02/10/2022
Vledamir putin, waa hogaamiyaha dal waynaya ruushka, laga soo bilaabo bilowgii 2000M ilaa hadda waa madaxwaynaha ruushka. Ruushka oo ah dal shuuci ah lehna hal xisbi qaran, ayaa ilaa hadda ka badalin madaxtinimada dalka ninkaas mayalka adag. kadib burburkii midowgii soofiyeetka(Soviet Union), ruushku wuxu noqday dalkii qaatay aqoonsigii soofiyeetka, Putin ayaa ku hanwayn inuu soo celiyo cududii iyo awooddii midowga soofiyeeti. Waxa la odhan karaa in uu noqday hogaamiye ka awood badiyay badi hogaamiyayaasha caalamka lehna hab maamul hogaamineed oo quman, inkasta oo aanu muslim ahayn hadana in la daraaseeyo hogaamintiisu waa mid muhim ah, si aynu caalamkeena u hogaaminno. dhamaan madaxda reer galbeedka ayaa noqday kuwo ku fashilmay la dagaalanka putin, qorshe walba oo ay ka yeeshana uu ka dhigaa mid fashil ah tan iyo ilaa 2000 T.M.
Putin iyo dalkiisa ruushku qorshe kasta oo uu ka yeesho siyaasadda arrimaha dibedda badiba waxa ay noqdaan kuwo uu ku guuleysto, sababto ah wuxuu galiyaa awood badan dhankasta hadii ay noqoto mid dhaqaale iyo mid ciidanba. kolay awoodda iyo saameynta uu ruushku ku leeyahay adduunka si fiican ayaynu uga dharagsannahay oo waa awoodda saddeexad marka dhinac kale laga eegana waa awoodda koobaad. Waddamada caalamka marka laga reebo reer galbeedka taabacsan maraykanka iyo maraykankaba mooye inta kale waxa ay yihin xulafo oo ay ugu h**eeyaan china & North korea, halka ay jiraan kuwo ka leh siyaasad dhexdhexaad ah.
Hadaba Vledamir Putin ayaa leh hab dhaqano u gaar ah oo badiba hogaamiyayaasha caalamka lagu arag(Sigma rules), waana habdhaqanada badana uu ku meel mariyo qorshayaashiisa guddeed iyo dibadeedba. Waxa ka mid ah in uu yasso ama ku dheeldheelo madaxda reer galbeedka sida madaxwaynaha france kulan koodi u danbeeyay uu ku sameeyay oo kale. Sababta u wayn ee uu yasitaankaas iyo habdhaqankaas u sameeyo ayaa ah, in uu farriimo ficilleed gaadhsiiyo ama u diro cadowga dalkiisa. Waxa jira hogaamiyayal uu si gaar ah uso dhaweysto gaar ahaan waddamada kalitaliska ah iyo kuwa shuuciga ahba.
Wuxuu badana jabiyaa sharciyada ay dhigaan reer galbeedku ee qaramada midoobay iyo ururada lamid ka ah ugu soo gabada, isago haddii uu danihiisa ka dhex arki waayo waxba aan kaso qaadin heshiisyadaas. Damiciisuna waa mid hirgala marwalba. badana waxa uu yidhaa "Waxa aan masuul ka ahay qof walba oo ruush ah" taas oo la micno ah midowgi sofiyeeti dhulkii uu ka talinayay ayaan madax u ahay, maadaamo dadka ruushka ahi ku noolyihiin badiba waddamadi ay soviet-ku ka koobnaayeen.
Waxa uu leeyahay siyaasad arrimo dibadeed oo gaar ah, waxa uuna kaliya ku kalsoonyahay qayb ka mid ah madaxda dalka, sidoo kale waa madaxwaynaha ugu amniga adag caalamka.
Inkasta ay jiraan waddamo muslim ah oo uu wax taray, sidoo kalena waxa jira waddamo badan oo muslim ah oo uu burburiyay uuna ugu h**eeyo dalka suuriya oo uu nooc kasta oo hubkiisa ah ku tijaabin jiray.
Hadaba waa maxay qorshaha cusub ee sannadkan 2022 putin mayalka adag hirgalinayo misena ku dabo dheeraatay fulintiisu ilaa hadda?
....................Conti.......................
