayga damqaysay. Waayo caddaaladdu waa tiirka jiritaanka dawladnimo iyo umaddeed labadaba.

Mar kalena wuxuu i galinayay yididiilo ah inay rejo soo muuqato mustaqbalka. Waayo qoraaga buuggani inuu yahay Xirsi Cali X. Xasan oo ah hoggaamiye siyaasaddeed oo caan ah isla markaana wakhti xaadirkan haya xilka Guddoomiyaha xisbi-xaakimka talada dalka haya, waa mid saamaynteeda leh. Waa tallabo runtii qof walba ku abuuraysa yididiilo iyo rajo weyn oo uu ka fisho mustaqbalka bulshada iyo dalka Soomaaliland.

Waayo, in qof mansabkaas iyo saameyntaas leh uu wakhti galiyo in uu buug ka qoro caqabadaha ka jira nidaamka garsoorka dalka iyo talaabooyinka xal u noqon kara ee suurtogelin kara in la helo garsoor madax-bannaan oo dhexdhexaad ah, waxa ay muujinaysaa sida ay uga goโ€™an tahay isaga iyo xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay in wax laga qabto mid ka mid ah arrimaha ugu adag ee qarankan horyaalla.

Tani waxay si gaar muhiim ugu sii tahay dib u habeynta garsoorka oo badanaa loo arko arrin u baahan xal farsamo ama sharci (Technical or legal solution), laakiin dhab ahaantii, u baahan rabitaan siyaasadeed iyo hoggaamin (Political will and leadership) horseed u noqota isbeddel macno leh.

Buugga iyo Caqabadaha Garsoorka:

Xirsi Cali wuxuu si aan gabbasho lahayn oo hoos u dhaadhac leh uga warramay una qeexay dhibaatooyinka, caqabadaha iyo goldoloolooyinka haysta marin u helidda caddaaladda dalka.

Wuxuu mid mid isu dul taagayaa goldoloolooyinka tiro-beelka ah ee ku gedaaman hay'adaha garsoorka. Wuxuu ku dheeraanayaa madaxbannaani la'aanta guud ahaan hay'adda iyo gaar ahaan kala madaxbannaani la'aanta hay'adda dhexdeeda, isagoo si cilmiyaysan u bandhigaya sida garsoorku aanu u madaxbanaanayn.

Tusaale ahaan, waxa qoraagu u soo qaadanayaa Gudidda Caddaaladda oo ah hay'adda hoggaamisa maamulka garsoorka dalku inay tahay hay'ad magac ahaan u jirta balse aan ruux ahaan u jirin, taas oo hoos timaadda Maxkamadda Sare, lahayna miisaaniyad iyo shaqaale u gaar ah. Waa hay'ad in ka badan kala badh xubnaheedu ka yimaaddaan xukuumadda. Qoraagu wuxuu marjac qiraal ka dhiganayaa garsoorayaal qiraya in aanay madaxbannaani haysan Guddida Caddaaladdu, sidoo kalena kaalin ku lahayn shaqo qorista, iyo dallacsiinta iyo shaqo ka fadhiisinta shaqaalaha garsoorka.

Guud ahaan, caqabadaha, dhibaatooyinka iyo goldoloolooyinka garsoorka ee buuggu mid walba dul istaagayaa way badan yihiin. Waxa ka mid ah: miisaanad yarida, isbarbar socoshada saddexda nidaam sharci ee dhaqanka, shareecada iyo qaanuunka, daryeel la'aanta garsoorayaasha ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, ku takrifalka awoodaha, hoosaynta aqoonta sharciga ee bahda caddaaladda, booliska iyo dembi-baadhista, isku milanka maxkamadda Sare, Maxkamadda Caddaaladda iyo Maxkamadda Dastuuriga ay, farogalinta hay'adda fulinta, iwm.

Dhibaatooyinka haysta garsoorka dalka, Xirsi kuma dhaafayo dul ka xaadis iyo dulmar toona, balse mid kasta wuxuu ku dhufanayaa adhaxda, isagoo ku ladhaya tusaalooyin dhacay oo uu ka soo werinayo bahda garsoorka iyo caddaaladda. Tusaale ahaan, faro-galinta hay'adda fulintu ku samayso dacwadaha wuxuu tusaale u soo qaadanayaa dhacdo ku dhacday dhibbane la odhan jiray Sallidhige, oo dhimashadiisa ka hor warbaahinta uga warramay dacwad uu muddo dheer daba socday iyo sida ay xukuumadihii kala dambeeyay u faro galiyeen. Qoraaga oo dhacdadan buugga ku werinayaa wuxuu ku soo gunaanayaa in marxuunku haddii ifka ku waayay caddaalad ay eheladiisii helaan.

