27/12/2025
🎉 Hambalyo Somaliland
Maanta waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah adkaysi, midnimo, iyo hiigsi qaran. Dallada Xiddigaha Waaberi waxay la wadaagaysaa shacabka Somaliland farxadda ictiraafka iyo rajo cusub oo mustaqbal ifaya ah.
26-Dec-2025✅️
29/03/2025
CIID MUBAARIK🕌🌙
Dallada Xiddigaha Waaberi Waxay Farxada Munaasibada ciidul-fitri La qaybsanaysaa Dhamaan Umada Muslimiinta Ah Gaar Ahaan Umada reer Somaliland.
Waxaan alle ka baryaynaa inuu Alle SWT inaga aqbalo acmaashii bishii Barakaysneed ee ramadan sidoo kaleh Ciidan Ciideeda inagu Gaadhsiiyo Bash-bash & Barwaaqo❤️.
12/12/2024
Anigoo ku hadlaya Afkayga iyo ka dallada Xiddigaha Waaberi waxaan Hambalyo iyo bogaadin udirayaa Madaxweynaha cusub ee jsl saaka loo dhaariyay Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro.
Waxa rumoobey Rajadii shacabka iyo halgankii 7-sanno iyo dheeraadka ay ugu jirtaay Midho dhalkiisa Dallada Xiddigaha Waaberi.
Wuxuu maanta Madaxweynuhu la wareegay Dal Gobolada qaar maqan yahan Calamo gaar ah gobolada qaar laga taagey waxaan Rajeenaya inuu noqdo mid dalka iyo dadka dib umideeya insha'allah.
Hambalyo Mudane Madaxweyne mar 1aad iyo mar 2aad alle hakugu asturo xilkaa culus ee aad qaadey.
Waxaan Aaminsaney inaad si hufan oo daacadnimo iyo karti leh ugudan doonto xilkaa Usareeya qaranka ee laguu doortay Mudane Madaxweyne.
Waxaan Shacabka somaliland iyo dalladaba kula dardaarmayaa in Madaxweyneha Lagu garab galo lagalana shaqeeyo si wadajira Mideynta iyo dhismaha qaranka jsl.
Xoghayaha Guud Ee dallada
Samiir Hamud ✍️
05/11/2024
Dallada Xiddigaha Waaberi oo si xidhiidh ah uga wada door to door Campaign Degmada 31May Ee caasimada Hargeisa.
30/10/2024
"Qaran b**b ama Xafiis B**b Wax la tiriyey Yar"
Dallada Xiddigaha Waaberi Waddani Party ✌️🧡
28/09/2024
Degmada M/Mooge ee Dallada Xiddigaha Waaberi oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guud ee dallada Axmed daad Ayaa safar dalxiisa ugu baxay koonfurta caasimada.
Shaqo + Dalxiis✌️🧡