26/09/2022
Hab fekerka tolmoon, ayuu ka dhashaa go'aanka wanaagsani
01/09/2022
Waxa ay ahayd jawaab aad u xeel dheer, markii la weydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha nadaafadda ee xarunta cirbixinta Mareeykanka ee ๐๐๐๐, maxay tahay shaqadaadu?, waxa uu yiri, anigu waxa aan masuul ka ahay gaarsiinta dadka ee dayaxa!, waxa uu qirsanaa in haddii aanay ahaan lahayn shaqadiisa iyo ka dhigistiisa goobta shaqada meel ku habboon
curin iyo maskax-maalid, aysan dadku gaareen dayaxa.
Taasina waa waxa loo yaqaanno โfiirinta waxa ka danbeeya shaqadaโ, oo ah u yeelidda shaqadaada macno ka weyn waxa
ay tahay.
Waa muhiim in uusan eegin qofka oo kali ah
shaqadiisa, ee uu fiiriyo waxa ka danbeeyo shaqada iyo raadka iyo saameynta uu kaga tagayo dadka.
Markii ay soo booqatay samafaladdii caanka ahayd ee โ๐๐จ๐ญ๐ก๐๐ซ ๐๐ซ๐๐ฌ๐โ warshad ku taalla Hindiya, waxaa araggeeda soo jiitay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo boolal ku ridayay meel loogu tala galay, isaga oo faraxsanna heesaya, waxa ayna weydiisay; maxaad qabanaysaa? Waxa uu ku jawaabay; waxaan sameynayaa diyaarado!, iyada oo yaabban
markii ay ku hadal celisayna waxa uu ugu jawaabay; boolashaan yaryar laโaantood ma socoteen diyaaradda weyn ee aad raacdaan, sidaa darteed anigu waxa aan sameynayaa
diyaarad.
Aragtida aynu ku eegaynno nafteenna ayaa ah raadka wax soo saarkeenna, iyo halbeegga horumarkeenna.
Waa muhiim in aynu eegno raadka shaqada, ee aynaan isku mashquulin nooca shaqada.
Ma ahan ninka biraha tumayaa tumaalle oo kali ah, ee waxa uu qayb ka yahay ilaalinta dhaqaalaheena.
Ka warran hadii mindi walba oo kaa afbeesha aad ku qasbanaan laheyd in aad soo iibisid mid kale?
Ma ahan darawalka taksiga darawal oo kali ah, ee waxa uu qayb ka yahay ilaalinta waqtigeenna.
Ma tihid kalkaaliso caafimaad oo guranaysa mirihii waxbarashada caafimaadka oo kali ah, laakiin waxa aad qayb ka tahay badbaadinta naf - idin Ilaahay.
Ma tihid wariye ama saxafi warka tabiya oo kali ah, ee waxa aad qayb ka tahay gaarsiinta xaqiiqada bani aadanka iyo u gargaaridda runta.
Macallinku waxa uu qayb ka yahay soo saarista jiil wax beddela, hooyada ciyaalkeeda tarbiyeynaysaana waxa ay qayb ka tahay sameynta qof macno leh, xilli ay bateen bani aadan ujeeddo laโaan ahi.
hadalkii koowaad ee aan ku iri odeygii iibinayay buugta, salaan ka dib, waxa uu ahaa waxa aad qayb ka tahay dhisidda maskaxdeena iyo kobcinta aqoonteenna ee ma tihid โBuug
iibiyeโ oo kali ah!.
Kan u arka naftiisa in uu yahay oo kali shaqaale hayโad samafal, iyo kan u arko in uu qayb ka yahay caawinaadda qof, waa ay kala duwan yihiin, waxqabadkooduna waa uu kala
duwanaan.
Ka dib markii uu soo galay masaajidka sheekha oo akhrinaya kitaabka โ๐๐๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐ฎ๐ฅ ๐๐ฎ๐ค๐ก๐๐๐ซ๐ขโ, waxa uu ku canaantay sheekha in uu xilligan akhrinayo kitaab halka dunida kale ay
gaartay dayaxa!, Sheekha oo u arkayay shaqadiisa mid ka mug weyn akhrinta kitaab, garowsanaana qiimaha shaqada uu
hayo ayaa yiri: โOo maxaa dhib ah? Makhluuq ayaa gaaray makhluuq kale, balse anigu dadka ayaan gaarsiinayaa ๐๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐-dayaxa-iyo- dadkaba!โ, Adiguna ma tihid wadaad masaajidka fadhiya oo kali ah, ee waxa aad qayb ka tahay gaarsiinta dadka ๐๐๐๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐๐.
