25/10/2025
Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.
Q:2aad
Rugta Akhriska Axmed Dhagax Waa Qandiil iyo Maayuun lagu gudi doono Gudcurrada iyo maalmaha adag.
25/10/2025
Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.
Q:2aad
25/10/2025
Sawiro: Munaasibadda ururinta dhaqaalaha lagu dhisayo Maktabadda Degmada Axmed Dhagax.
📸 Colhaye
𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐚𝐧-𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 📚 ✨
Xalay waxaa si guul iyo gobannimo leh u qabsoontay xafladdii qaadhaan-ururinta dhismaha Maktabadda Degmada Axmed Dhagax, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada — madaxda, siyaasiyiinta, iyo dhallinyarada firfircoon.
Mahadnaq gaar ah ayaa u diran bulshadii iyo martidii qiimaha lahayd ee taageerada iyo dhiirrigelinta muujisay, gaar ahaan Xoghayaha Dawladda Hoose Mudane Sed Nur Jama, oo door muuqda ka qaatay hirgelinta iyo suurtogalinta barnaamijkan iyo hablihii qaybta laxaadka laheyd ka qaatay qaadhaanka dhismaha , bogaadin gaar ah!.
Sidoo kale, dhalinyaradii isxilqaantay ee si daacadnimo iyo dadaal leh u abaabushay madasha, waxaan leenahay — dadaalkiinu waa iftiin iyo dhiirrigelin! .
𝑊𝑎𝑥𝑎𝑦𝑛𝑢 𝑟𝑎𝑗𝑎𝑦𝑛𝑎𝑦𝑛𝑎𝑎 𝑖𝑛 𝑑ℎ𝑜𝑤𝑎𝑎𝑛 𝑙𝑎 𝑑ℎ𝑖𝑠𝑖 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑜 𝑀𝑎𝑘𝑡𝑎𝑏𝑎𝑑𝑑𝑎 𝐷𝑒𝑔𝑚𝑎𝑑𝑎 𝐴𝑥𝑚𝑒𝑑 𝐷ℎ𝑎𝑔𝑎𝑥, 𝑜𝑜 𝑛𝑜𝑞𝑜𝑛 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑡𝑎 𝑥𝑎𝑟𝑢𝑛 𝑎𝑞𝑜𝑜𝑛𝑒𝑒𝑑 𝑖𝑦𝑜 𝑖𝑓𝑡𝑖𝑖𝑛 𝑐𝑢𝑠𝑢𝑏 𝑜𝑜 𝑎𝑦 𝑘𝑎 𝑠𝑜𝑜 𝑏𝑖𝑥𝑖 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑎𝑎𝑛 𝑎𝑞𝑜𝑜𝑛𝑦𝑎ℎ𝑎𝑛𝑛𝑜 𝑏𝑎𝑑𝑎𝑛, 𝐼𝑛𝑠ℎ𝑎 𝐴𝑙𝑙𝑎ℎ! 🌟
01/08/2025
Maktabadda Degmada Axmed-dhagax waxay bilowday buug ururin lagu kobcinayo kaydka buugaagta si loo dhiirrigeliyo akhriska iyo koritaanka aqoonta bulshada.
Waxaan ku boorrinaynaa cid kasta oo awood u leh — qoraayaal, hay’ado iyo dadweyne — in ay ka qaybqaataan deeqda buugaagta, si loo dhiso jiil akhriya, fikira, waxna qora.
Buug aad deeqdo, waa iftiin aad gelineyso maskax kale.
Ballanteennu waa akhris iyo hal-abuur.
01/08/2025
Duhur wanaagsan, akhristayaal!
Hargeysa – [ 31, July, 2025]
Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargaysa, kaas oo lixdii maalmood ee ugu dambeysay ka socday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Maktabadda Guud Ee Axmed Dhagax. waxay ahayd mid si gaar ah loogu casuumay bandhigga, si ay u fuliso qorshaha uug ururinta maktabadda, kor u qaaddo wacyiga akhriska, una dhiirrigeliso barbaarinta jiil cusub oo jecel aqoonta.
Bahda Xarunta Dhaqanka, oo uu horkacayo Guddoon Dr. Jama Musse Jama ayaa ku muteystay bogaadin & mahadnaq ballaadhan dedaalka ay muujiyeen ee ku aaddan agaasinka bandhiggan muhiimka ah, kaasoo si weyn u xoojiyay dhaqanka akhriska iyo is-weydaarsiga aqoonta.
Maktabadda Axmed-dhagax waxay sii wadi doontaa hawsha buug ururinta iyo dhiirrigelinta akhriska si loo dhiso bulsho aqoon ku hubaysan, adduunka na wax ka beddesha.
Ballanteennu waa akhris iyo hal-abuur.
30/07/2025
Waxaa si toos ah uga socda Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, oo lagu qabanayo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa , buug-ururinta Maktabadda Guud ee Axmed-Dhagax. Ka soo qaybgal, oo ka qaybqaado barbaarinta jiilka cusub!
Soo dhawaada, akhristayaal!
29/07/2025
Waad ku mahadsantihiin soobookhashadiina.
Fadlan ka qaybqaado Aas'aaska iyo buug ururinta maktbadda Axmed-dhagax.
29/07/2025
subax wanaagsan akhriste!.
Wali waxaa socda buug ururintii maktabadda Ahmed-dhagah, sidaasdarteed nagusoo booqo bandhigga buugaagta Hargeisa oo ku deeq buug.
Mahadsanidiin.
28/07/2025
Soodhawaada akhristayaal oo ka qaybqaata buug ururinta maktabadda!.
Mahadsanidiin.
28/07/2025
Fadlan nagala qaybqaado kobcinta garaadka iyo wacyiga bulshadda!.
Ku deeq Hal buug si uu anfaco garaadka kumaanan qof.
Sii gaadhsii ka qaybqaataha jecel akhriska iyo qoraalka.