Soo-jeedimaha qoraaga:

Xirsi Cali X. Xasan qeybta 6aad ee buuggiisan cusub, dabcanna ah qeybta ugu ballaadhan, wuxuu mid mid isu dul taagayaa mashaakilka badan ee uu qeybta 5aad kaga warramayo xalalka uu u hayo.

Wuxuu soo jeedinayaa in dib u qaabayn sal iyo baar ah lagu sameeyo garsoorka Somaliland. Wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa in caqabadda ugu weyn ee hortaagan ay tahay dastuurka oo u baahan wax ka beddel iyo kaabis.

Waxa cajiib ah soojeedinta qoraaga ee qaab-dhismeedka maxkamadaha. Waxa ka muuqata inuu Xirsi aamminsan yahay in dawladnimada oo garsoorku ka mid yahay aad loo daadajiyo. Waxa laga fahmayaa inuu qabo in min xaafad, degmo, magaalo ay maxkamadi ku taallo.

Waxa sidoo kale uu soo jeedinayaa hagaajinta iyo tayaynta hawlaha shaqo ee garsoorka sida:
1. - Joogtaynta tababarrada iyo kor u qaadista aqoonta garsoorayaasha
2. Iswaafajinta saddexda nidaam sharci ee kala duwan
3. hagaajinta xaaladda nololeed ee garsooraayaasha, mushaharka iyo sahayda safarrada
4. Fidinta adeegyada kala duwan ee garsoorka
5. U hoggaansamida Awaamiirta iyo Fulinta Goโ€™aanada Garsoorka
6. In la abuuro hay'ad ciidan oo si gaar ah ugu xil saaran fulinta goโ€™aannada maxkamadaha.

Gunaanad:

Ugu dambayn, buuggu waa soo bandhigid aragtida siyaasadeed ee caddaalada ee qoraaga, wuxuu sawir innaga siinayaa sida qoraagu uu u rabo in loo qaabeeyo nidaamkeena garsoor iyo caddaaladeed. Waa minqiyaas lagu miisaamayo siyaasiga u jihaysan kursiga ugu sareeya dalka.

Waa buugg bilaw iyo ibofur u ah in si dhab ah loogu dhaqaaqo hagaajinta iyo dibuhabaynta barta ugu muhiimsan jiritaanka umadeed, qarannimo iyo dawladeed, taasoo ah caddaaladda iyo garsoorka. Waa buug indho-fur u noqon doona qof kasta oo raba in uu wax ka ogaado ama uu cilmibaadhis ku sameeyo nidaamka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Buuggani waxa uu marjac iyo misbaax uu wax ku iftiinsado u noqon karaa ardayda kala duwan ee dhigata sharciga. Si taas la mid ah, waxa uu hage iyo indho fur u noqon karaa qof kasta oo raba in uu cilmibaadhis ku sameeyo nidaamka caddaaladeed ee dalka, gaar ahaan waaxda garsoorka. Waa buug u hadlaya guud ahaan bulshada oo sida ku cad uu qoraagu rabo in ay hesho nidaam caddaaladeed oo hufan. Waxa uu si gaar ah hiil ugu yahay bahda garsoorka oo uu soo bandhigayo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan iyo sida loogu baahi qabo in la helo garsoor madax bannaan oo dhexdhexaad ah.

WQ: Cabdikhaalaq Maxamed Cumar
13/08/2025

12/08/2025

Hambalyo Xuska Maalinta Dhalinyarada Adduunka (World Youth Day)

Anigoo ku hadlaya afka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin diirran u dirayaa dhammaan dhalinyarada adduunka, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, iyada oo ay maanta ku beegan tahay xuska caalamiga ah ee Maalinta Dhalinyarada Adduunka.

Maanta oo kale waxay inoo tahay xasuus iyo dhiirigelin, waxaana si gaar ah u bogaadinayaa dhalinyarada Somaliland oo door muuqda ka soo qaatay Halgankii Xorriyadda Dalka, dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida, iyo dhismaha dawladnimada Somaliland. Illaa maanta, dhalinyaradu waa laf-dhabarta horumarka iyo awoodda ugu badan ee Qarankeenu ku tallaabsado.

Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI waxa naga goโ€™an in aan kor u qaadno kaalinta dhalinyaradu kaga jiraan siyaasadda Somaliland, isla markaana Madasha Xisbiga ay noqoto goob lagu tababaro siyaasiyiin daโ€™yar oo aqoon, karti iyo hufnaan u leh hoggaaminta dalka, si ay ugu diyaar garoobaan hanto-wadaagga talada iyo hagidda mustaqbalka qarankeena.

Waxaan ku boorrinayaa dhalinyarada Somaliland in ay sii xoojiyaan ka qayb-qaadashadooda dib-u-dhiska dalka, hanaanka hogaamineed, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta waxbarashada, ilaalinta nabadda, iyo ka hortagga caqabadaha bulshada horyaalla. Waxaa inaga goโ€™an in dhalinyaradu noqdaan haldoorka horseeda isbeddel togan iyo horumar waara.

Hambalyo Maalinta Dhalinyarada Adduunka!

Md: Taqayadiin mohamed jama.
G/kuxigeenka Garabka dhalinyaradda G.Maroodi-jeex ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Waddani

29/10/2024

Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani Marwo Ifraax Dhoore Cali ayaa fariin u dirtay dhammaan shacbi waynaha ku dhaqan Somaliland.

Photos from Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani's post 26/10/2024

Gudomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani Marwo Sahra Cabdi Xasan Ayaa xadhiga ka jartay xafiis cusub oo ku yaala xaafadda Sayladda ee Degmada Maxamuud Haybe.

23/10/2024

Gudoomiyaha Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani Mustafe jeego ayaa kormeer ku maray xafiisyada ku yaala Degmada 31-May ee xisbiga Waddani.

Photos from Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani's post 20/10/2024

Gudoomiyaha Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani Mustafe jeego ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo ku yaala xaafadda October ee Degmada Axmed Dhagax.

Waxa kale oo munaasibadda xadhiga lagaga jaray ka qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga waddani.

16/10/2024

Gudoomiyaha Gobolka M/jeex ee Xisbiga Waddani Mustafe Jeego oo hadal u jeediyay bulshada ku dhaqan Degmada Laas-geel gaar ahaan Deegaanka Aleeli-cadka ee Gobolka M/jeex.

16/10/2024

Gudoomiyaha Gobolka M/jeex ee X. WADDANI Mustafe Jeego masuuliyiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta ka soo jeeda deegaamadan ayaa kor meer ku tagay Dararwayne, Jaleelo, Xumbawayne, Aleela-cadka, Dheenta iyo deegaano kale oo ka tirsan Degmada Laas-geel.

Gudoomiyaha Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani ayaana xafiisyada Xisbiga ka furay dhamaan deegaanadan.

Photos from Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani's post 07/10/2024

Gudoomiyaha Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani mudane Mustafe maxamed cumar (Mustafe Jeego) iyo qaar ka mida dhalinyaradda xisbiyahanka ah ee ardaayada ololaha beesha Haashim oo saaka olole ka fuliyay xaafadaha Degmooyinka Axmed dhagax iyo 31-MaY.

Photos from Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani's post 07/10/2024

Shirka todobaadlaha ah ee madaxda Gobolka M/jeex iyo Degmooyinka Gobolka Gaar ahaan Degmooyinka caasimadda Hargaysa ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta gobolka M/jeex ee xisbiga Waddani.
waxa shir guddoominayay guddoomiyaha Gobolka M/jeex ee xisbiga Waddani Mustafe Maxamed Cumer (jeego).

Shirka ayaa lagaga hadlay derdergalinta iyo diyaargarawga doorashada madaxwaynaha iyo ta ururada ee 13 November..

Photos from Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani's post 05/10/2024

Guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga Waddani ee gobalka Maroodi Jeex Ifraax Dhoore Cali ayaa kulan dardar gelinta doorashada ah la qaadatay qaybo ka mid ah haweenka xisbiga.

Photos from Xarunta Gobolka Maroodi-Jeex  Xisbiga Waddani's post 05/10/2024

Xoghayaha guud ee gobolka maroodijeec Mawliid Muuse Dacar ayaa shir gudoomiyay shirkii xoghayayaasha gobolka maroodijeex ee xisbiga Waddani Kulankan iyo shirkan oo daaranaa is xogwaraysiga habsami u socodka shaqada gobolka maroodi jeex, wacyi galinta iyo baraarujinta taageerayaasha xisbiga Waddani.

Waxa kale oo isna geestiisa ka soo qayb galay gudooniyaha gobolka oo kalmado dardaaran iyo wada jirka shaqada kala hadlay xoghayayaasha gobolka maroodijeex ee xisbiga Waddani.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Farah Omar Secondary School Road
Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00