Farqi weyn ayaa u dhaxeeya kan ka fiirinaya shaqadiisa mushahaarka uu qaato dhamaadka bisha iyo kan fiirinaya raadka danbe ee uu kaga tagayo. Shaqo walibana si walbo oo ay u liidato, haddana waxa ay leedahay raad iyo saameyn ay kaga tagayso dadka kale.
Halbeegga aan ku eegayno shaqadeenna waa kan xaddidaya qiimaheeda. Shaqo walbo oo aadanaha loo qabto, ayna ku jirto u adeegidda insaanka waa shaqo sharafan, mudanna dadaal iyo dhidid, ee kali ah adigu ha ku xaqirrin ku eegistaada Il aan u qalmin, una yeel shaqadaada macno ka weeyn tan ay tahay.
Qiimaha aadanahu waa aragtida uu ku eegayo naftiisa, ee ma ahan tan ay dadka kale ku eegayaan isaga, mana jiro qof kuu dhigi karaya hoos adiga oonan hoos isu dhigin, mana jirto
cid sare kuu qaadi karta adiga oo aan sare isu qaadin!.
Xigasho
23/08/2022
Dumarku waa noolaha ugu naxariista badan adduunka!
Bulshada aduunka ku nool, dumarku waxa ay ka yihiin 60%, markii Nabi Aadam Cs la abuuray, keli loogama tagin ee waxa feedhiisa looga abuuray wehel oo ahayd hooyo Xaawa. Sababta ka danbeysay waa ay badantahay balse midh iyo laba hadii aynu kasoo qaadano, ugu h**eyn dumarku waa qayb ka mid nolosheena, waxa ayna dhameystiraan qabyadeena. Waxa ay inoo yihiin garab mid kaas oo aynu dhamaanteen wada qirsannahay, kasoo bilow Hooyada oo ah garabkaaga koobaad ilaa intuu xaqqu idiin imanayo, waxa ku xigta walaasha oo ah hooyadaada labaad abaalkeedana aan la soo koobi karin, waxa xigta Xaaskaaga oo ah jaallaha noloshaada misena abaal wayn kugu leh, aduunkana ku dhameystiraysa, dhaxal aad adduunka uga tagtid midka u qaalisanna aad ka helayso waa ubadkee, ugu danbayn Hablaha aad dhasho oo hadhow kuu ilaalinaya sidii ubadkooda oo kale.
Dumarku waa wehelka nolosheena, ee bal caqli tolmoon iyo maskax fayow ku eego, ma inaga qalmaan inyar oo xumaan.
Caqli fayow oo bad qaba ayaa fahmi kara.
Inamal muslimuunal ikhwa: hablaha muslimiinta ee Soomaaliyeed waa walaalahay.
Hanfi
20/08/2022
Waxaa jira khaladaad aan ereyga raali ahow dib u hagaajini karin, been aan la cafiyin, nabar maalmuhu aanay bugsiin, iyo daqiiqad qalbiga ka beddelaysa booskaad ku lahayd. Waa run in quluubteenu weyn tahay, laakiin ha dhayalsan inta uu leeg yahay khaladaadkaagu.
Baddupa markabka ma qaado haddii la dalooliyo.
Hanfi
18/08/2022
Alle ha u naxariisto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame-Hadraawi, oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa, Somaliland.
"Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta
Hebel lay yidhaahdaa"
Hadraawi
Eebe naxariisti janno haka waraabiyo, samir iyo iimaan dhamaan ummada Soomaaliyeed๐ฅบ
18/08/2022
TUFAAXII GADUUDNAA
Qaybta 2aad; Bilan
Waxa si lama filaan ah afkayga uga soo baxday hal kalmad "Qalbigaagu wuxuu rabaa nafisaad ee u ogolow, walaalkaana wax la wadaag". Waxa aynu wada ogsoonahay habluhu in qof aanay aqoon h**e u lahayn waxbadan aysan la wadaagin balse wajigoodu waxba ma qariyo, runtii habluhu way qalbi jilicsanyihiin. Anigu isuma dhibin inaan ku cadaadiyo inay iisheegto wax balse anoo dareenkeeda ka dareen qaadanaya ayaan bilaabay hadal u dhignaa saddex qaybood, dhibaatooyinkii nolosha ee aynu soo marnay, dhib gaar ah oo aan anigu lasoo kulmay, dhiirigalin guud iyo sidii ay u wajihi lahayd mustaqbalkeeda nololeed ee waalidkeed iyo nafteeduba ka sugayaan, runtii farxaddii ugu horaysay ee aan wajigeeda ka dareemay way sii nuurisay quruxdeeda, kaliya inta ka dhimnayd ayay ahaydba, markii kadib ayay bilowday inay waayaheedi nololeed iga waranto, anna aan uga sheekeeyo maadaamo aan tusay in aanan ahayn qof xun misena aan waxba lagu aamini karin, aragtayna inaan diyaar u ahay inaan dhibkeeda la qaybsado, waxaanan siiyay mid ka mid ah tufaaxi gaduudnaa ee aan hayay, kadib waxa aanu isla meel dhignay arrimo badan iyo sidii aan garabkeeda marnaba uga maqnaanin, maadaamo dhibkeeda ugu wayni ahaa qalbijab ay kala kulantay xidhiidh jaceyl oo ay laheyd, misena ay ku guuldareysatay, oo la cidleeyay. (riyadani waxa ay iso mari doonta iyadoo xaqiiq ah, waa markaan xaqiiqsaday tufaaxaygi gaduudnaa in aan helay.)
Muhimadu riyadu may ahayn balse qofka iyo shakhsiga aan la kulmay ayay ahayd. Hadaan inyar ka tilmaamo bidhaanteedi waxa ay ahayd inan aad wajigeeda ka daalacaneyso aduunka waxaad qurux u taqaaneyba, dhaayo quruxbadan oo aanad ka daalayn eegmadooda, suniyo siman, san dhuuban, bishbo la moodo inay casaanka u dhasheen, ilko dabar leh ahaana kuwo iso jiitay ilaa hadana la dhacsanahay, jidh isu dheelitiran misena indhaha u roon, hadal mid aan maqlo kii igu saameynta badnaa misena aanan ilaabin macaankiisa-illahaybaa dhinac walba u dhameystiray xaqiiqdii, Bidhaan wacan oo aan halkan lagu soo koobi karin runtii ayaan arkay, intaasi waa intaan dusha ka arkayayye waxa dheera wanaaga gudaheeda ka buuxa-wacnaan lahaydaa anigoo xaqiiq u barta.
Nasiib xumo riyadii waxa ay iga dhamaatay inantii oo aan iisheegin magaceedi, balse magac ka turjumaya bilicdii iyo bidhaantii quruxda badnayd dhaayahaygu arkayeen ayay maskaxdaydu iswaydiisay, qalbigaa se ka falceliyay, "Bidhaan Bilan" waa magaca kaliya ee u dhigmayay dheehi iyo dhabankii ay lahayd.
Tufaaxa gaduudan waa riyadii quruxda badnayd oo aan xasuus qorkayga waaberigaas ku qoray misena ilaa hadda igu taagan, hadii aan sii seexanayo iyo hadii aan soo toosaba waxa ay ku sawirantahay qalbigayga runtii!
La soco oo nagu soo biir si aad u bogoto qaybta xigta.
Qore: Hanfi
17/08/2022
TUFAAXII GADUUDANNAA!
Waa xilli ay dhacayso laydh qabow, goor sheegtuna ku beegantahay aroor h**e oo badh ka hor salaaddii subax laga baxay, runtii jawigu waa uu degenaa, dhulkuna waa uu qoyonaa oo roob gudgude ah ayaa xalay noo da'ay, libdhadu markaasunbay soo bidhaantay, falaadhihi qurxoona ee lagu yaqaanayna lasoo baxday, inyar ka hor waxa ay ahayd xilli aan u diyaar garoobay maalintan cusub, sidii caadada ii ahayd waxaan soo qorshaystay qorshe maalmeedkaygi, sidoo kale waxa ii dheerayd duco aan rabbigay ku waydiisanayay rumeynta rajadayda nololeed iyo rumaynta riyadaan xalay arkay- oo ah ilaa hadda midaan naawilayo dhameystirkeeda.
Waxaan u jarmaaday goob ii ahayd caado oo wakhtiyada qaar markaan rabo inaan naftayda wareysto aan tagi jiray, k**a foga xaafadayada oo in nabar ah ayay ii jirtaa. Waa buur aad si fiican uga daalacan karto magaalada inteeda kale, kana dhacdo hawo dareen leh oo (fresh) ah, runtii waa meel naftu jeclaaneyso joogitaankeeda, lana soco xiligani uu ka duwanyahay xiliyada kale oo waa subax ay dadka badi wada hurdaan, wax jabaq ah oo aan ahayn naftaada ma maqleysid-alla quruxbadanaa jawigaasi.
Kadib markaan tagay goobtii kuna nafisiyay naftayda, ayaan bilaabay wareysiga naftayda-bal maan iska daayo maalintaas. Waxa xaqiiqo qofku habeenkii markuu riyoodo ee uu soo tooso hadii aanu qorin inuu ilaabo riyadi maadamo ay tahay mid aan macquul ahayn markaad soo toosto oo si kale ayay u dhacayan wax walba oo markii riyada sax kula ahaa, waana ila aragteen ayaan filaya inkasta oo ay tani noqotay mid aanan ilaabi karin, hadaba waxa si isdaba jooga iigu soo dhacdhacayay xasuusta humaagii iyo riyadii aan xalay ku riyooday-alla quruxbadnaydaa, riyo iyada ka quruxbadnayd imabay soo marin xaqiiqdii. Waxba hadalka sii dheerayn maayo balse riyadan oo aan ugu magac daray "Tufaaxa gaduudan" sidan ayay ahayd:-
Waxa ay ahayd riyo laygu tusay xuuralcayntii dunida-isma lahayn aduunyo ayaad ku arkaysaa balse waxa amakaag ila noqotay rumaynteede. Xuuralcayn Alle u dhameystiray qurux, dhaqan, aqoon iyo diinba intaba ayaan la kulmay si kedis ah, meel ayaan fadhiyay dhir yar yar hareeraha ay ka xigto, waxaanan cunayay tufaax gaduudan ( wan necbahay tufaaxa cunistiisa balse riyada lama xakameyn karo),waxa sidoo kale aan iga fogayn inanta dhameyska ah, ilayn waa riyo'ee sheekadii goor ay noo bilaabmantayba ma garanayo, anaga oo wada hadlayna un ayaan is arkay, ii waran walal iyo wan ficanahay huuno ayaan ka bilownay hadalkii, waxa jiray hadal badan oo gubaayay inanta xanuun badanna ku hayay, waxa ayna rabtay cid dhibkeeda iyo qalbi-xanuunkeeda la wadaagto sababtoo ah culayska haysta wajigii quruxda badnaa ayaa laga dareemayay. Waxa si lama filaan ah...........
Qaybta 1aad: Tufaaxa Gaduudan/Bilan
Qaybta xigta bogo dhawaan insha allah
Qore: Hanfi
15/08/2022
๐ฟ๐ช๐ง๐ช๐ช๐๐๐๐ ๐ฎ๐๐ฎ๐จ๐๐ฃ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ค๐ค๐ก๐๐ฃ ๐๐ช๐ง๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฎ๐จ๐๐ฉ๐ค
Cadhaa Bin Abii Rawaax oo ka mid ahaa taabiciyiinta kuwa ugu caansan wuxuu ahaa nin madow addoon ah, hal il la' , sankiisu isku dheganyahay, hal lug jiis ka ah, hal gacan shalal ka qaba, intaas kadibna wuu indho beelay.
Lexdaasi arrimood ee Cadhaa gaaray ma niyad jabiyeen, oo ma quustay?
Cadhaa ma wuxuu is yiri: Addoon la leeyahay, oo madow ah, indhoole iyo daciif ah ayaa tahay, waxaad sameyn karto malah!
Maya marna Cadhaa ma quusan wuxuu lahaa laba dhegood oo wax maqla, lugo uu ku socdo, carrab uu ku hadla, gacan uu wax ku qoro, iyo maskax fikir iyo xifdin leh .. Tani waa fursadaha uu Cadhaa ka helay naftiisa,
Wuu ogaa in isbadalku ka bilaabmo gudaha, waxa muhiimka ah waa sida aan isku aragno, ee maahan sida dadku noo arkaan.Haddii aad isku aragto inaad tahay qof xoog badan oo caqli badan, markaa waa sida kaa muuqan doonto, waana sida dadku kuula dhaqmi doonaan qofka faraxsan waa midka u arka inuu farxad haysto.
Dadaal badan kadib Cadhaa wuxuu noqday sayidkii taabiciyiinta, ninkii ugu cilmi badnaa waqtigiisa ilaa lagu naaneysi jiray Caabidul Xarameyn.
Hanfi